Wednesday 7 October 2009

DHALNTEED XAREED WAW EG-YAHAY DHEEHA-SHADA GUUDE!!

DHALNTEED XAREED WAW EG-YAHAY DHEEHA-SHADA GUUDE!!

shotaly_1DHALANTEED XAREED WAW EG-YAHAY DHEEHA-SHADA GUUDE !!

Wallee dheehooy waa lagaa dhalin, dhaaxaad oloshee,
Oo dhunkaal iyo dhiro dhabata-ba, ku dhacara-taye,
Soo dhawaatiyo dhawda maqal-keed, iima dhaadhicin,
Inta dhahar iyo dhagar qabihii, kaa dhex muuqdaan,
Dharaar imataba, dhaari joogtiyo, dhurwaa ku cunaa,

Heesta kor ku qoran oo aan ka soo qaatay marxala-daha geelu lee-yahay ama soo maro, khaasatan marka la isku haysto ee gartiisa loo fadhiyo, aan dhana u dhicin xaalkii weli, dareenka wakhtigaas taagan, ee uu qof kastaaba lee-yahay talaoow sidee bay noqon baan arkaa, hadaba aniga oo aan ka dayr-inayn heshiiska khasabka ah ee qalinka lagu duugay, lehna RABBI sidaas lagu saxeexay haku meel mariyo, haw-na dhaco oo kii hawshaas inaga dhameeya dhawrka jeer soo noqno-qotay baan ILAAH ka baryayaa, hadal dambana aanu ka iman ee ay caynkaas inagu dhaafto waxay laba boglaysa-ba, hadana weli lama guda gelin ee milil korkii baan dhayeynaa, waxan arkayaa 3ddii cuna qabad oo sawir wada galay oo ina leh waan heshiinay, wax dambana ma imana-yaan, waxanse lee-yahay DHALANTEED XAREED WAW EG-YAHAY DHEEHA-SHADA GUUDE, laakiinse ma laha AAMINAAD oo kuma kalsoonaan kartid waayo waynu naqaan waxay kala yihiin oo hadaan soo koobo magacya-doodu waa sidan:-

(1) Cawrala Buuqa ( waa kulmiye’e) oo aan marna daynayn hayaay iyo wareey waa lays hayaa, iyo
(2) Cibaado Yooma( waa ucide), oo intaas biyo bayl ah karkari-naaya oo dul taagan uumiga ka soo baxaya, iyo
(3) Caasha Taaha ( waa udube), oo aan weligeed iyo ALLA-HEED in ay yuusto mooyee, farsamo kale lagu arag iyo is adkee mooyaane,

Kuwaas oo had iyo jeer isu tirinaaya siddii laba dumar ah oo la wada qabo, isuna fiirsa-naaya baa ina hor jooga oo aan kala dhamaan, sawirada la isu dhigayaa in ay wada fadhiyaan, uma qabo anigu, wax baan wada wadnaa, ee waxan ku talin lahaa yaan isha laga qaadin, kolay ma foga marka ay qawdu ka dhex yeedhi doontaaye, aan dib u yara tiigsado’e waxay arinka 3dan MUSHARAX dhex yaalaa iila eeg yahay, sheekoo-yinkii geel jirahu isku dili jireen sida ay CAANAHA U WADA DHAMAYAAN oo ay ka mid tahay tani:- maalin ka mid ah ayaamaha baa markii la soo hooyey geelii ee ay dhamays-teen legdintii iyo waaladdii ay ciyaara-yeen, baa waxay socota-ba la soo gaadhay wakhtiggii la maali lahaa, hadhuu-baddii loo guray oo midba xeraddii buu galay uu ku jiray geeliisu, markii la soo lisay baa 3 ka mid ah oo ay iska jaqeen dhawrkii halaad ee u irmaanaa, markooda horena kala shakisnaa, baa waxoogaa hadhuubkii ku soo maalay, dabeed waxay ku heshiiyeen in isu kabadaan oo aanu
midna magaabin, waayo is aamini-maayaan oo way kala hunguri iyo calool weyn yihiin, si ay isugu dheeli tiraan inta afku qaado bay isku raaceen kabasho qudha, hada-ba waxay siddii ahaato-ba markii uu hadhuubkii ku soo dhawaa gunta ee ay caanihii soo yaraadeen, baa mid damcay in uu wax khiyaameeyo isaga oo u qarinaaya, buu CANTUUGO WAB KA SIIYEY, halkaas markay maraysay, buu mid kale arkay in balankii jabay oo hebel uu CANTUUGO WAB LEEYEY, dabeed wuxu ku yidhi, hebeloow waxad kala doorataa ” INTA AAD AFKA KU HAYSO IN AAD DOORTID IYO INTA HADHAY IN AAD SIDDII BALAN KU AHAA KU WADA CABNO ADIGA OON LIQIN OO WELI KU HAYA CANKA GO’AAN KA GAADH”,

Ilayn ma hadli karo oo afka baa u buuxa’e, mana tufi karo oo laga yeeli maayo in uu intii yarayd ee la soo lisay daadiyo’e, wuxu is yidhi intan HORTA IS DHAAFI aad raga la dacwi-dide, dabeed waaka ham ka siiyey ee caloosha u diray, markii uu sidaas sameeyey, bay labaddii ay is haysteen, dhanka kale ula jees-teen intii ku hadhay hadhuubkii, kuna yidhaah-deen ” DOORATAYE MACA SALAAMA INTAN WAX KUMA LIHIDE” waayo waxan ku nidhi kala dooro laba arimood, adiga oon noo jawaabin baad intii aad cantuugtay ku dhaamisay caloosha, ninkii wuu xanaaqay oo yidhi waar maahee dee afka baan ku hayey oo maan hadli karayn, waana aan ka xishooday in aan tufo, ee aan imika idinla hadalo, waxa lagu yidhi anaka ” HADDII AAD TUFTID IYO HADDII AAD MAGAA-BISID WAA ISKUGU-KAAYO MID” oo labada-ba adaan kuu tirinaynaa, ka dibna waa la isku kacay, oo ay ka yeedhay HURDIN JIIJAA IYO TANTOOMO la iskala daalay, hadal iyo ka soo waado, meesha waxa la isku haystaa maaha wax
kale ee waa nin CANTUUGO WAB-LEEYEY IYO KAA HADHUUBKA INTII KU HADHAY LA SII JEESTAY, muranka ka taagan Cawrala Buuqa, Cibaado Yooma, iyo Caasha Taahi waa mid iska iman doono ee yaan laga seexan baan lee-yahay, ILaahna haka dhigo mid khayr qaba.

*N.B Ninkii seexdaa sacii dibi dhalay.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment