Wednesday 21 October 2009

ALBASHIIRKA SUDAN OO U GOOYEY SHIRKII KAMPALA KADIB MARKII UU KA SHAKIYEY IN SHIRKU YAHAY IN LAGU SHIRQOOLAAYO.

ALBASHIIRKA SUDAN OO U GOOYEY SHIRKII KAMPALA KADIB MARKII UU KA SHAKIYEY IN SHIRKU YAHAY IN LAGU SHIRQOOLAAYO.

Al-Bashir-ka Sudan Oo u Gooyey Shirka Kampala kadib Markii Uu ka shakiyey In Shirku Yahay Mid Farsamaysan Oo Lagu Gaadaayo.Kampala,21-Oct-2009 – Madaxweynaha dalka Sudan MudaneCumar Xassan al-Bashir ayaa u gooyey shirka dalalka Afrika uga furmaya magaalada Kampala ee Wadanka Uganda, Shirkaas oo uu si toos ah ugu martiqaaday madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni. Al-Bashir oo kal hore ay dowladda Uganda sheegtay in ay qaban doonto haddii uu dalkeeda yimaado ayaa hadan Madaxweyne Museveni si lama filaana u yhidhi dhawaan la taaban maayo Al-bashir haddii shirka-ka Kampala yimaado.

“Haa waanu marti-qaadnay, waa madaxweyne dal Afrikan ah,” sidaas waxaa yidhi Museveni oo saxaafadda kula hadlayey aqalka dowladda ee Entebbe. Al-Bashiir oo ka cabsi qaba in arrintani tahay farsamo lagu gaadayo ayaa shirka u dirsaday laba masuul oo ka tirsan dowladdiisa, wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Cabbas Goma’a, iyo madaxa Qaxootiga, Maxamed Axmed al-Agbash. Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyadda ayaa kal hore soo saartay warqaddii lagu xidhi lahaa madaxweyne Al-Bashiir, isaga oo lagu eedeeyey danbiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment