Wednesday 7 October 2009

XOGHAYAHA GUUD E XISBIGA UDUB OO WOOLWICH LONDON KAGA QAYBGALAY XAFALAD(SAWIRO)

XOGHAYAHA GUUD E XISBIGA UDUB OO WOOLWICH LONDON KAGA QAYBGALAY XAFALAD(SAWIRO)

Published on: Oct 7, 2009 16:04

IMG_2756IMG_2763IMG_2772IMG_2773IMG_2779IMG_2833
Xoghayaha guud ee xisbiga Udub oo Woolwich London Kaga Qayb Galay Xaflad.

Xoghayaha guud ee xisbiga Udub Md. Jaamac Yaasiin Faarax ayaa caawa ka qayb galay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo warbixin wararka dalka ku saabsan lagaga dhegeysanayey xoghayaha

Waxa madasha shirku ka socday xidhiidhinayey Siciid Yuusuf Biixi oo kusoo dhaweyey inuu Ayado Quraana akhriyo Sheekh Maxamed Kaahin. Waxa intaas ka dib waxa uu micrifoonka kusoo dhaweyey gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Udub ee London mr Faysal Cilmi Cali oo isaguna aad ugu mahadnaay dadkii shirkan soo qaban qaabiyey iyo marti sharaftii kazoo qayb gashayba intaasna raaciyey hadalo koob kooban oo uu kara waramay Xisbiga UDUB iyo dhismihiisa guud isagoo sheegay in xafiiskooda guud uu ahaa Shaffield lakiin iminka losoo raray London oo ay jiraan 4 gudoomiye oo ka hawl gala xafadaha London iyo wacyi galinta tageerayaasha xisbiga UDUB.
Intaa ka dib waxa isna hadalkii qaatay Qunsulka Somaliland ee London mudane Jamac Yasiin Farah oo mahadnaq balaadhan isna usoo jeediyey intaa kadibna uu soo qatey in hadba horumarka dalku uu sameeyo in ay ku xidhan tahay qadarinta halkan qurbaha aad kasbanayso ,isagoo soo qaatey sadex qodob oo uu ku sheegay in aanu horumar la taaban karo aan ka samaynay. 1. in aanu xidhiidh wanagsan ka sameynay dalkan aanu joogno oo aadna nalooga qadariyo 2.in barlamaanka ingiriiska oo aad nalooga taageero kana dhaadhicino qadiyada Somaliland. Iyo aqoonyahanada Somaliland oo iyana aan xidhiidh wanagsan la leenahay.

Isagoo qunsulku talo ahaana usoo jeediyey in dalkan aaynu joogno ee cariga Ingiriiska dhaqankiisa wanaagsan la qaato taas oo uu ku micneeyey Cilmi iyo Horumar.
Intaas ka dib waxa hadalkii lagu soo dhaweyey Xoghayaha xisbiga talada haya ee UDUB mudane Jaamac Yaasiin Faarax waxa uu dadkii meesha isugu yimid usoo jeediyey mahadnaq aad u sareysa.Intaa kadib waxa uu sheegay inuu xalayto joogay magaalada shaffield oo ah madashii xisbiga UDUB xafiiskeedii ugu horeyey laga furay kuna qabtay shir balaadhan oo ay kazoo qayb galeen dhamaan qurbajooga reer Somaliland ee degan Shaffiled iyo hareeraheeda aadna loogu soo dhaweyey isaguna uu warbixin faahfaahsan usoo jediyey.
Xoghayaha xisbiga UDUB waxa uu aad uga sheekeyey waxyalihii keenay khilaafaadka isagoo ku macneyey waxyaalo ka dhashay serverka iyo qaraxii ka dhacay Somaliland kazoo keenay in dadkii ka shaqeynayey serverka oo ahaa Hindi markii qaruxu dhacay ay diidno kakeeneen inay dalka dib ugu soo nqdaan kazoo keenay in uu yimado serverka oo shaqo badan u baahnaa iyo deeqbixiyaasha oo laftoodu dawlada Hindiya ka codsadey in si degdeg ah nimankaa shaqalaha ahaa ee aqoonta serverka u leh dalka kusoo noqdaan si ay khaladaadka u saxaan.

Xoghayuhu isagoo ka hadlaya arrimihii khilaafka ee soo kala dhexgalay axsaabta siyaasadda wuxuu yidhi ‘carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhow oo way is qaniinaan”,axsaabta siyaasaddu way isqaban karaan,balse waxa wax ilaahay lagu mahadiyo ah in shacabkeennu yahay kuwo nasiib u yeeshay in mushkilad kasta wada hadal iyo isu tanaasul lagu xaliyo.Taas oo markhaati ka noqon karta sida aan maanta ugu bislaanay in dalkeena ay ka hirgasho dimuqraadiyad dhab ah .

Maxamed Xasan Jamac (quule) iyo Siciid Yusuf Xaji Maxamed (Siciid Xamari)

Hamse Ahmed Salaan

London

hamse100@yahoo.com
IMG_2830IMG_2795IMG_2807

No comments:

Post a Comment