Wednesday 21 October 2009

DARDAARANKA GUDIDA CUSUB LAMA GAADHIN OO HAYDAMBEEYEE LAAKIIN

DARDAARANKA GUDIDA CUSUB LAMA GAADHIN OO HAYDAMBEEYEE LAAKIIN

ASALAMU CALYKUM DHAMAANTIINBA
SANWAA
N.B: KUWA SAADAALINAYA EE KU XODXODANAYA BAARLAMAANKU INUU XUBIN AMA LABA KU
CELIYO RAYAALE, WAA KUWA DADKA YIDHAA MARUUNBUU MEESHAN DAGAAL KA QARXAYAA
EE KA YAACA DABADEEDNA TAHRIIBIYA DHALINYARTA UBAXA DHADIG IYO KIISA LAB BA.

DARDAARANKA GUDIDA CUSUB LAMA GAADHIN OO HAYDAMBEEYEE LAAKIIN

fariintaydani waxay daarantay tilmaan iyo tusaalayn ku socota Golaha Wakiilada Jamhuriyada Somaliland kuwaas oo u balamay maalinta sabtida ee inagu soo fool leh inay yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo loogu talo galay ansixinta Gudida cusub ee Doorashada inagu soo fool leh. Hadaba waxaan dhamaan golaha sharci dajinta xasuusinayaa in ay yihiin gole shacbigu soo doortay laakiin wax qabadkoodii,sumcadoodii iyo haybadoodii waxay bariiqatay hoosna u dhacday barigii dhawayd ee ay meesha ka dhigeen MADASHA MASAARACADA taasoo ninba ninkuu doono waxii agtiisa yaalay ku dhufanayay FEEDHKA, KURSIGA IYO HIDHKA. Waxa hadaba ujeedadaydani ku arooraysaa shirgudoonka golaha wakiilada oo aan jeclay inay iiga dharag roon yihiin waxii ka dhexdhacay golahooda. Shurgudoonku waa inay ka feejignaadaan inaan lagu ansixin budhadh laysla dhaco GUDIDA CUSUB sidii caadada noqotay baryii dhawayd. Waxaad mudanayaal xasuusnaataan in hadii aydin xasilooni iyo bilaa dib u celin wax ku ansixisaan soo noqonayso kalsoonidii idinka luntay oo kaamila shacbiguna ay ku farxayaan maadaama looga gudbayo dhamaystirka inta ka dhiman heshiiskii la galay. Ninka warxume tashiilku waxaan is idhaa maba bukoodo malaa sida shaydaanka, waxaan sidaa u leeyay qaarbaa jira qoraya maqaalo ka hordhacaya fadhigii golaha wakiiladu yeelanayeen sabtida inagu soo fool leh. Waa Rag sarbeebaya hadii aad Baarlamaanka tihiin idina MADAXWEYNAA KU DIIDA KUWIISA!! Taasi idina idiinma wanaagsana ka shirgudoon ahaan iyo ka gole ahaanba umadana waxay tusaysaa inay balaayaba iminka bilaabantay kana masuul tihiin. Waxaan ilaahay ka baryayaa inay wax kastaa hagaagaan AAMIIN.

WA BILAAHI TAWFIIQ

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

No comments:

Post a Comment