Wednesday 28 October 2009

TIX GABAY AH OO LAMAGAC BAXDAY, JIFO WEEYE SOMALILAND JAARO WADA YAALE, BY ABDIWELLI HAJI ABDILLAHI( INA YALAS)

TIX GABAY AH OO LAMAGAC BAXDAY, JIFO WEEYE SOMALILAND JAARO WADA YAALE, BY ABDIWELLI HAJI ABDILLAHI( INA YALAS)

qorisWaxaan halkan ka salaamayaa ummada islaamka gaar ahaan akhristayaasha sharafta leh iyo shabakada warbaahinta ee togaherernews.

Intaa kadib waxaan doonayaa in aan in yar waxa ka i dhaahdo wax yaabo qofkasta oo maskaxdiisu caafimaad qabto oo danayn naaya shacabka reer somaliland iyo ayahooda aanu u quudhikarin oo aan sideedaba ku haboonayn in laysku dhaafsado warbaahinta (astaamihii gobolada iyo waxii lagaga hadlay)ayaa waxay iga keentay tixdan gabayga ah aniga oon ahayn nin gabya balse isku dayay,waxay ka warbixinaysa shacabku heerka ay marayaan iyo horumarka ay gaadheen haday tahay nabada iyo haday tahay xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya iyo haday tahay dawlada iyo tacliinta iyo horumarka dalka ee nabadu asaaska u tahay ku soo dhawaada tixdan gaban

1 Jifo weeye somaliland Jaaroo wada yaale

2 Jahligii kakore iyo Jabkay soo dhadhamiyeene

3 Jibadii ilaah naga kaxee Jaadxunka ahayde

4 Sodonkii jisbaa lagu akhriyay kii jinka ahaaye

5 Jilbiskii suntii laga mudyoo jaalaheen noqoye

6 Jeertii dab baa lagu shidoo jeexii laga waaye

7 Jawi nabada baa lugu Dhamaa jaarka caana’ahe

8 Jacayl-na waa ku wada Noolyihiin waarayoo jira’e

9 Nabadii jilbaha dhigatayoo jeenyo laga waaye

10 Jiiftadan ninkii raba dalkii baa u jeelqaba’e

11 Jiifkii ka toosnoo ilaah jahadi noonuurye

12 Jamuuriyadi wataa lahelay Jeelka looqabaye

13 Jarmalkana ka xoogbadan Haday kula jahaadaane

14 Junuud tababar qaatiyo Sarkaal jananno gaashaaman

15 Jiibab baa wareegaayo oo jiiday cadawgii

16 Jeerkiina (kursigii)udub baa hayoo jaaniskaa helaye

17 Jiiftadan ninkii raba dalkii baa u jeelqaba’e

18 Jiifkii ka toosnoo ilaah jahadi noonuurye

19 Jamacadoo kala jaada Baa lagu jarmaadaaye

20 Jaadwal oo cilmigu Leeyahaa lagu jilaabtaaye

21 Jaqoraafi iyo Joolajaa lagu tartamayaaye

22 Boqolaal rikoodh bay jebsheen Jiilkan ii kacaye

23 Ummadaha dayaxa jiidhay baan jooga leenahaye

24 Jabadkii yagyeeloo arligi waa jidoo kale

25 Janalayaashii qurbaha joogay baa toodi soo shubaye

26 Jaaliyado wada land ah baa jeebabka u huraye

27 Alaabada Jikaartiyo katimi jayne lagayaabye

28 Imankaa jabaaniisna yidhi jago mahaysaane

29 Suuqyada lakala jeediyee jaadwaliba yaaloo

30 Doolarkaa jawaanada ku jira jawharkiyo luulka

31 Jiiftadan ninkii raba dalkii baa u jeelqaba’e

32 Jiifkii ka toosnoo ilaah Jahadii noo nuurye

33 Juba air ayaa lagu jaribay airiboodada’e

34 Guuxii jadkii baa guryii jiingadii qubaye

35 Janjeedhada biriijyadii lahaa quruxda jeegaanta

36 Jidadkii hadaa lagu jiraa heerka goboleede

37 Jilaaladii laga baxyoo jirirbaada’aye

38 Jirid nabadda baa noogu taal oon la jarahayne

39 Waxa jimicsi loo tegi karaa jahadad doon taaye


wabilaahi tawfiiq

Abdiwelli haji Abdillahi(ina yalas)
abdiwelli@hotmail.co.uk

No comments:

Post a Comment