Wednesday 28 October 2009

XUBNAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA S/L AYAA LAGU WADAA BARI IN LAGU DHAARIYO XARUNTA MADAXTOOYADA SOMALILAND

XUBNAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA S/L AYAA LAGU WADAA BARI IN LAGU DHAARIYO XARUNTA MADAXTOOYADA SOMALILAND

KOMISHANKAXubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa maanta bari ah in lagu dhaariyo xarunta madaxtooyada Somaliland ,xubnahaas oo uu dhaarin doono gudoomiyaha maxakamada sare ee jamhuuriyada S/L sida uu xeerka doorashoyinku dhigaayo xeer No:-20.

Dhaarinta xubnaha gudida doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhaarintooda goobjoog ka noqon doonaan Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale iyo gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradaka ee Ucid iyo Kulmiye Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Axmed Maxamed Siilanyo.

Kadib dhaarinta xubnahaas ayaa lagu wadaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ay u guda gali doonaan hawshoodii loo igmaday taas oo ay horyaalaan hawlo aad u baaxad balaadhan oo ay ka mid yihiin kala shaandhaynta xogihii natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaasha iyo waliba mudaynta maalita ay dhicayso doorashada madaxtooyadu.

Sidoo kale waxaa la filayaa in iyana dhawaan ay soo gaadhaan dalka khubaro ajaanib ah oo ka hawl galidoona Engine ka lagu kala shaandhaynayo xogaha natiijada codbiyayaasha kuwaasi oo qayb ka ahaa qodobadii lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dhawaan ka aloosmay dalka Somaliland.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment