Wednesday 28 October 2009

BURCAD BADEED SOMALI AH OO SHEEGAY IN AY QAFAASHEEN LAMAANE INGIRIIS AH

BURCAD BADEED SOMALI AH OO SHEEGAY IN AY QAFAASHEEN LAMAANE INGIRIIS AH

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan lamaane u dhashay dalkaas Ingiriiska oo ay ka soo qafaasheen Badwaynta Hindiya xilli ay wateen Dooni.

Mid ka mid ah Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo magaciisa ku sheegay Xassan ayaa Wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ay dhowr maalmood ka hor ku dhigeen lamaaneyaal ku socdaalayay Badwaynta Hindiya ayna wateen dooni nooca dalxiiska ah.

“Lamaneeyasha Ingiriiska gacanteena ayay ku jiraan iminka,waan afduubnay xilli ay maraayeen Badwaynta Hindiya”,ayuu yiri ninkaas Burcad Badeeda ah.

Wuxuuna hadalkiisa ku daray in xaalada caafimaad ee lamaaneyaashas ay wanaagsantahay,balse waxaa u diiday halka ay iminka ku hayaan doonida nooca dalxiiska ah ay wateen iyo lamaaneyaashaas,iyadoo u sheegay in ay dhowaan dalban doonaan lacago madaxfurasho ah oo ay ku sii deynaayan Lamaaneyaashaas.

Dowlada Wadanka Seychelles ayaa sheegtay in ay Ciidamada Badda ee Ingiriiska ee ka qayb qaadanaaya howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ay la soo xirrireen ayna u sheegeen warkaas iyagoo tibaaxay in ay iminka baadigoobayaan halka ay ku dambeeyeen.

Wakiilka Wadanka Ingiriiska ee Jaziirada Seychelles Matthew Forbes ayaa sheegay in mudo dhowr maalmood ah la waayay lamaaneyaashas halka ay ku dambeeyeen,iyadoo qalabka Isgaarsiinta u ahaa mid hawada ka maqan loona badinaayo in ay jareen Kooxaha Burcad Badeeda ee qafaashay.

Laame Ingriis ahweyn

“Waxaa nala soo xirriray qoyska lamaaneyaashas kuwaas oo naga codsaday in Jaziirada Seychelles iyo Ciidamada Badda ee Ingiriiska ay iska kaashadaan xaalada ay ku suganyihin iyo halka ay ku dambeeyeen”,ayuu yiri.

Ciidamada Badda ee Seychelles ayaa isku deyey in ay baadigoobaan Lamaaneyaashaas,iyadoo ay ka sameyeen howlgalo Badwaynta Hindiya balse waxaa ay ku guuldaraysteen in ay soo ogaadan halka ay ku dambeeyeen.

Ciidamada iyo Maraakiibta dagaal ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa weli ku jahwareersan halka Doonida ay ku dambaysay,iyadoo ay iminka wadaan baaritaano ay diyaarado dagaal u direen Badwaynta Hindiya.

Lamaaneyaasha la qafaashay ayaa lagu kala magacaabo Paul and Rachel Chandler kuwaas oo ka yimi Jaziirada Seychelles ayna ku sii jeedeen Xeebaha Wadanka Tanzania.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowlada Wadanka Maraykanka ay u soo direen Badwaynta Hindiya diyaaradaha wax basaasa kuwa oo ay ugu talagaleen in ay kaga hortagaan weerarada ay Kooxaha Burcad Badeeda halkaas ka geystaan.

No comments:

Post a Comment