Wednesday 28 October 2009

URURKA TAF OO DHISMIHII 3AAD OO CUSUB KA HIR GELIYEY CUSBITALKA MANDHAYE IYO MAAYARKA BURCO OO XADHIGA KA JARAY +SAWIRO.

URURKA TAF OO DHISMIHII 3AAD OO CUSUB KA HIR GELIYEY CUSBITALKA MANDHAYE IYO MAAYARKA BURCO OO XADHIGA KA JARAY +SAWIRO.

Munaasibad ballaadhan oo xadhiga lagag jarayayey qayb 3 aad oo lagu soo kordhiyey cisbitaalka maandhaye ee magaalada Burco.

Munaasibad Ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayay cusbitaalka dadka xagga dhimirka ama maskaxda wax ka qaba ee Maandhaye ee magaalada Burco, ayaa lagu qabtay cisbitaalka Gudihiisa, Munaasibadan oo ahayd mid si wey loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo waxgarad aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin, Maayarka Magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhego-laab, isuduwaha wasarada Cafimaad Mr.Aadan, Maamulayaasha Shirkadaha DAHABSHIIL iyo TELESOM Xidhidhiyaha Ururka TAF Sacad Cali iyo weliba masuuliyin kale oo ka socday TAF. Maxamed Xusen iyo Faarax Xadhigle oo ka mid ah Guddiga Hirgeliyey Dhismaha Qaybtan 3aad sidoo kale Maxamed Dahir oo ka mid ah Guddiga deegaanka ahna masuuliyinta ugu caansan Gobolka waxa isaga laftiisu madasha fadhiyey Dr. aadan Casayr iyo weliba Masuuliyin ka kala socday Ururada Togoyovo iyo TOYDO iyo sidoo kale Saxaafadda Madaxa banaan.

Munaasibadan oo uu xidhiidhinayay Eng Faarax Xadhigle ayaa waxa ugu horaynba lagu furay aayado quraana waxana aayadaha Quraanka ah kadib madasha ka hadlay Sh.Maxamed Xuseen oo ka mid ah Guddiga hirgelisay mashruucan dhiska ah, isagoo faahfaahin ka bixiyey halkii uu ka soo bilaabmay mashruucan lagu dhisay Cusbitaalka isagoo sheegay in markii ugu horaysay Qaybta 1aad ay isku xilqaameen dhalinyaro Qurbo joog ah oo la yidhaa TAF(Togdheer Abroad Foundation) isla markaasna ka shaqeeya horumarinta Gobolka ama deeganka, isago sheegay in mashruucan ay iyagu bilaaben mashaariic kale oo wax tar leh na ay kaqabteen Gobolka, isagoo ku ammaanay caqliga wanaagsan iyo kartida ay ku keeenee Dhisida Dhisme noocan oo kale ah oo builshada wax tar u ah, waxa uu Sh. Maxmed Xuseen Faahfaahin dheer ka bixiyey inta jeer ee kolba qayb lagu kordhinayay Cusbitaalkan maandhaye, isagoo sheegay in markii qaybta 2aad lagu Kordhinayay ay mashruucas qaybta 2aad loogu Kordhiyey cusbitaalka maalgelintiisa lahayd Hay’ad wadani ah oo la yidhaa (SMC) Somali Medical Care. Iyadoo qaybtaasina ahayd 12 qol iyo iyagoo 9 qol oo hore u dhisnaana isu furay. Habada Qaybtan hay’ada SMC ay dhistay ayaa u kala qaybsanayd 2qaybood oo kala ah Qaybta dhalinyarada iyo Qaybta carruurta iyadoo uu dhaqaalaha lagu dhisay qaybahaasina uu Guddiga hirgeliyey dhismayaasha cusbitaalka soo gaadhsiiyey Dr.Ahmed Awed oo ka wakiil ah Hay’ada Somale Medical Care(SMC).

Waxa u sheegay maxamed xuseen in mashruuca cisbitaalka bilowgiisii ay ahayd 2006 iyado imminka oo la joogo dabayaaqada 2009 lagu soo kordhiyey qayb 3aad oo ka kooban 15 qol iyo 2 Hool oo waawayn iyadoo loo kala qaybiyey 5 qol oo dumarka ah iyo 10 qol oo ragga u gaar ah.

Hadaba khudabada Maxamed Xuseen Kadib waxa microphone ka lagu soo dhoweeyey Xidhiidhiyaha TAF Mr.Sacad Cali isagoo sacad ka sheekeeyey kharashka ku baxay qaybtan cusub ee Ururkoodu ku soo kordhiyey Cusbitaalka Maandhaye iyo weliba waxqabadyada Ururkooda, waxa uu sacad ugu horayn mahad naq ballaadhan u soo jeediyey ilaahay SWT kaas oo uu suurto geliyey inu mashruucani hirgalo isagoo sidoo kale Bogaadiyey Guddiga iyaguna hirgeliyey dhisida iyo agaasimka hawshan isagoo sheegay inay iyagu keliya maligelinta uun lahaayen, sidoo kale wuxu sheegay Sacad in Cisbitaalka lagu soo wareejiyey Dayr 42 mitir ah iyadoo dhaqaalaha dhismahan cusub ku ku baxayna uu ku sheegay $64,136 (Afar iyo lixdan kun Boqol Soddon iyo lix Dollar)

Waxa Khudbaddii mahadnaqa u badnayd ee Sacad kadib madasha soo istaagay Dr.aadan Casayr oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha Cusbitaalka Maandhaye, isagoo ugu horayn dadka ka codsaday in ay ka daayan Cusbitaalka waalida ama Cusbitaalka DADKA waalan, marka ay Cid u tilmaamayan ama cid u sheegayaan, isago codsaday in loogu yeedho cusbitaalka Maandhaye oo magaca Cusbitaalku uu kaas yahay, waxa uu ka sheekeeyey Dr.aadan casar in Cisbitaalka Maandhaye ay ku jiraan 2190 qof (Laba kun boqol iyo sagashan Qof) isagoo sheegay in dadka halkan la keenaa %80 ay caafimaadaan, waxa uu sheegay oo kale in Bukaanka cusbitaalka ka regsiter garaysan ay u kala qaybsanyihiin 2 Qaybood oo kala ah Out Pation iyo Day Clinic oo uu sheegay inay kala yihiin dad 5 maalmood cusbitaalka ku jira oo khamiista iyo Jimcaha uun la fasaxo iyo qaar dawada ku qaata uun dhakhtarka oo habeenkii fiidka rawaxa.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha cusbitaalka ka shaqeeya ay dhan yihin 19 shaqaale ah isla markaasna isagu uu yahay Social Work, iyagoo jira dhakhaatiirkale iyo shaqaale kale oo hawlo kala gedisan u qabta Cusbitaalka iyo dadka xanuusanayaba, waxa kaloo uu sheegay in ay jiraan dad bukaan ahaa oo ku jiray cusbitaalka in hadda ay shaqaystaanba o caafimaadeen, isagoo sidoo kale xusay dhaqaalaha Bil kasta Ku baxa cusbitaalka inuu dhan yahay $3520 (Saddex Kun shan boqol iyo labaatan Dollar) wuxuu kalo Doctorku xusay oo u mahad celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay cusbitaalka siba Shirkadda DAHABSHIIL oo uu sheegay in gaadhiga Umblance ka ah ee Cusbitaalka ay bixisay.

Sido kale waxa munaasibada ka hadlay isuduwaha wasarada Cafimadka ee Gobolka Togdheer isagoo mahadnaq balladhan u jeediyey Dhalinyarada Ururka TAF isagoo weliba shahaado sharaf halka ku Guddoonsiiyey masuulkii u hadlay TAF Mr. sacad.

Waxa Ugu danbayntii soo xidhay munaasibadda Maayarka Magaalada Burco maxamud axmed xasan isagoo ku Bogaadiyey Dhalinyarada dhistay qaybtan cusub iyo qaybihii horeba ee TAF inay dadaalkooda sii wadan isagoo sheegay inay ku dayasho mudan yihiin, shirkadaha kalena ku canaantay inay sida DAHASHIIL oo kale qaybtooda ka qaataan cusbitaalkaa dadka waalan lagu dawaynayo isago weliba marka si kaftan ah kelmad baraarujin ah ugu tuuray maamulaha TELESOM sh.ciisa oo madasha fadhiyey,

Waxana faarax xadhigle oo xidhiidhinayay xafladda xadhig ka jarista dhismaha cusub ee cisbitaalka isna dadka ku booriyey inay ka qaybqaatan dhankooda iyaguna isagoo sheegay inay inta ay kaga qayb qaadan karaana ay tahay $1 Hal Doolar oo bishii ay Accountka Cusbitaalka ku ridaan isagoo sheegay in haddii 3000 Sadex kun oo qof ay bishiiba halkaa Dollar ku ridaan accounta ay wax weyn u taryso Cisbitaalka iyo dadka xanuunsanayaba,

waxa kale uu sheegay faarax xadhigle in Dadka Cusbitaalka dhisay iyo qaybtan imminka xadhiga laga jarayo ba ay yihiin Dhalin yar ka ugu wayni aanu weli gaadhin 30 sano jir iyadoo halkaas aad ka garanaysid buu yidhi in ay jiraan Dhalinyar da’daas ah oo maskax noocan u fekeraysa ay jiri karaan maadama kuwani Tusale iyo ku cibro qaadasho ay noogu filan yihiin aadna arkaysaan dhismaha ay dhalinyartaas Rag iyo Dumarkaba lihi ay dhissen.

Waxaana ugu Danbayntii loo dareeray xaggaas iyo qaybtii cusbayd ee xadhiga laga jarayey waxaana gacantiisa xadhiga kaga jaray MAAYAR KA magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhego-laab iyadoona uu markii danbe Kormeer Guud ku sameeyey Qaybta cusub iyo qolalka iyo hoolasha ay ka koban tahay.

MAANDHAYE

Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com
2522,4411480

No comments:

Post a Comment