Saturday 24 October 2009

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB. A.A GOODIR

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB. A.A GOODIR

axmed-goodirTALO SOO JEEDIN KU SOCOTA XUBNAHA KOMISHANKA CUSUB. A. A. Goodir, Hargeysa.

1. Marka la idin ansixiyo ee la idin dhaariyo ka dib, waxaad fadhiga idiinku horeeya iska dhex dooranaysaan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, idinkoo mudnaanta siinaaya kuwa aad u aragtaan inay:-

a) Idiinku tacliin roon yihiin.
b) Idiinku cod-karsan yihiin.
c) Idiinku dul-qaad badan yihiin ee hoggaamin toosan iyo Dad-wadnimo leh, idiinkuna dad iyo dal yaqaansan.
2. Waxaad samaysan kartaan xeer-hoosaadkii idin kala hagi lahaa ee aad ku kala bixi lahaydeen (Anshax marin ahaan) idinkoo ka tusaale qaadan kara xeerkii Komishankii hore ee koowaad.

3. inaad heshaan xil-wareejin tafaftiran ee aan mugdi iyo mad-madow toonna lahayn, oo ay goob-joog markhaati ah ka yihiin xisaabiyaha guud iyo hanti-dhawraha qaranka:-

a) Tirada agabka iyo qalabka doorashadda iyo diiwaan-gelintaba ee yaala bakhaaradda Komishanka.
b) Tirada qalabka xafiisyada Komishanka ee heer Qaran (Xarunta Dhexe) iyo Gobollada iyo Degmooyinka iyo cidda ka mas’uula xafididooda.
c) Tirada gaadiidka Komishanka iyo taargooyinkooda.
d) Tirada Shaqaalaha Komishanka iyo faylalkooda warbixineed iyo sidoo kale tirade ciidanka ilaalada nabadgalyada ee xarunta Komishanka ka hawlgala.
e) Caddaymaha xisaabaadka (Statement) ee Komishanka uga furan baanka iyo xawaaladaha u kala baxsan: 1)Xisaabta Guud ee doorashada 2) Xisaabta gaarka ah ee maamulka Xarunta Komishanka.
f) Wixii daymo taagan ah ee lagu leeyahay Komishanka ee ay galeen Komishanka hadda xilka ka degayaa, waa in laysaga leexiyo Xukuumadda haddii uusan jirin madax xige kharash miisaaniyada ku jira oo laga bixin karo.
g) Wixii qoraalo iyo raad-raacyo ah eek u lug leh doorashada iyo arrimaha diwaan-gelinta socota.
h) Wixii shuruuc iyo xeerar ah ee ka turjumaya doorashooyinka iyo diiwaan-gelintaba, si aad u dhuuxdaan, una fahamtaan xilka iyo waajibaadka la idinka rabo fulintooda.

4. Inaad heshaan liistooyinkii goobihii hore ee codbixinta iyo magacyadii hawl-wadeenadii ka hawl-galay iyo sidoo kale Guddiyadii Komishanka ee Gobollada iyo Degmooyinka hore uga soo shaqeeyey Magacyadoodii si looga tusaale qaato doorashada soo socota.

5. Inaad dib-u-eegis ku samaysaan miisaaniyadda doorashada iyo tan maamulka xaruntaba, kana dalabtaan xukuumadda kabis miisaaniyadeed oo hor leh hadaad u aragtaan lagama maarmaan, siiba miisaaniyadda hawlaha xarunta Komishanka loogu tallo galay oo hadda noqon karta gabaabsi iyo bar-kuma-taal, iyadoo miisaaniyadda ku talo-galka doorashadana dhab ahaan loo xaqiijinayo in saamiyadii laga kala rabay Xukuumadda iyo deeq-bixiyayaasha ay ka diyaar yihiin gacanta lagu hayo:

a) Qaybtii Xukuumadda 25% ?
b) Qaybtii deeq-bixiyayaasha 75% ?
c) Qiyaasta guud ee loo qoondeeyey doorashada 100% ?
6. Markaad loxos go’ysaan ee aad salka dhigtaan, waa inaad dhistaan Guddiyadii daba-galka kormeerka hab-sami u-socodka doorashada (Monitoring Board) oo ka kooban dad xulasho ah oo miisaan iyo aqoon sare leh oo ku-dhac iyo run sheeg leh.

7. Maadaama aad dhammaantiin ku cusub tihiin saaxadda Komishanka, waxa habboon inaad yeelataan la taliyayaal sharci, maamul, iyo farsamo oo waaya-aragnimo dheeraad ah leh, idinkuna toosin kara toobiyaha sahlan.

8. Markay hawlihiinu isku duba-dhacaan ee la helo natiijada diiwaan-gelinta, waa inaad u jeesataan ka midho dhalinta xilka iyo waajibaadka shaqo ee la idiin igmaday, sida ku tilmaaman qodobada 14 – 20 ee aasaaska iyo bud-dhiga u ah degganaanta hawsha doorashadda (Stability)..

9. Inaad yeelataan wada shaqayn iyo isku-duubnaan, kana fogaataan mafaariishta muranka iyo fadhi ku dirirka ah ee lagu falanqeeyo siyaasada suuqiqa ah.

10. Inaad xoojisaan xidhiidhka wada shaqayneed ee aad la leedihiin asxaabta Qaranka, isu soo jiidkooda iyo is-af-garansiin tooda, isla markaasna aad hawlgelisaan Wakiillada asxaabtu soo igmatay inay goob uga ahaadaan hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha diiwaan-gelinta, ahaataanna kuwo u laab-furan oo si siman u soo wada dhoweeya una qaabila inay yihiin loo shaqeeyayaal (Stake-holders).

11. Inaydaan luminin kalsoonida iyo taageeridda bulsho weynta loo adeegaayo idinkoo had iyo jeer tix-gelin doona rabitaankooda, kana digtoonaan doona go’aan qaadasho seef la boodnimo ah ee u adeegaysa dhinac keliya.

12. Inaad ahaataan kuwo ku shaqeeya qorshe hawleed jedwelaysan iyo ajende maalmeed qoran oo laga dodo, lagana soo saaro hadal qoraal iyo go’aan wadareed, xubnaha Komishankuna wada saxeexaan.

13. Inaad fiira gaar ah u yeelataan aamminnimada iyo hawl fulinta wax-qabadka shaqaalaha komishanka ee joogtada ah, iska hubisaan tayadooda waxqabad.
14. Inaad xil adag iska saartaan u feejignaanta adkeynta nabadgelyada xarunta iyo sidoo kale dadka ajnibiga ah ee idinla shaqeeya iyo xubnaha Komishankaba oo xil adagi idinka saaran yahay badbaadadooda.

15. Inaad hagaajisaan ahmiyadda is-gaadhsiinta xarunta dhexe iyo Xafiisyada Komishanka Gobollada iyo Degmooyinka dhexdooda, siiba xilliga doorashadu socoto.

16. Cagta iyo socodka inaydaan ku badin galaan-galka Madaxtooyadda, kana taxadirtaan inaan la idiin arag kuwo ku xidhan oo keliya Madaxtooyadda, Loogana yeedhiyo awaamiirta.

17. Inaad ka dheeraataan wixii maamul-xumo iyo sumcad-xumo idiin soo jiidi kara, kuna dedaashaan sidii aad uga tegi lahaydeen raad wacan iyo taariikh waddaninimo oo wax-ku-ool ah.

Ugu danbayntii, waxaan idiin rajeynayaa guul iyo in ilaahay xaalkiinna asturo oo idiin fududeeyo xilka iyo waajibaadka xaasaasiga ah ee la idiin xulay.
(NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN)

Allaa Mahad leh

1 comment:

  1. HALKAN HALKAN KA DIB MARKII DADKA MAGAALADA

    TESTIMONY SIDA AAD U HELI KARTAA HADDII AAD KA QAADO GURIYEYNTA GOOBAHA SHAQAALAHA IYO HORUMARINTA SHIRKADDA CIIDAMADA WAXAAN BADAN KA BADAN YAHAY MIDNIMADA IYO WAXAAD KA HELI KARTAA SHARCIYADA.
    ,
    Magacaygu waa Abdullah Waxaan ka socdaa magaalada Kismaayo waxaan raadinay shirkad dhab ah amaahda ah 5tii bilood ee la soo dhaafay, si aan u iibsado guri
    Dhammaan wixii aan helay waxay ahayd faragelin khiyaamo ah oo iga dhigay inaan ku kalsoonaado iyo dhammaadka
    Maalintii, waxay igu qaadeen lacagtayda aniga oo aan wax walba soo celin
    rajadaydii way luntay, waan wareeray oo aan niyad jabay, marnaba ma dooneynin inaan wax ka qabano shirkadaha amaahda internetka, sidaas darteed waxaan lacag ka amaahday
    saaxiib, waxaan u sheegay wixii dhacay oo dhan, waxayna tiri inay i caawin karto, taas
    Waxay ogyihiin shirkad deyn ah oo iga caawin karta wax kasta oo amaah ah
    Iyada oo loo baahan yahay dulsaar aad u hooseeya oo ah 2%, oo kaliya waxay heshay a
    Amaahda, waxay igu amartay sida loo dalbado amaahda, waxaan sameeyay
    sida ay ii sheegtay, waxaan ku codsaday Emailka (albakerloanfirm@gmail.com) weligay ma rumaysan laakiin waan isku dayay
    Aad ayaan u yaabay inaan helay deynta 24 saacadood gudahood, ma rumaysan karo,
    Waxaan ku faraxsanahay mar kale hodan, waxaanan ku mahadsanahay deynkaas
    Shirkadaha sidan oo kale ah ayaa weli ku jira khiyaamadan oo dhan meelo badan,
    fadlan halkan waxaan kugula talinayaa dadkaas inay u baahan yihiin deyn si ay u tagaan
    (albakerloanfirm@gmail.com) waligood kuma guulaysan doonaan, iyo
    noloshaadu waa isbedeshaa sida aan sameeyay. Xiriir xiriir ah (albakerloanfirm@gmail.com) maanta oo aad deyn ka qaadato, Ilaahay ha u ducee Albaray shirkad si ay u bixiyaan deyn dhab ah.
     Hubso inaad la xiriirto shirkad Albaka ah amaahdaada deyn ahaaneed sababtoo ah waxaan si dakhso ah uga helay shirkadan iyada oo aan lahayn walbahaar.

    ReplyDelete