Monday 26 October 2009

ASKARI KA TIRSAN CIIDAMADA AMISOM OO MADAXAKAMAD LAGU SAARAY WADANKA UGANDA.

ASKARI KA TIRSAN CIIDAMADA AMISOM OO MADAXAKAMAD LAGU SAARAY WADANKA UGANDA.

Amisom 1Askar ka tirsanaa Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan gudaha Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta la xukumay ka dib marki la horkeenay maxkamad ku taala gudaha Wadanka Uganda.

Askari uureeyey Gabar Soomaali ah oo degnayd Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la horkeenay Maxkamad ku taala Degmada Bombo ee u dhow magaalada Kampala ee Caasimada Uganda.

Askarigaas oo lagu magacaabo Joshua Asisa oo lagu eedeyey in sii sharci darro ah u uureeyey Gabadha Soomaalida ah ayaa maanta marki la horkeenay maxkamada wax laga weydiiyey eedeymaha loo soo jeediyey.

Waxaana u Maxkamada Milateriga horteeda ka qirtay wixii lagu soo eedeyey isla mar ahaanta u sheegay in u ku dhaqaaqay fal u hore kala dardaarmay Madaxweynaha dalkaas sanadi 2007-di inta aysan Ciidamada AMISOM ay ka degin gudaha Wadanka Soomaaliya.

Xaakimka Maxkamada Gaashaanle Steven Kashaka ayaa sheegay in hore Ciidamada AMISOM digniin loo jeediyey oo ahaa in aysan marnaba isku deynin in waxyaabo anshax darro ah ay ku dhaqaaqan,balse Askarigaan u fulin waayay Sharcigaas isla markaana u ku dhaqaaqay waxyaabo anshax darro u soo jiitay Ciidanka AMISOM iyo weliba Dowlada Uganda.

Waxaana u sheegay in Maxkamadu ay go’aansatay isla mar ahaanta xukun gaaraya 1-sano iyo bar lagu rido Askarigaas isla mar ahaanta u mudadaas u ku qaato xabsiga.

Maxkamada ayaa diiday in ay faahfaahin dheeraad ka bixiso xukunka ay ku riday Askarigaas,iyadoo gawaarida Booliska ay u taxaabeen Xabsi ku yaala Magaalada Kampala Askarigaas.

Gabadha u uureeyey Askarigaas ayaa iminka ku sugan gudaha Wadanka Uganda,waxaana warar soo baxaaya sheegaaya in Gabadha la siin doono lacag magdhaw ah iyadoo ay Askarigaas ay u dhashay wiil.

Sidoo kale 20.10.2009 Maxkamad ay iska leeyihin Ciidamada Milateriga ee Uganda ayaa la soo taagay Askariga oo lagu magacaaabo Makindye Milatery Court,waxaana maxkamad ka dhashay buuq sababay in Askariga loo soo gudbiyo Maxkamada cadaalada ee Ciidanka Uganda.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Koorneyl Felix Kulaigye ayaa sheegay in ay tahay arintaan talaabo wanaagsan ayna tusaale u tahay Ciidanka AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho si aysan talaabo noocaan oo kale ugu dhaqaaqin ama aysan samaynin.

Dowlada Wadanka Uganda ayaa iyaduna aad u soo dhoweysay go’aanka iyo Xukunka ay Maxkamada ku riday Askarigaas.

Sanadi 2007-di Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa khudbad u jeediyey Ciidamada AMISOM ee ku sugan iminka Magaalada Muqdisho,waxaana u ugu baaqay in aysan marnaba samaynin waxyaabo anshax darro ah.

Xukunkaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee lagu rido Ciidan ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa ka yimi dalka Uganda,waxaana u noqonaaya Askarigi ugu horeeyey ee Xabsiga loo taxaabo.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale lagu eedeyey in falal Kufsi ah ay ka geysteen Wadanka Congo ee deriska la ah Soomaaliya halkaas oo ay u tegeen arimo nabad ilaalineed,waxaana ay sidoo kale halkaas ka soo xadeen dahab qiimihiisa kor u dhaafayo 3-milyan oo doolarka maraykanka.

No comments:

Post a Comment