Saturday 24 October 2009

HEES LA MAGAC BAXDAY (SIYAASAD)

HEES LA MAGAC BAXDAY (SIYAASAD)

Waxa shalay ooy taariikhdu ahayd 23/10/2009, aan booqday madashii ay reer somaliland isugu iman jireen ee haasaawaha iyo xogta dalka laysku waydaarsanayay halkaas oon kula kulmay Sanwaa Cumar Yare oon su’aal waydiiyay ah: Waar bal siyaasadii ka waran?? waxuu iigu jawaabay: Abwaan siyaasadii way bugtaa. Hadalkan ayaa ku dhacay dareenkayga suugaanta heestan ayaan ka ritiyay ee ila wadaaga akhristeyaasha sharafta leh.


HEESTAN WAXA LA YIDHAA SIYAASAD
BY: ABWAAN AXMED CLAAHI MAXAMUUD
AXMED FARTAAG.

Ninka jiirka seetada
Xadhig adag u soohdiyo
Mid sakaaro dhaansaday
Sirtan caadka loo rogoy
Ma siyaasad baa tani
Suuqaabay taaloo
sabigaa yaqaanee
Sokeeyuu ma reerbaa?

Sabankiyo wixii jira
Sumadaa horteena ah
Su,aal baan ujeedaa?

Surmi iyo abaar kulul
Saca wayda kii qalay
Sadba kuuma diidine
Subagana haduu helo
Sixin buu ku siinlaa

Saxashadu ma caanaa?
Sixirkuna ma beentaa?
Sikhraanimo ma waalaa?
Sadaqadu ma daynbaa?
Sako geela laga rabo
Sabeen yaa kuyidhi keen?

Sirtan caadka loo rogoy
Ma siyaasad baa tani?
Suuqaabay taaloo
Sabigaa yaqaanee
Sokeeyuu ma reerbaa?

suugaan dhawaaqeed
Sawd kuba ma heestaa?
Su aal baan u jeedaa
Sacabkuna ma jiibtaa?

Sonkor taa macaanlee
Sigaarkuna ma quudbaa?
Sanbabkuu wax yeelaa
Sunta yaa ku soo qoray?

Xusbiyada siyaasiga
suul dhabaala doodii
Saxeexii shalay tana
Saadanbiyo wuxuu noqon
Wali waa la sugayaa!

Sara jooga iyo muuq
Sanqaroor ma quruxdaa?
Su,aal baan ujeedaa

Sirtan caadka loo rogay
Ma siyaasad baa tani?
Suuqaabay taaloo
Sabigaa yaqaanee
Sokeeyuu ma reerbaa?

Sadka eebaa bixiyee
Sobool iyo fiqiirkaba
Sidee loo sinaadaa?
Sariir lagama maarmee
Sara joog ma seexdaa?
Subaxdii ma toosaa?
Su,aal baan ujeedaa
Dhab libaax siday tahay
Sifaheeda noo sheeg?

Seeska guriga hoosiyo
Sahal maaha noloshuye
Suga nabada weeyaan
Saa kuun wixii maqan
Suureeyaa maalmaa
Soo jooga laga waa
Safarkii tahriibnoqoy
Socdaalkii ma dhoofbaa?

Sirtan caadka loo rogay
Ma siyaasad baa tani?
Suuqaabay taalo
Sabigaa yaqaanee
Sokeeyuu ma reerbaa?

Saar qabiil ha raacina
Sarbeeb hadalka loo dhigo
Sababtiisu waa maxay?
Sidaad doonto sheekada
Si kaleba u qaaddoo

Sadarkayga nuxurkiisu
Saxa qaladka weeyaan
Sawd iyo codkii lacag
Saaka laguma iibsado
Siyaasadu maaha maal!

Soo diwaan gal tiradii
Suulka saara lagu yidhi
Sawirkaa miyaad garan?
Surma seegto gaadhoo
Saxid buu u baahdee
Sooryo mulac ma deeqaa?
Adaa saafan doonee
Sarbeeb weeye heestani

Sirtan caadka loo rogay
Ma siyaasad baa tani?
Suuqaabay taaloo
sabigaa yaqaanee
Sokeeyuu ma rerbaa

Subanow rasuulkiyo (cwm)
Siduu yidhi ilaahay
Sodonkii jis soo dagay
Suuradaha qur’aankiyo
Salaadaa haloo kaco
Sujuudana tasbiixsada
Samirbaan ku farayaa
Salaamiyo sidii roon
Soomaaliland hodan
Saba khayrle weeyaan

Wasalaamu calaykum

No comments:

Post a Comment