Friday 23 October 2009

DHALINYARDA IYO DOORKOODA ISBADALKA DALKA (CHANGE)

DHALINYARDA IYO DOORKOODA ISBADALKA DALKA (CHANGE)

DHALINYARDA IYO DOORKOODA ISBADALKA DALKA (CHANGE)

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku soo qaadan doona doorka isbadal ee dhalinyarada iyo waxa la gudboon mustaqabal, waxaa aynu si gaara u taaban doonaa mawaadiic kala gadisan oo aad u xiiso badan.


WAA MAXAY HANTIDA RASMIGA AH EE QOFKA DHALINYARADA AH?? Q1aad

Sida ku sugan baalasha dahabiga ah ee taariikheed, dhalinyardu waa hogaamiyaasha isbadalka umada walba, bulsho kasta dhalinyardu waa jiilka cusub ee barito hogamaani lahaa wadanka iyo dadka ay ka dhasheen , sidaas daraadeed Waxaa muhiim ah in maanta ay dareeno hantida uu leeyahay qofka dhalinyarda ahi oo uu ku baraabugsunaado si aanuu u lumin fursad uu haysto.

Hadab Waxaa maanta qalinku sawirayaa hantida rasmiga ah ee qofka dhalin yarada ahi haysto si uu ugaga faa’iidaysto mustaqbalka danbe, waayo waa hogaamiya soo karayo oo u baahan inaa aanuu yeelan sifo uu hadhow {marka uu bilaabo inuu umada hogaamiyo} ku waayo hogaaminta fiican,

Ugu horayn hantida rasmiga ah ee qofka dhalinyarda ahi leeyahay maaha daaro faro badan oo uu dhisto, lacag faro badan oo uu tabcado, dumar faro badan oo guursado, shaqo fiican oo uu helo IWM balse hantida rasmiga ah ee ma guurtada ahi waa dagta (sharfta) am sumcad uu ku leeyahay bulshada uu ku dhex nool yahay, waana mid aan lagu iibasan Karin kumaaan dollor, taana waxa dareemi kara qofkii ay ka luntay ee tabaya in aanu sumcad am karaamo ku dhex lahayn bulshda uu ku dhex nool yahay.

Hadaba Waxaa muhiima am laga maarmaan ah in qofka dhalin yarda ahi ay ku dhacdo shaanbada sheegaysa sharf xumo iyo kaarmo dil, waan ta ay diintu inta badan ka digtay in aan lagu xad gudbin cirdiga qofka muslimka ah.

Waxa kaloo xusid mudan in aad ka dhex muuqato dad iyagu ku sifoobay astaamaha aan fiicanyan, waa mid aad la qabtid hadii aad ka dhawaatid dadka noocaas ah.

Waxaan ku soo koobayaa maqaalkan in ay lagama maarmaantahay in qofku dhalin yarda dareemo qiimaha ay ku taagan tahay karaamadiisu iyo shaftiisu oo uu ka dheeraado wixii uu soo jiidaya magac xumo, Waxaas oo noqon kara inuu ka muuqdo goob uu hadhaw qoomayeeyo oo laga yaabo in uu is lahaa malintaas uun ku fusho dantaada lakiin ay ku dhacdo camera-ad am shaambad ah inuu ka tirsanaa kuwaa bulshadu ka digayasay.

Ugu danbayntii Waxaa odhan lahaa aynu ka fiirsano taabooyinka dilaya sumcadeena dhalin yara nimo.

Maqaalka labaad waxaan kaga hadali doonaa doorka dhaliyarda iyo hogaaminta fiican waxaan soo qaadan doonaa tusalaayaa dhaxgala oo mudan in lagu cibro qaato………………………… lasoco Q2aad.

Farhan Mahamed Eggeh Farxaan42@hotmail.com.

No comments:

Post a Comment