Monday 26 October 2009

SHIRWEYNE CAALAMI AH OO KA DHACAY WADANKA SWEDEN SOMALILAND KA QAYB GASHAY

SHIRWEYNE CAALAMI AH OO KA DHACAY WADANKA SWEDEN SOMALILAND KA QAYB GASHAY

Caasimada dalka Sweden Oo Uu Ka Dhacay shirweyne caalamiya

Stockholm Sweden

Stock-(TVSLE)Caasimada dalka Sweden waxa lagu soo gebagebeeyay shirweyne caalami ah kaas oo lagaga hadlayey cimilada adduunka iyo sidoo kale faqriga waxa weeye shir la qabto sannadkiiba mar waana kii afraad waxa ugu horeysay sannadkii 2006, shirkaas waxa kasoo qayb galay dad aad u badan oo gaadhayey ilaa iyo 4000 oo qof kuwaas oo isugu jira 1500 oo haydood oo caalami ah, waxa kale oo ergo soo dirtay ilaa 125 dal oo adduunka ah. Shirka waxa si wada jir ah u wada qabta EU iyo kolba dalka haya madaxnimada Yurub.

Dawlada Somaliland waxa uga qayb galay ku xigeenka wakiilka Somaliland ee dalka Sweden isla markaasna ah ku xigeenka dalada guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden , mudane Hussein Wadadyare, waxa wakiilku uu ka dhex ololeeyay shirkaas isaga oo maalin iyo habeenba la kulamayey qaar ka mid ah ergooyinka, kuwaas oo u ka dhaadhicnayey qadiyada Somaliland, mar tvsomalilandeurope Hussein telifone ku waraystay waxa uu u sheegay in shaqadu meel fiican u marayso, aanu aad iyo aad ugu faraxsan yahay qadiyada Somaliland oo meel fiican maraysa, muddane Hussein waxa uu ku amaanay in dawlada Somaliland ee hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kahin uu maanta adduunka si fiican u baray Jamhuuriyada Somaliland, taas oo u xusay cid kasta oo uu la kulamay in ay garanayeen Somaliland sidoo kalena beesha caalamku aad ugu faraxsan tahay siyaada xukuumada, taas oo meesha ka saaraysa haddalo mucaaradku ku dhaliilan xukuumada oo ay yidhaahdan beesha caalamka waxba lama gaadhsiin, oo lamaba socdaan qadiyadeena.

Hussein waxa kale oo aad u amaanay wasiirka wasaarada arimaha debedda mudane Abdillahi Mohamed Duale kaas oo ku tilmaanay wasiir shaqo badan, sidoo kale waxa uu isna amaan u soo jeediyey Dr. Mohamed Aar danjiraha wareega ee Somaliland kaas oo talooyin fiican iyo warbixino tayo leh u soo diray.
SHIRWEYNE SWEDEN
Hussein Wadadyare Madaxdii uu la kulamay oo aad u fara badnaa waxa aan halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah sidoo kale waxa tvsomalilandeurope danjire Hussein leeyahay shaqo fiican baad qabatay sidoo kale waxa aan kula talinaynaa Jaaliyadaha debadu in fadhiga ka kacaan oo ay qadiyada Somaliland dardar geliyaan.

KAMANZI Stanislas – Minister of Natural Resources, Rwanda

BARROSO José-Manuel – President of the European Commission

MITCHELL Gay – Irish Member of the European Parliament

BUZEK Jerzy – President of the European Parliament

DE GUCHT Karel – European Commissioner for Development and Humanitarian Aid

WALLSTRÖM Margot – Vice President in charge of Institutional Relations and Communication

MITCHELL Gay – Irish Member of the European Parliament

BILDT Carl – Minister for Foreign Affairs, Sweden

COMPAORÉ Blaise – President of Burkina Faso

ODINGA Raila – Prime Minister of Kenya

KOROMA Ernest – President of Sierra Leone

DUVIVIER PIERRE-LOUIS Michèle – Prime Minister of Haiti

JOHNSON-SIRLEAF Ellen – President of Liberia

SONJICA Buyelwa Patience – Minister of Water and Environmental Affairs of the Republic of South Africa

IGBUZOR Otive – Director of ActionAid Nigeria

SOROS George – Chair of Soros Fund Management LLC

YUNUS Muhammad – Founder of the Grameen Bank

OBAID Thoraya – Executive Director of the United Nations Population Fund (UNFPA)

WAJED Hasina – Prime Minister of Bangladesh

No comments:

Post a Comment