Friday 23 October 2009

WACDARIHII XALAY EE QAARADA YURUB

WACDARIHII XALAY EE QAARADA YURUB

LIVERPOOL

Wacadarihii xalay ee qaarada yurub

Waxaa xalay la ciyaaray ciyaaraha ugu xiisaha iyo xamaasada badan qaaradaasi Yurub ee Champions League, iyadoo markaasi ay kulmeen ilaa iyo 16 kooxood oo isugu jiray naadiyo waaweyn iyo kuwo yar yar oo ku cusub heerka ciyaarahaan.

Haddaba, hadii aan wax kayara taabano qaabkii ay ciyaarahaasi u dheceen iyo weliba kulamadii ugu xiisaha badnaa xalaytoole anigoo soo koo koobaya,
Bercelona oo ah kooxda iminka haysata horyaalnimada koobkan Champions League-ga ayaa xalay waxaa gurigeeda Nou Camp uga naxsatay mid ka mid ah kooxaha ku cusub koobkaan oo la yidhaahdo Rubin Kazan oo ka socotay dalka Raashiya, taasoo kala hor timid ciyaar yaab leh oo fak fakteedu sareeyso, iyadoo markay ciyaartu socoto muddo 2 daqiiqood oo kaliya Barcelona shabaqeedii la taabsiiyay goolkii 1-aad, waxaan ciyaarta qeybteedii hore lagu kala nastay gool iyo waxba.

Haddaba, qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabatay ayaa isla markiiba Ibrahimovic goolkii Bar bar dhaca ahaa u keenay kooxdiisa Barcelona, balse Kooxda Rubin Kazan oo aan ka heebeysan bar bar dhacaasi ay la timid Barcelona ayaa weerar iyo weerar celis joogta ah oo ay ku hayso dabadeed u suurta gashay inay daqiiqadii 73-aad ay ka dhaliyaan goolkii guusha, waxaana u sixiixay laacibkooda Karadeniz. Halkaasna waxaa dabaal deg iyo farxad kala hoyday kooxda loo haystay inay ugu tabar yar tahay kooxaha ka qeyb qaadanaya koobka.

Barcelona arrintan waxay ku noqotay taariikh lama ilaawaan ah halka ay taageerayaasheeduna ay madaxa hoos u foorariyeen niyad jab awgeed.

Dhinaca kale, ciyaartii indhaha lagu wada hayay ayaa iyana waxa ay dhex martay kooxaha Liverpool iyo Lyon, waxaana ciyaartan oo aad u adkeyd 2 gool iyo hal loogu awood sheegtay Liverpool oo iyadu muddooyinkan dambe guul darrooyin la daalaa dhaceysay. Guul darradan 2-aad ee Champion League-ga ay kala kulantay iyo 3-da jeer ee lagu legday horyaalka wadankeeda ingiriiska oo bilow ah ayaa laga yaabaa inay sii horseedo in milkiilayaasha kooxda ay gebi ahaanba iibiyaan.

Iyadoo dhanka kalena la ogsoon yahay in usbuucan ku soo socda ay ku aaddan tahay dhiggeeda Man United oo usbuucii dhaweyd la wareegtay hogaanka horyaalkaasi Ingiriiska.

Sidoo kale, isla xalay ciyaarihii kalee dhacay waxaa ka mid ah, kooxda Arsenal ayaa mar ay is tiri 3 dhibcood waa ay kuu xalaaloobeen laga diiday ka dib markii daqiiqadihii seeriga afka lagu hayay la bareejeeyay, waxayna ku kala bexeen 1-1. Dhan kale, kooxda car carteeda la qaban la’yahay ilaa iyo haatan ayaa noqotay kooxda reer Talyaani ee Fiorentina ka dib markii iyadoo guri islaameed joogta ku dur durisay kooxdii ay martida ku aheyd Debrecen 4-3.

Inter Milan oo gurigeeda joogta ayaa bareejo ka tuugtay Dynamo Kyiv 2-2. Kooxda Sevilla ayaa is bartay kooxda reer German ka socotay ee Stuttgart ka dib markii ay ku martay 3-1. Olympiakos ayaa 2-1 ku aamusisay kooxda Standard, halka kooxda Unirea la yidhaahdo ay kooxda Rangers oo gurigeeda joogta ku xasuuqday 4 goal 1.

Hadaba suaasha manta waxay tahay yaan loo saadaalin karaa inay qaadaynaan Koobkan sanadkan jawaabtana waxaan u dhaafayaa akhristayaasha .

Prepard by abdilahi ali aided {RAAXEEYE)

E_MAIL:himilo1988@hotmail.com

Burao somaliland

No comments:

Post a Comment