Sunday 25 October 2009

KOOXDA AQOONYAHAKA MADAXA BANAAN EE SOMALILAND OO WARBIXIN KA SOO SAARAY QODOBADII LIXDA AHAA IYO XAALDA DALKU MARAYO

KOOXDA AQOONYAHAKA MADAXA BANAAN EE SOMALILAND OO WARBIXIN KA SOO SAARAY QODOBADII LIXDA AHAA IYO XAALDA DALKU MARAYO

Warbixinta ay kooxda aqoonyahanka ah ayaa soo saaray warbixin ay ku eegayaan Hirgelinta Heshiiskii Lixda Qodob iyo Wax ka Barashada dhacdooyinkii Dhowaa ee dalka ka dhacay waxaanay warbixintooda ku bilaabeen sidan:

I. Hordhac

Kooxda Aqoonyahanka Madaxa-banaan ee Somaliland ayaa shirkoodii ugu dambeeyey ku falanqeeyey hirgelinta heshiiskii lixda qodob iyo sidii loo gufayn lahaa goldaloolooyinkii sharci iyo maamul ee inagu soo baxay. Shirka waxaa qabtay Machadka Cilmi-baadhista Bulshada iyo Horumarinta (SORADI), Waxaana hagayey Agaasimaha SORADI, Dr. Maxamed Cismaan Fadal. Kooxda Aqoonyahanku (ISG) waa xubno muddo-dheer ka soo qayb-qaatay taxanaha dibu-dhiska iyo dimuqraadiyeynta Somaliland, waana dad karti u leh gorfayn dhab ah xeeladaha lagu furdaamiiyo iyo tabaha lagu abbaari karo arrimaha taagan

II. Xaaladda Maanta iyo Shaley

Heer-kulkii xaraaradda siyaasadeed ee Somaliland waa caadi tan iyo markii la saxeexay heshiiskii 6da qodob. Waxaa arrin muhiima ah in hoggaamada sare ee xisbiyada siyaasiga ah, iyo golyaashu Baarlamaanka iyo Guurtidu ay beryahan hakiyeen dagaalkii warbaahinta la isu adeegsan jirey, isla markaana bilaabeen kulammo iyo dhaqan wada-xaajood si toos ah loogu kulmayo, arrimaha taaganna lagu falanqaynayo. Waxaa kaloo iyana muhiim ah in Madaxweynuhu si toos ah ugu badheedhay inuu hormood ka noqdo kulammadan badankooda, waana arrin shacabka Somaliland ka wada filayey dhinacyada oo dhan. Sidaasi darteed, waxaa hore loogu tallaabsaday dhismihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Xisbiyada mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha labada gole baarlamaan waxay ku dhaqmeen isaga tanaasul dhawr arrimood oo taagnaa oo ay ka mid yihiin aqbalaad beddelka xubnihii ay hore ugu soo magacaabeen Komishanka oo Madaxweynuhu dhawr goor ku soo celiyey. Golaha Guurtida, Kulmiye iyo UCID dhammaantoodna wey soo beddeleen xubnihii ay hore ugu soo sharraxeen Komishanka. Waxa halkaa caddaaladdarro ku jirtaa in kuwa uu Madaxweynuhu magacabay ay iyagu toos ugu udbaan Golaha Wakiillada. Waxaa muhiim ah, muxuu xeerku ka leeyahay arrintan?

Xaaladda Somaliland ku sugnayd ka hor intaan daneeyeyaashu go’aansan wada-xaajoodka iyo isu-tanaasulku waxay ahayd sidan:

· Madaxweynuhu wuxuu ku hawlanaa in Guurtidu hal sano u kordhiso muddada uu xafiiska sii fadhiyayo. Dooddii arrinta waxaa la soo gabogabeeyey Khamiistii waxaana loo ballansanaa in subaxa Jimcaha cod loo qaado iyadoo xataa Sabtidana lagala degdegayey.

· Golaha Wakiilladu wuxuu ku gudo jirey sidii Madaxweynaha maamuuska looga xayuubin lahaa dooddiisuna miiska saarnayd in la gudagalo. Ajandahaas waxaa dabada ka riixayey mucaaradka waxaana la aaminsanaa inuu taageero culus ka leeyahay.

· Xubnaha UDUB waxay iyana dabada ka riixayeen in Shirguddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka xilka laga qaado laguna beddelo taageerayaashooda.

· Labada xisbi mucaarad madaxdoodu waxay si cad uga hadleen dhismaha dawlad wadaag ah oo barbar socota maamulka jira, haddii Madaxweynuhu ku guulaysto in Guurtidu sannad u kordhiso xafiiska.

· Bannaan-baxyo rabshado wata oo kuwii hore ka xun ayaa la filayey inay bilaabmaan haddii arrimahaasi hirgalaan.

Xaaladdaas qaraxa ku dhaw waa la dejiyey, waxaana la rumaysan yahay in Madaxweynuhu ka tanaasuly doonistii korodhsiimada sannadka kuna qanciyey taageerayaashiisa Guurtida in ay la jaanqaadaan dawga wada-xaajoodka iyo isu-tanaasulka. Guurtidu si wada-jir ah ayay u codeeyeen, balse maxay u codeeyeen? – Si loo dejiyo xaaladda. Waxa beddeley fekerkii Madaxweynuhu way ka baxsantahay ujeedada qoraalkan, haseyeeshee kolleyba in badan baa laga doodidoona waqtiyada soo socda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in go’aankaasi caqligii ku soo celiyey siyaasaddii Somaliland. Waxay kaloo ina tusaysaa sida baaxadda leh ee mawqika Madaxweynaha saamayn ugu yeelan karo hadday wanaagga tahay iyo hadday iska-hor-iaadka tahayba. Hadda rajadu waxay tahay, in Madaxweynaha iyo dhammaan daneeyeyaashii kaleba iska kaashadaan fulinta waajibaadkoodii ka saarnaa shacabka Somaliland inay u qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

III. Komishanka Cusub ee Doorashooyinka Qaranka

Waxay qaadatay muddo bil ah in Komishan cusub la dhiso waana lagu dhakhsaday marka loo eego hal-beegga waqti ee Somaliland. Hase yeeshee, waa in la tilmaamo dhawr arrimood oo la filayey aanse la hirgelin: Maantana haween laguma soo darin Komishanka. Somaliland waxaa soo martay haweeney keli ah oo xubin Komishan ah oo kartideeda hawl-gudasho,habraaceeda shaqo, hufnaanteeda iyo dhawrsoonaanteeduba tusaale lagu daydo ahaayeen. Gabdho kaloo badan oo walaalaheed ah ayaa ku taamaya inay ku daydaan oo qarankooda iyaguna u noqdaan xubno Komishan. Imisay qaadandoontaa in aynu ka hor-joogno xaqaas? Haddii taas laga tago, Kooxda Aqoonyahanku waxay u arkaan in soo xulistani ka tayo sarrayso kuwii hore ee ay beddelayaan. Aqoonyahanku waxay soo dhowaynayaan Komishanka cusub waxaana ka go’an gacansiinta iyo taageeriddooda si ay u waajahaan hawsha adag ee ah in ay dalka u qabtaan doorashooyin xor, xalaal iyo nabad ah.

Ansixinta Baarlamaanka waa la filayey in ay sugnaanayso. Guddi-hoosaadka Golaha ayaa loo igmaday in ay xunaha Komshanka soo qiimeeyaan bal in ay shuruudihii Xeerka Doorashada buuxinayaan. Balse, guddigu 5 maalmood oo waqti lumis ah ayay ku qaadatay, waayo maalintii ansixinta, dadaalkoodii wax saamayn ah kuma yeelan Goluhu inuu gorfeeyo ama natiijadii cod-qaadista. Natiijadii codayntu waxay noqotay 65 cod xubin kasta 7dii xubnoodba; Cidina ma diidin lagamana aamusin. Sidaasi ma wax caadi ahbaa? Run ahaantii maya, waana in xubnaha goluhu naftooda dib ula xisaabtamaan; codayntu waa arrin shakhsiyan ah oo xil-dhibaankuna masuul ka yahay go’aankiisa. Ugu dambayntii ma ahayn xaqsoor in xubnaha Komishanka oo ku kala duwan kara, qofnimadooda, waaya aragnimada shaqo iyo afkaartooda siyaasiba in loogu codeeyo 65 mid kasta.

Kooxda ISG waxay ka waaninayaan Komishanka cusub in aan lagu dedejin hawlo qabyo ah iyo xil-wareejin aan dhammaystirnayn oo loo xafladeeyo. Waa in hanti-dhawr sugan lagu sameeyo hay’adda oo dhan si la isaga jiro caqabado mustaqbalka ku yimaada hawlaha Komishanka. Waa in la sugaa dhamaan agabkii iyo dhukumenigii tirakoobka codbixiyeyaasha, waa n la saxaa xisaabaadka hay’adda; waa in helaa qalabkii iyo gaadiidkii hay’adda … Waxaa kale oo loo baahan yahay, in dhammaan daneeyeyaasha oo ay ku jiraan saaxiibbada beesha caalamku si mug leh uga qaybqaataan taxanaha xil-wareejinta.

Xubnaha Komishanka cusubi waxay u baahan yihiin in si fiican loogu tababbaro si ay hawlahooda u gutaan si hufan. Waxaa muhiim ah in qaab-dhismeedka hay’adda la habeeyo. Ilaa hadda, si fiican umay dhismin hay’adda Komishanka Qaranku. Xukuumadda Somaliland iyo beesha caalamku waa in ay iska kaashadaan dhammaystirka qaab-dhismeedka hay’adeed iyo adkaynta kartida hawlqabadkeeda. Komishanka cusubina dhinacooda waxay u baahan yihiin in ay masuuliyaddooda garbaha ku qaataan isla markaana si maangal ah u xushaan hay’adaha caalamiga ee la shaqaynaya heshiisyo suganna wada galaan, xilal iyo shaqo-qeexidna la kala lahaado, arrimuhuna daahfurnaadaan, si madaxbannaana ay u shaqeeyaan. Intay hawshaas gudanayaan, waa in ay maanka ku hayaan in dadka Somaliland ka filayaan in ay u abaabulaan doorasho Madaxtooyo waqtiga ugu dhaw ee suurto gal ah. Waqtiga oo loo dhug yeeshaa aad bay muhiim u tahay markan.

IV. Tallaabooyinka Muhiimka ah ee Heshiiska

Tallaabooyinka muhiimka ah ee laga gudbayo: Komishanka cusub oo la dhidbo; Qiimaynta khubarada oo la soo saaro; Liiska codbixiyeyaasha Rasmiga ah oo la wada qaato; Komishanka oo taariikhda doorashada muddeeya; Waqtiga xafiiska Madaxweynaha oo la jaanqaada.

Tallaabooyinka kor ku xusan tan ugu horraysa oo keli ah ayaa laga soo gudbey – asaaska Komishanka cusub. Tallaabadaas qudheedu guul wayn ayay u tahay Somaliland waana in lagu ammaano daneeyeyaasha muhiimka ah ee hirgeliyey hawshan. Haddaba tallaabo kale oo halbowla ahi waa in Komishanku waqtiga u qaabtaan doorashada Madaxtooyada. Si taas loo gaadho, Komishanku waa in dardar geliyaan hawsha Qiimaynta ee Kooxda Khubarada, iyo soo saarista qaadashada Liistka Codbixiyeyaasha Rasmiga ah ee Diiwaangashan. Waa hawl u taal Komishanka iyo saaxiibada caalamiga ah in la hubiyo in aan habraacani caqabad ku noqon tallaabooyinka ku xiga marka la eego waqtiga ay qaadanayso iyo tayada natiijada hawshan laga sugayo. Waxaa intaas dheer, Komishanku waa in ay ka faa’iidaystaan dareenka iskaashi ee hadda ka dhex jira daneeyeyaasha, si loo cusboonaysiiyo go’aankii 3da xisbi siyaasi inay aqbalaan natiijo kasta ee liiska rasmiga ee khubarada dhexda ahi soo saaraan. Hadafkuna waa hirgelinta xaqa dadka ee doorashada Madaxweynaha ee maahaa in liis lagu habsaamo.

V. Talo-bixin iyo Duruusta Waayihii Dhowaa

In Aqallada Baarlamaanku dib u eegaan Xeerka Doorashada si ay ugu sii daraan waayo-aragnimada laga baratay waqtigan.

- In ay xoojiyaan shuruudo lagu xusho Komishanka oo si sugan u qeexan lana qiyaasi karo.

- In laga saaro qodobada aan lagu shaqaynayn shuruudaha sida da’da 60ka sano.

- In si cad loo qeexo habraaca ansixinta Golaha Wakiillada oo aanu ku kkobnayn u codayn oo keli ah.

- In la qeexo sharciyadda hubinta shuruudaha xubnaha (pre-screening) intaan Baarlamaanka loo gudbin iyo in kulligood la mariyo- waa arrintii muranku ka dhex taagnaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee xulashada leh.

- Xilka Komishnka oo la faahfaahiyo iyadoo la tixgelinayo waayo-aragnimadii xilliyadii dambe oo ay ka mid ahayd sharciyadda laalistii tirakoobka codbixiyeyaasha.

Waa in ciqaabi jirto haddii la jebiyo Xeerka doorashooyinka iyo burinta heshiisyada daneeyeyaashu galaan.

Arrinka ka qaygalka haweenka ee Komishanka waa inay xil iska saaraan dhammaan hay’adaha xulista xubnaha lihi.

Xubnaha kooxda Aqoon-yahanku waxay kala yihiin: Cabdi-Shakuur Sh. Cali-Jawhar (Dhakhtar maskaxda iyo siyaasad gorfeeyha haga warkamaanta.com); Amina Maxamuud Warsame (Agaasimaha Fulinta NAGAAD), Cabdilqaadir X.Ismaaciil Jirde (Gud. Ku-xigeenkii hore ee G. Wakiillada oo hadda safar ku maqan), Shugri X. Ismaciil (xubin Komishankii hore, kana tirsan Golaha dimuqraadiyadda Afrika, ahna Guddoomiyaha hay’adda Candle Light), Ibrahim Jamac Cali- Reyte (Xubin G. Wakiillada, iyo Garyaqaan); Fawsi Aw Yonis (Ururka Qareennada Somaliland); Cabdi Axmed Nuur (Xubin hore ee G. Guurtida, Sarkaal hay’adda FOPAG); Bobe Y. Ducaale (Xidhiidhiyaha Cilmi Baadhista-APD); Haraun X. Axmed Qulumbe (Hay’adda ActionAid); Jacfar M. Gadaweyne (SONSAF); Moxamed Xasan Ibrahim (Cilmi-baadhe-APD); Sucaad Ibrahim Cabdi (Cilmi-baadhe-APD); Wacays Muse (Agaasimaha Fulinta SAMATALIS); Dr. Maxamed Fadal (Agaasimaha SORADI); Muse Cabdi (Dhiinka arrimaha Waxbarashada-Jaamacadda Hargeysa); Yuusuf Kaariye-PhD(Cilmi-baadhe Athropologist ah); Hinda Mohamed Jama (Ku xidhan Jaamcadda Burco); Dr. Adan Abokor (Progressio, Country-Rep)

No comments:

Post a Comment