Monday 26 October 2009

Yooyootanka Siyaasiyinta Gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn Iyo Kala Qaybsanaanta Dadka Deegaanadaasi,Maxaase Sababay,Keebaase U Wacan S/land,P/land, Maamu

Yooyootanka Siyaasiyinta Gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn Iyo Kala Qaybsanaanta Dadka Deegaanadaasi,Maxaase Sababay,Keebaase U Wacan S/land,P/land, Maamul U Gaar Ah??

wariye saakin

Sida laga war qabo tan iyo intii ka sambaysay sanadkii 1991 kii waqtii ay dhacday dawladii milatariga ahayd ee wadankii soomaaliya waxaa bilaamay inuu dalku u kala googo’o maamul goboleedyo halka gobolada qaarkoodna ay ku dhawaaqeen inay ka go’en Somalia sida Somaliland ka dib shirar ay ku iskugu yimaadeen wax garadka iyo siyaasiyiinta goboladaaasi kuwaasi oo sheegay inay ka go’ayaan somaliya inteeda kale sidaasna ay ku samaysteen maamul leh dhamaan hayklakii dawladnimo wallow aysan wali helin ictiraaf (Recognition).

Sidoo kale markii uu sii socday dagaalkii sokeeye ee soomalia islamarkaana ay xumaatay rajadii ay dadka soomaaliyeed qaben in mar uun la heli doono dowlad ay lee dahay Somalia ayaa sanadii 1998-kii shir ballaadhan iyaguna isugu yimaadeen wax garadka,siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada dhalasho ahaan ka soo jeeda gobollada waqooyi barri soomaaliya kuwaasi halkaasi ku go’aansaday inay samaystaan maamul loogu magac daray maamul-goboleedka puntland ee soomaaliyeed kaasi oo ujeedadu ahayd in ay kaga badbaadan dagaalada ka soconayey soomaaliya.

Hadaba markaan u soo daadego dulucda maqaalkaygan waxay tahay akhriste maxay dadka dega gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn (buuhoodle) oo xudun u noqday muranka iyo dagaalada ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland maxaa ka hortaagan inay samaystaan maamul u gaar ah ama ay si buuxda ugaga qayb galli waayeen maamullada ka jira wadanka soomaaliya, iyadoo dadka dega goboladaasi ay yihiin kuwa taariikh wayn ku leh dalka oo ay ka mid tahay halgankii la dagaalankii gumaysigii ,iyadoo siyaasiiinta u dhalatay goboladaasi ay ka wada doodaan idaacadaha iyagoo u kala hadlaya Somaliland iyo puntland iyo dowlada soomaaliya.sida shalay ka dhacday idaacada VOA oo dood u qabatay sadex siyaasi oo kala ahaa Casoowe oo u hadlaya Somaliland Barkhadle iyo Cali Baashe oo u Hadlaya Somalia.

Inkastoo ay isimadii iyo madaxdhaqameedkii goboladaasi ay ka maqan yihiin goboladoodii ka dib markii soomaaliland hanatay gacan ku haynta magalada laascanood ayaa hadana waxaa jira siyaasiiyiin tiro badan oo ka soo jeeda gobolaasi islamrkaana la socday soomaaliland oo gaashaanka u daruura wax kasta oo ka soo yeedha siyaasiyinta ama isimada sida dhawaan dhacday in garaadka guud ee beelahaasi dega sool sanaag iyo cayn oo sheegay inaysan raali ka ahayn joogitaanka Somaliland ee gobolaadsi ayaa waxaa kadaba hadlay masuul ka tirsan Somaliland oo ka soo jeeda gobolka sool.

Saldhiga dhibaatada gobolada sool,sanaag iyo cayn.

Saldhiga dhibaatada goboladaasi Sool,Sanaag Iyo Cayn waxaan ku tilmaami karaa inay tahay 1-marka hore maamulada Somaliland iyo puntland oo ku oo mid waliba niyada ku hayo in hadii uu hantiyo gacan ku haynta goboladaasi uu heli doon faa’do badan oo ka soo gasha dhinaca beesha caalamka iyo samafalayaasha2-kala qaybsanaan baahsan oo hadhaaysay waxgaradka iyo siyaasiyiinta sool sanaag iyo cayn (Buuhoodle).3-iyo goboladaasi oo dadka eega istaraatiijiyad xageeda ay sheegayaan inay muhiim u tahay kala go’a iyo isku xidhnaanta soomaalia.dadka qaarna waxy aamin sanyihiin inay saldhig u tahay dhibaatada iyo kaa qaybsanaanta dadka deegaanadasi iyadoo maamulada dalka jiraa mid waliba ku dadaalo sidii uu wiiqi lahaa rayi dadka shacabka ah iyagoo u soo maraya shaqsiyaad kala raacsan maamuladaasi.

Akhriste wixii fikir aad ka qabto cinwaanka maqaalkan ka dhiibo adigoo ku soo hagaajinaya axmedsaakin@hotmail.com

Axmed Saakin Faarax/lasanod

axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment