Sunday 25 October 2009

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha xarunteeda Burco oo la Guddoonsiiyey Qalab isgu jira Computers iyo qalab kale oo xafiis

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha xarunteeda Burco oo la Guddoonsiiyey Qalab isgu jira Computers iyo qalab kale oo xafiis

news

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha xarunteeda Burco oo la Guddoonsiiyey Qalab isgu jira Computers iyo qalab kale oo xafiis ……….
Burco : wasaaradda macdanta iyo Biyaha xafiiskeeda Burco ayaa maanta lagu wareejiyey qalab isugu jiray Compuyuutaro iyo qalab kale oo xafiis , iyadoo uu ku wareejisay qalabkaas wasiiru dawlaha wasaradda macdanta iyo biyaha Somaliland,
Hadaba waxaa xafladdii wareejinta qalabkaas uu ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda macdanta iyo biyaha ee somaliland Mr.Muuse Cabdi,wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in qalabkani yahay mid loogu talo-galay ka qayb qaadashada iyo dardar gelinta hawlaha xarunta wasaaradda macdanta iyo biyaha ee Burco,iyadoo buu yidhi aanu marba wixii la qaban karo u qaban doono Gobolka iyo wasaraddaba.
Wuxuu sidoo kale wasiiru dawluhu in qorshaha sanadka cusub ee wasaaradda ay ku jiraan hawlo badan oo lagu horumarinayo nidaamka ceelasha biyaha ee gobolka, si dadka iyo xooluhuba ay u helaan buu yidhi biyo ku filan isagoo arrimahaasa ka hadlayana wuxuu yidhi “Siyaasadda wasaaradda ayaa ah degmo iyo tuulo kasta in la gaadhsiiyo biyaha”
wasiiru dawluha wasaaradda macdanta iyo biyaha ayaa waxa uu maalmihi u danbeeyey kormeer ku soo maray ceelasha biyaha ee wasaaraddoodu maamusho iyadoo laba ka mid ah ceelashaasi ay fadhiyaan, kuwaasou u baahan dayactir,waxaanu wasiiru dawluhu ballan qaaday in wixii awooddooda ah aanay waxba kala hadhayn samaynta ceelashan,isla markaana uu gaadhsiin doono wasaaradda.
Isuduwaha wasaaradda macdanta iyo biyaha ee gobolka Tog-dheer.C/risaaq Maxamed Cajab,ayaa isaguna ka war bixiyey hawlaha wasaaradda ee gobolka iyo dhibaatooyinka hor-yaalla,wuxuuna sheegay isu duwuhu in ceelasha wasaaraddu maamusho ay yihiin shan (5) Ceel oo laba ay xun yihiin, shaqaalaha wasaaradduna yahay 57 qof,balse ay sagaal kaliya ay ka shaqaalaysan yihiin.
isuduwuha wasaaradda macdanta iyo biyaha aya codsi u soo jeediyey wasaaradain isagoona ka codsaday in wax laga qabto labada ceel ee xun si loo daboolo baahida biyaha ee gobolka Togdheer ,maadaama uu yahay gobolku deegaan xoolaad ballaadhan.
Wasiiru dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Biyaha,oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,ayaa kulamo iyo shirar isadaba joog ah la lahaa cuqaasha iyo waxgaradka Burco,isagoo uga xog waramayey xaaladda guud ee dalka iyo hawlaha ay u yimaadeen Gobolka.
Mustafe Osman A/rahman
Burco S/land

No comments:

Post a Comment