Wednesday 28 October 2009

Tartan-Ciyaareed loogu magac-daray Jiciir Cup oo ka furmay Hargeysa.. Daawo Sawirada

Tartan-Ciyaareed loogu magac-daray Jiciir Cup oo ka furmay Hargeysa.. Daawo Sawirada

Tartan-ciyaareed dhinaca kubbada cagta ah magaciisu yahay Jiciir Cup oo ay ku loolamayaan ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Al-Jazeera, oo ka mid ah Dugsiyada sare ee kuu yaalla Magaalada Hargeysa, magac-bixintiisana lagu sharfay,in loogu magac-daro Duqa Caasimadda Hargeysa Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium.

Tartankan oo ah mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaasna aan noociisa hore loogu qaban Somaliland, isla markaasna noqon doona tartan sannadkiiba mar la qabto, ayaa waxa ku tartamaya afar kooxood oo kala socda, Fasalada Koowaad, Labaad, Saddexaad, iyo Fasalka Afraad ee Dugsiga sare ee Al-Jazeera.

Maamule ku xigeenka Dugsiga Al-Jazeera Mr Siciid Maxamuud Gahayr , oo warbixin ka bixiyay tartankan ayaa sheegay in ay koobkan Jiciir Cup loogu talo-galay in lagu kordhiyo isdhexgalka ardayda Dugsiga Al-Jazeera, ardaydana loogaga mashquuliyo balwadaha kala geddisan, isla markaasna lagu soo bandhigo hibada ciyaartooynimo ee ay leeyhiin qaar badan oo ka tirsan ardayda Dugsiga Al-Jazeera oo u safta Naadiyada waaweyn ee ka dhisan Magaalada Hargeysa.

Maamule ku xigeenku isaga oo sii wada warbixintaku saabsan koobkan Jiciir Cup waxa uu yidhi “Waxaana aniga iyo Maamulaha Dugsiga Al-Jazeera isla garanay in aanu koobkan ugu magacdaro, kuna sharafno Duqa Caasimada Hargeysa Eng Jiciir oo ah Maayar aqoonyahan ah, si weyna u taageera aqoonta, isla markaasna Iskuulka Al-Jazeera la qabtay hawlo aad u badan, oo uu ku mudan yahay in aanu uga mahad celino, Maayarkuna si qadarrin leh ayuu u soo dhaweeyay talaabadan, waanu naga ogolaaday in aanu koobkan isaga ugu magac-darno, Waxbarashadana waxa loo qaybiyaa mental education oo ah aqoonta maskaxda, iyo Physical Education oo ah aqoonta jidhka sida ciyaaraha, waxaanay maadadaas Physical Education-ku ka mid ahayd xiisadihii ay dhigan jireen ardayda iskuulada ku jirtaa, laakiin maadaama oo aanay taasi jirin, waxa aanu doonaynaa in aanu hormood ugu noqono soo celinta xiisadaas physical education-ka”

Mr Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu intaas ku daray in koobkani yahay mid neck-out ah oo kooxda mar laga badiyaa ay hadhayso, soconna doona 3 maalmood oo kala ah Salaasada, Isniinta iyo Arbacada, Waxa kale oo uu Siciid sheegay in muhiimadda koobkani yahay in uu ku dhaco qaab nabadgelyo ah, isla markaasna ay ka hortegayaan insha Allah wax kasta oo fawdo abuuri kara, waxaanu Maamule ku xigeenku kula dardaarmay in ay si nabadgelyo ah, Maamule ku xigeenku waxa uu mahad-celin ballaadhan u jeediyay cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgalinta koobkan oo ugu horreeyo Maamulaha Al-Jazeera Khadar Xaaji Yuusuf Cabdullaahi, macalimiinta kala ah Mukhtaar Axmed Maxamed, Cabdiraxmaan Guuleed, Kaahin, Maxamed Yuusuf Cismaan iyo Cabdisalaan Rashiid Cali, iyo guud ahaan ardayda Dugsiga Al-jazeera oo ugu horreeyo Guddoomiyaha ardayda Al-Jazeera Cabdirisaaq Khadar Jibriil, Kabtanka kooxda Fasalka 3aad Cabdiraxmaan Xasan Warsame, Guddoomiyaha Jaraa’idka Iskuulka Cabdicasiis Maxamed Cabdilaahi, Liibaan Axmed Maxamed iyo qaar badan oo kale.

Ciyaarta lagu furay koobkan oo ahayd mid ay foodda isku dareen labada kooxood ee Fasalka Labaad (Form Two) iyo Fasalka Saddexaad (Form Three), oo ahayd mid lagu soo bandhigay farsamo-ciyaareed aad u heersarreysa ayaa ku dhamaatay wakhtigii loogu talogalay barbardhac iyada oo aan wax gool ah la kala dhalin, waxaana lagu kala baxay rigooreyaal ama laadka tooska ah waxaaanay guushu 4-3 ku raacday kooxda Labaad (FORM TWO).

Ugu dambayntii waxa uu Maamule ku xigeenka dugsiga Al-Jazeera uu ballanqaaday in ay ardayda dugsiga u qaban doonaan tartano kale oo ay ka mid yihiin:

  1. Tartan-aqooneed dhinaca Waxbarashada ah oo lagu sharfay in lagu xuso, looguna magac-daro Alle Ha U Naxariistee Abwaankii Weynaa ee Yuusuf Xaaji Aadan Qabille oo ah Aabaha Labaad ee Waxbarashada Somaliland.
  2. Tartan dhinaca Suugaanta iyo Gabayada ah oo loogu magacdari doono Alle Ha U Naxariistee Abwaankii Caanka ahaa Cabdi Iidaan Faarax iyo
  3. Tartan dhinaca ciyaaraha fudud ee orodada ah oo isagana loogu magac-dari doono ………………………………………..

Tartankan waxa hambalyo iyo bogaadin u diraya Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhista, waxaana hambalyadan gudbinaya Agaasimaha fulinta ee ERA Mr Mahad Ciise Xirsi (Boos).

La Soco Ciyaaraha Dambe, Dugsiga Al-Jazeera, Wacdaraha Jiciir Cup iyo Tartanada kale ee soo socdaba.

Education And Research Academy Desk

Hargeysa, Somaliland

eraorg@ymail.com

Jiciir cup

No comments:

Post a Comment