Sunday 25 October 2009

QALABQALAB LAGAGA BIYO LAGAGA DHALINAAYO HAWADA OO AY SOO BANDHIGEEN HAWEEN QUBAJOOG AHI.

Haween u dhashay wadanka Somaliland oo ka kala yimdi wadama dibada sida Sucuudi Arabia iyo Uk oo lagu kala magaacbo Ifraax Cumar Hadraawi iyo Shugri Aadan ayaa maanta soo bandhigay qalab hawada lagaga dhilinaayo biyo.

Kulan oo xafladiisa lagu qabtay Huteel Impirail ee magaalda Haragyasa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancad, Wasiirudawlaha Wasarada Cafimaadka Axmed Cali Shire iyo madax kale oo ka socda dawlada iyo xubno ganacsato ah iyo dadweynekale oo tiro abdan .

Mishiinadan oo ay sharaxaad ka bixiyeen ayay sheegeen ujeedada ay u keeneen inay tahay sidii ay dadka reer Somaliland u heli lahaayeen biyo nadiifa isla markaana ay uga bixi lahaayeen biyo la’aanta haysata.

Max’ed axmed Cali oo ku hadlayay afka haweenkaasi qurba-jooga ah ee keenay mishiinada biyaha ka soo saaraya hawada ayaa sheegay in qalabkan la yidhaahdo hawada ka cab(sky water) uu yahay qalab casriya oo wax wyn ka taraya baahida biyaha ee dadka reer Somaliland oo baahi weyn u qaba inay ka baxaan biyo la’aanta isla markaana ay helaan biyo nadiifa iyadoo taa laga duulayana ay keeneen mishiino wax ka taraya baahidaasi kuwaas oo lagu isticmaali karo goobaha ganacsiga,guryaha iyo miyigaba

Waxa kale oo uu ka waramay sababaha ku kalifay inay ka mid tahay biyo la’aanta caalamka ka jirta oo laga baqo qabo inay keento dagaalo la iskaga horyimaado taasoo dhibaato weyn oo biyo yaraana abuuri karta sidaasi dareteed loo baahan yahay in laga taxadiro oo la isku diyaariyo sidii looga gaashaaman lahaa inay dadka reer Somaliland soo foodsaarto khatarta ay arrintaasi leedahay

Wasiiru dawlaha wasaaradda Caafimaadka oo ka hadlay bandhiga lagu soo bandhigay mishiinada biyaha hawada ka soo saaraya ayaa sheegay mashruucani inuu yahay mid lagaga fursanayo biyihii ceelasha lagala soo bixi jiray oo hawl badan qaadan jiray waxaanu yidhi “Waxa lala yaabo maaha oo adduunku horuu u socdaa oo mar walba waxbaa la daah furayaa.biyaha waagii hore dhulkaa laga qodan jiray, waxa la keenay biyaha milixda ee badda in laga nadiifiyo oo niyo macaan laga hel,in hawada laga miiro oo iyadana biyaha uumiga laga dhaliyo wax lala yaabo maaha. Run ahaantiina inagu biyo badan weynu haysanaayoo dhulka hoostiisa ah laakiin la soo baxaooda iyo sifayntooda ayaa wakhti badan inagu qaadataa in biyo nadiif ah la helo waa muhiim,in biyaha la cabo baana ka muhiimsan, oo runtii caafimaad ahaan noloshu biyay ku qotontaa.” Waxaanu intaa ku daray inay gacan siinayaan mashruucan

Wasiirka wasaaradda Duulista hawada Cali Maxamed Warancade ayaa isna ka hadlay bandhiga lagu soo bandhigay mashruucan mishiinada biyaha hawada ka soo saaray oo uu u mahad naqay hablaha keenay waxaanu intaa ku daray inay tusaale u tahay sida ay bulshada reer Somaliland u doonayaan inay gaac mahooga wax kula soo baxaan”

Togaherer Hargaysa


No comments:

Post a Comment