Friday 23 October 2009

ADUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 8AAD DUCADA IYO TALOSAARASHADA ALLE (TAWAKALIDDA ALLE)

ADUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 8AAD DUCADA IYO TALOSAARASHADA ALLE (TAWAKALIDDA ALLE)

ADUUNKA

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaantaa qaaliga ah ee Islaamka u dirayaa Shebekadda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 8aad)

Ducada iyo Talosaarashada Alle(Tawakalidda Alle)

Waxa Alle subxaana wataacaalaa Addoomadiisa ugu deeqay in haddii ay baryaan oo duco weydiistaan inuu ka aqbalo,ducada Addoonku Illaahiisa ka dalbo Alle wuu ka aqbalaa oo ama sideeda ayuu Alle u siiyaa,ama dhib ku soo fool lahayd ayaa Illaahay kaga baajiyaa ducadaas,ama dib ayaa Alle ugu dhigaa oo mar kale ayuu siiyaa wuxuu dalbaday.

وقال ربكم أدعوني أستجب لكم …(غافر)

Aayadda:Rabbigiin wuxu yidhi duco i weydiista waan idinka aqbalayaa’e.

Waxa Alle siiyey Addomadiisa deeq aan dhamaanayn oo ah inay waydiistaan duco mar kasta oo ay badiyaan Alle wuu ka aqbalayaa’e:

واذا سألك عبادي عنّي فاني قريب أجيب دعوة الدّاع اذا دعان فليستجيبوا لي وليومنوا بي لعلهم يرشدون(البقرة)

Aayadda:haddii ay Addoonnadaydu i kaa weydiiyaan waxan ahayd mid u dhow oo aqbala ducada qofka ducaysanaya hadduu i weydiisto,ha iga dalbeen ducadooda hana i rumeeyeen,waxa la arkaa inay hanuunaane.

Alle subxaana watacaalaa Magacyadiisa 99ka ah waa lagu ducaystaa inta la akhriyo,ayaa la dalbaa waxa khayrka aad ku gaadhey If iyo Aakhiro:

ولله الاسماء الحسني فادعوه بها …(الاعراف)

Aayadda:Alle wuxu leeyahay Asmaa’ul xusnaa(magacyo wanaagsan)ee ku ducaysta.

Illaahay qofka dhibaataysan ee Alle ka barya inuu ka dul qaado oo khayr ugu bedelo wuu ka aqbalayaa:

أمن مجيب المضّطر اذا دعاه…(النمل)

Aayadda:ayaa aqbala ducada qofka dhibaataysan markuu ducaysto(waa Alle)

Alle isagaa korreeyee qofkii duco weeydiista iyo denbi dhaaf wuu ka aqbalaa,oo Alle isagaa yidhi i weydiista waan idin siinayaa’e:

ربنّا فاغفر لنا ذنوبنا وكفر عنا سيأتنا وتوفنا مع الابرار….. فاستجاب لهم ربهم اني لا أُضيع عمل عامل منكم من ذكر أو أُنثي …(العمران)

Aayadda:Rabbigayow noo denbi dhaaf,oo xumaantayada qari,oo kuwa wanaagsan ee abraarta ah nala oofso…Alle waa ka ajiibay oo yidhi ma dayacayo camal qof sameeyey lab iyo dheddig kuu doonoba ha ahaadee.

Markaa waa in aanu addoonna ka daalin inuu ducaysto markasta oo khayr dalbado.

Quraankeenna kariimka ahi wuxu inoo sheegay Anbiyo Alle ka dalbatay ducooyin kala gedisan oo Alle mid walba ka aqbalay oo siiyey wuxuu dalbaday:

ونوحا إذ نادي من قبل فاستجبنا له فنجّيناه وأهله من الكرب العظيم ونصرنا من القوم الذين كذبوا بأياتنا إنهم كانوا قوماً سوء فأغرقناهم أجمعين(الأنبياء)

Aayadda:Nuux markuu Alle weydiistey mar hore ducada,dabadeed aannu ka aqbalnay oo badbaadinnay isaga iyo Ehelkiisa dhibtii weyneyd,oo uga gargaarney Qowmkii beeniyey Aayadahayaga,waxay ahaayeen Qowm xun,dabadeed waannu qarraqnay(qarqinnay) dhamaantood.

Nebi Ayuub wuxu xanuunsanayey muddo 17 sannadood ah dabadeed ducaystey oo Alle ka aqbalay oo xanuunkii ka dulqaaday oo begsiiyey:

وأيوب إذ نادي ربه أنّي مّسني الضُّّّّّر وأنت أرحم الراحمين فاستجبنا له فكشفنا ما به من ضرّ وءاتيناه أهله ومثلهم معهم رحمة من عندنا وذكرى للعابدين(الأنبياء)

Aayadda:Ayuub markuu Rabbigiis u dhawaaqay(isagoo ducaysanaya)waxa i helay dhib(xanuun) adigaana ah ka ugu naxariista badan cid naxariisata, markaasaannu ka ajiibnay oo ka dulqaadnay dhibtuu ku sugnaa,oo siinnay Ehelkiisa iyo intii la jirtayba raxmadayada hanuunna way u tahay kuwa Alle caabudaya.

Nebi Yuunis oo magaca kale ee loo yaqaan yahay Da’nuun ayaa inta uu cadhooday Doon raacay,dabadeed qori tuur baa ku dhacay in badda lagu tuuro markaas ayaa Xuud(Nibiri) laqay,calooshii nibiriga ayuu ku ducaystay,Allena waa ka aqbalay oo waa ka soo badbaadiyey nibirigii laqay:

وذا النون إذ ذهب مغاضبا فظن أن لن نقدر عليه فنادى في الظلمات أن لا إلـه إلا أنت سبحانك إنّي كنت من الظالمين فاستجبنا له ونجيناه من الغم وكذالك ننجي المؤمنين(الأنبياء)

Aayadda:Da’nuun markuu tegey isagoo cadhoonaya,oo u maleeyey in aanaannu Awoodi karin(waxba ku samayn karin),markaasuu mugdigii(calooshii Nibiriga)

ka dhawaaqay :adiga mooyee Illaah kale ma jiro,adaa nasahane waxan ahaa mid daalimiinta ka mid ah,markaas ayaannu ka ajiibney oo ka badbaadinney dhibtii, sidaas ayaannu muuminiinta u badbaadinnaa.

Nebi Ibraahim wuxu yimi Maka oo waqtigaa aan dhir iyo doog aan lahayn, dabadeed wuxu Alle ka dalbay inuu dhulka u barwaaqeeyo oo dad ku soo hirtana u keeno:

ربّنا إني أسكنت من ذريتي بواد غير ذي زرع عند بيتك المحرم ربّنا ليقيموا الصّّلاة فاْجعل أفئدة من الناس تهوي إليهم واْرزقهم من الثمرات لعلهم يشكرون(إبراهيم)

Aayadda:Rabbigayow waxan dejiyey durriyadaydii waadi aan sarac lahayn ee Beeytkaaga(Maka)muxaramka ah,Rabbiyow si ay salaadda u oogaan ka yeel kooxo dad ahi inay yimaadaan,oo ku arsaaq midho waxa la arkaa inay shukri naqaane,Alle waa ka aqbalay oo waad aragtay sannad kasta waxa dad xajiyaya ama cimro gudanaya ee taga Maka,oo meel kastoo adduunka ah ka imanaya.

Nebi Sekeriye waxa uu gaadhey da’ wax carruur ahna Alle ma siin waqtigaa,dabadeed Illaahay ayuu ka dalbay inuu ubad siiyo:

وزكريا إذ نادى ربه رب لا تذرني فرداً وأنت خير الوارثين فاستجبنا له ووهبنا له يحيى وأصلحنا له زوجه إنهم كانوا يسارعون في الخيرات ويدعوننا رغبا ورهبا وكانوا لنا خاشعين(الأنبياء)

Aayadda:Sekeriye ayaa u dhawaaqay Rabbigiis;Rabbiyow ha iga dhigin keli,adiga ayaa ugu kheyr badan cid wax dhaxasha’e,dabadeed waannu ka ajiibney oo u hibeyney Yaxye,una islaaxinnay xaaskiisa,waxay ahaayeen kuwo u degdega khayrka,oo naga dalba ducada doonistooda iyaga iyo cabsi ahaanba, waxanay ahaayeen kuwo khushuuc leh.

Waxa mudan oo fiican in qofku mar kasta ducaysto oo aanu ducaysan oo keliya marka dhibi soo waajahdo:

روي الترمذي عنه:انه صلوات الله عليه وسلامه قال:”من سره ان يستجيب الله تعالي له عند الشدائد فليكثر الدعاء في الرخاء”

Xadiiska:waxa Tarmidi weriyey in Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu calayhi uu yidhi:qofka doonaya in Illaahay ducadiisa ka ajiibo oo ka aqbalo marka dhibtu jirto,ha badiyo ducada intuu barwaaqada ku jiro.

Saddex qof ducadooda lama celiyo ee waa la aqbalaa oo Alle wuu siiyaa,waa qofka la dulmiyey ee madlumka ah,iyo qofka soomman iyo qofka safarka ku jira

Ducooyinka ugu aqbalidda badani waa kuwa saqda dhexe aad ducaysato iyo kuwa salaadaha waajibka ah markaad ka baxdo aad ducaysato:

عن ابي أمامة قال:قيل:يارسول الله أي الدعاء اسمع؟ قال:”جوف الليل الآخر ودبر الصلوات المكتوبة”رواه الترمذي

Xadiiska:Abi Umaama ayaa yidhi:waxa la yidhi Rasuulkii Allow ducadee ayaa loogu aqbali ogyahay?wuxu yidhi:ducada saqda(badhtanka)dhexe ee habeenkii iyo salaadaha waajibka ah dabadooda.

Sidoo kale ducooyinka aadka u qiimaha badan ee hore loo aqbalo waxa ka mid ah,ducada aad qof kaa maqan u ducayso,ama ha fogaado ama ha dhowaado’e:

عن ابي داود والترمذي :ان النبي صلي الله عليه وسلم قال:”أسرع الدعاء اجابة دعوة غائب لغائب

Xadiiska:waxa Abu Daa’uud iyo Tarmidi laga weriyey in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:ducada loogu hor aqbali ogyhay waa ta laba kala maqani isugu duceeyaan.

Markasta Illaahay weydiiso khayr iyo in xalaashiisa uu kaaga dhigo mid kaga kaaftooma xaaraantoo dhan oo cid aan Alle ahayn aanad waxba ka sugin:

اللهم اكفني بحلالك عن حرامك , و أغنني بفضلك عمن سواك

Waxa qofku Alle ugu dhow yahay markuu sujuudsan yahay haddaba waa inuu ducada badiyaa waqtigaa qaaliga ah,waxaynnu wada ognahay in salaadda markaad gudanayso aad Eebbe hor joogto oo keligii ku xidhan tahay oo la munaajoonaysid,waxa loo baahan yahay inaad khushuuc iyo iimaan buuxa la timaadid,markaad salaadda dhamaysidna duco naftaada iyo dadka muslimiinta ah oo dhan Alle ka barido insha Alla Illaahay wuu aqbayaa’e.

Waa in qofka Muslinka ahi Alle talo saartaa oo isagu dadaal iyo hawlgal la yimaaddaa:

خذ ألأسباب وتوكل علي الله.

Waana inuu qof walba oo Muslin ahi ogaadaa in wax loo qoray mooyee aanu wax kale helayn lana kulmayn:

قل لن يصيبنا الا ماكتب الله لنا هو مولانا وعلى الله فليتوكل المؤمنون.(التوبة)

Aayadda:dheh nama helayso wax Alle noo qoray mooyaane wax kale,waa Mawlahayaga,ee Muuminiintu Alle ha talosaarteen.

Alle isagaa korreeyee isagoo sifaynaya Muuminiinta dhabta ah ayuu yidhi:Muuminiintu waa kuwa haddii la sheego oo la soo qaadqaado wax Alle ku saabsan qalbiyadoodu khushuucaan oo debcaan,oo haddii Aayadaha Alle la akhriyo u siyaadisa iimaankooda,ee Alle talasaarta.

Your browser may not support display of this image. إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَاناً وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَYour browser may not support display of this image. الأنفال)

Rasuulka Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:haddii aad Alle u talasaarataan si sax ah oo dhab ah,wuxu idiin arsaaqayaa sida uu Shimbiraha u irsaaqo,(Aroortii)way dareeraan iyagoo calooshu madhan tahay (gaajoonaya) oo soo noqdaan iyadoo calooshu u buuxdo oo dheregsan.

قال رسول اللّه Your browser may not support display of this image. ): لو أنكم توكَّلون على اللّه حق توكله، لَرزقكم كما يرزق الطير، تغدو خِماصاً، وتعود بِطاناً)

Illaahay wuxu inoo sheegay laba sifo oo ay hadday muuminiintu ku sifoobaan ay helayaan irsaaqad aanay filanaynin iyo in Alle kafaale qaadanayo:

Your browser may not support display of this image. وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجاً وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ Your browser may not support display of this image. الطلاق

Aayadda:Qofka Alle ka baqa waxa Alle u furaa dariiqyada oo wuxu ka irsaaqaa meelo aanu ka filaynin,kii Alla talo saartana isagaa ku filan oo kafaalo qaadanaya.

Ducada Eebbe weydii

Dadaalkana irmaanee

Dalbo kheyrka idilkii

Deriskaaga qayb sii

Dadka horumarkiisiyo

Dalku inuu nabdoonaan

Daacadnimo ku hawlgalo

Dastuur lagu dhaqaajiyo

Dulmi laga fogaadoba

Daayinkaa u tuugoo

Ducadu yaanay gaabinin

Dawo inay timaadoo

Dadku wada samaadoo

Diintu dhaqn ahaatoo

Daruuruhu curtaanoo

Duunyadu samaatoo

Doogga ay helaanoo

Durdur caanohoodiyo

Duxda subaggu badatoo

Diiftana la reeboo

Dugsiyada waxbarashadu

Dug kastaba ahaadaan

Daalacashadu badatoo

Ducada inoogu dara’oo

Dunidaa cajiibka ah

Daymo feker la raacshoo

Daayin uun la tuugoo

Daarna laga diyaarsado

Danbaysada Aakhiro

Duco aan dhamaanayn

Dadaalkuna halkiisii

Debec waxad helaysaa

Danta aad jamanaysee

Dalbo oo haddana dalab

Daal yaanu kuu iman

Docdiisaa nin laga yidhi

Dersi Rasuulka sheegaya

Ducadiyo ku salligii

Dayac kay ku dhaaftaa

Deeqsinimo ka dheeroo

Dullinimuu ku caanbaxay

Digtoonaanta maaloo

Dareenkaaga noolee

Degdeg hawsha mudaniyo

Dibu dhigga middii leba

Deji hawleheedoo

Debecsani u fuliyoo

Ducaysoo talada sii

Daayin Eebbahaagoo

Durdurrada wanaagiyo

Dahabkaa ku noolow

Ducadu waa ma dhaafaan

Ducadu waa ma dhaafaan

Ducadu waa ma dhaafaan.

Alle haynaga dhigo kuwii talosaarta isaga keliya ducooyinkeennana ha ka yeelo kuwo la aqblo oo la ajiibo.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment