Wednesday 21 October 2009

MA DHABAA XUBNAHA RIYAALE SOO XULAY SIDA LAGU SHEEGAYAA?

MA DHABAA XUBNAHA RIYAALE SOO XULAY SIDA LAGU SHEEGAYAA?

MA DHABAA XUBNAHA RIYAALE SOO XULAY SIDA LAGU SHEEGAYAA?SHOTALY

Wadar iyo waaxid kee baa waalan ba la yidhiye, in kasta oo waaxidku uu mararar badan sax yahay, waayo anbiyadiiba iyaka oo keli-keli ah baa baa ilaah soo diray, in kasta oo aanay ahayn wax la isku metelo, hadana wakhtiyada qaar baa jirta uu qofku ka sax san yahay wadarta, sidase aynu u dhignay maah-maada haddii aynu somali nahay wadarta baa sax ah, yaana ku rafane wxa i geli la’ oo markii aan akhriyey ka waynaatay wax la liqo, ase aanan hubin, laakiin si xoog leh ay war baahintu uga hadlaysaa sadexddii xubnood ee uu soo xulay madax-weynuhu (Mr naaleeye habacsane) waxay ka mid yihiin golaha dhexe ee udub, iyo la taliya-hiisii waxay iila eg’tahay miyuusigii heesii AROOR fooridu u ahayd dhex yarta, u jeedo waa wax aan la filayn haddii ay dhacday sidaasi, markaas waxa uu wadaadu yahay MADAX-YARE ee maaha madax- weynihii somaliland, sababta oo ah waa la ogaa wixii kala qabsadaylabada xusbi ee kale iyo mid ka mid ah kuwa ay soo saareen labada gole siddii la isugu qabsaday, hadaba haddii uu isaga laf-tiisii uu sameeyey wixii uu u diiday inta aan soo sheegnay, wuxu yahay dab dhaxamooday mr madax-yare, waxa ka soconaayana maaha, wax qarsoomi mkaraa ma jirto, oo buste lagu dedi karaa, amase isu hoos gelin ku muruxsan karaa, ee waxay somalidu ku maah-maahdaa caano qubtay-ba gadaashood la qabay, ee daba dhijlifka baa lagu hayaa ee xagaad ka bixi maanta-ba waxa la yidhi falaadhi galga-lasho kaagamaho, ee waa adiga ka ku wax la’i.

Nin baa yidhi nin ILAAH ka dambeeyaa kabtii ma yeela’e, waxan kaaga ciil la’ahay haddii ay kaa dambeeyaan, raggii adna imika dhabada kugu ridi lahaa ee kuu sharciyeyn lahaa waxa aad qooshaysid, oo kugu soo celin doona kuwa aad ku sheegtay xubno komishan, duqa laguma dayo raga wax aanad yeesheen in ay kaa yeelaan ( you are not the only icon on the earth), waa laga horeeyaa, oo lagaa dambeeyaa, ee ka joog durduro geel baa ku jabaye, adna haddii aad ku sii socoto caynkaas waxay kaa tuuri garbo aanad dib uga soo laabmayn e ogaoow sidaas kuma dhasho’e, waxan ka codsanayaa dhamaan umada reer somaliland in aynu ogaano in uu rabo wakhti kordhsi maalina ILAAH haka dhigo’e, sidaas awgeed uu rabo in uu kolba muran abuuro, dabeed tana mudo socoto oo lagu soo celiyo si uu umurmo, oo bac-baci uga dhamaato, laakiin way soo gabaga-booday is indhi tirkii oo awaxay maraysaa maanta tii aad dadka ku qabsatay adna ha noola iman, ee is banbaani sheekh wax aan la helayn haku turane.
*N.B Tab hayoow lagaa tab hayee.
abdi-shotaly.
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment