Monday 19 October 2009

MARKII IIGU HOREYSAY EEN ARKAY , WAXAAN DAREEMAY!!!!!!!!!!!W/Q:CALI CAWAALI CISMAAN!!!!

MARKII IIGU HOREYSAY EEN ARKAY , WAXAAN DAREEMAY!!!!!!!!!!!W/Q:CALI CAWAALI CISMAAN!!!!

Markii Ii Gu Horreysay Een Arkay, Waxaan Dareemay!

Ma hadlayso; waxaan arkay weji yar ood moodo in burcad lagu subkay, timo yaryar oo yilix ah ood moodo in la qooyay,waxay nuugaysaa suulka gacanteeda midigta, dhinaca midigna way u jiifta”

Waa February 27, 2009 malin Salaasa ah. 3:50 galabnimo waa in ay fadhiisataa Pearson Airport ee kuyaal Toronto,Canada. Magaalada marka aad ka qooraansato daaqadda dayuuradda waxay u egkeeyd goob dambas lagu shubay amma wan-cad ka baxay; xataa mad arki karayn dhabadda ay ku degeyso dayuuraddu.Waa Jiilaal. Waa baraf. “Dayuuraddu waxay fadhidaa garoonka Pearson Airport,” sidaa waxa yidhi shaqaalihii dayuuradda. Qof waliba waxa uu u diyaar garoobay sidii uu u degilahaa. Waxaan tiigsaday khaanaddii dayuuradda een shandadda ku rittay. Si lama filaana waxa isu bedelay jawwigii shaqaalaha dayuuradda. Farxad iyo boogaadin dheeraad ah ayaa ka muuqday wejigoodii. Kaddib waxay layn isu tubeen hareeraha hilinka looga baxayo dayuuradda.“Welcome to Canada-ku soo dhawaada Kanada,” ayaa ah dhawaaqa ka soo baxaya. Ma madax-weyne ayaa idinla saaran dayuuradda ayaan is-kula xanshashaqay.

Yaan lagaa garan ayaan carruurnimadii ku bartay! Si fiican ayay u shaqaysay. Jantu fagax. qofba meel mar. Ma raacdaa dadkaasi; Maya. Dhankaasi ayaa loo badanyahay. Sax. Nin dheer oo gamco-muruqyo-waawayn oo isxoodaaya, kuna lebisan dirays quruxbadan, bawdada midigna ay ugu xidhantay bastoolad ayaan isha qac isku siinnay. Ma faaliyaa! Indhahayga fariin ay sideen ayuu akhristay! Madaxa ayuu dhinac u gun dhiyay, sidii oo uu leeyahay “Haa waad saxsantay, halkaas mar.” “Thanks-Mahadsanid,”ayaan hoos u ugu gunuusay.

Dadku waa dadwada dhaadheer, isku wada lebbisa rag iyo dumar. Waa dad samir badan, kayuu dhaadheer ayaay galeen si loo hubiyo warqadaha qof walba ku soo galay dalka. “I’m so exhausted- aad ayaan u daallnahay,” gabadh cad oo i’agtaagnayd ayaa ku tiraabtay intii aan layn-ka kastamka ku jirnay. Kaddib waan dhoolla caddeyay. Waxay bilawday in ay yulqanto. Aheey. Dhoollo caddayntii qalad! Dhibtu halkaas ma aha, gabadhu waxaysan garawsan inaanan xataa hadalkeedii hore midh ka garan, markaa way ii sheekeynaysaa.Waxaan aad ugu farxi lahaa hadii la’iigayeedho dhinaca kastamka, si aan gabadhu u ogaan inaanan ingiriisiga ku hadal.

Gebi ahaan garoonka dhismihiisa rinji dambariya ayaa wada marsan; waxay leeyihiin baaxad iyo dherer weyn oon hore u arag. Lambado goobaabo ah―oo bixinaya iftiin dharaar u bedeley goobta―ayaa ku xidhan geeskasta. Meelaha qaarkood sallaan soconaya ayaa ku qaadaya. Maqaaxiyo laga cunteeyo ayaa ku yaal iyo daasas laga adeegto; mishiinnada lacagta lagala baxo ayaad meelo badan ku arkaysaa. Hadii aad telefoon u baahato gidaarka kuu dhaw ayaad ka helaysaa. Uma baah’nid inaad cid wax waydiiso; boodh ku tilmaamaya ayaa meel walba sudhan. Da’dka qaar waxa ay indhaha ku yuubayaan meelaha laga eegto dayuuradaha jadwalkooda. Qaarkale ayaa kuraas iskaga dul gam’ay; qaarkale ayaa ka cuntaynaya dabakaayooyinka yaryar ee ku dhex yaal meesha.

6:30 fiidnimo ayaan ka soo baxay eerboodhka(airport) Barxadda soo dhawaynta ayaan kula kulmay Tagsiile xaaskaygu ii sii ballamisay si uu ii soo qaado, “Ma Cali ayaadtay” ayuu ila soo tiigsaday; markiiba waan gartay in uu yahay tagsiilihii isugayay. Intaan markeliya xaggiisii u soo hinqaday ayaan idhi “Haa waa Cali, maxaad sheegtay.” Dhinaca baarkinka(Parking) isu raacnay, mudo ayaan daydaynay halkii uu gaadhiga dhigtay waayo mudada uu isugayay oo badnayd ayuu la illaaway halkii uu dhigay; meel ayuu isii joojiyay maadama aan sito shandad culus.

30 mirir ka dib ayuu ii yimi. Is raacnay. Gaadhigii ayaan guntan jaray kursiga dambe, beelkiina dhag baan isku siiyay. “Intee ayay jirtaa meesha aad igaynaysaa,” ayaan idhi si is xariifin ku jirto; “30 mirir inay qaadato ayaa laga yaaba,” ayuu iigu jawaab ceshay tagsiilihii. Sax. Inna wad. Waxooga isa sii toyannay. Rag-waaweyn iyo camalkii.

Inyar ka dib,Inaan naftayda la sheekaysto ayaan bilaabay. Bilaayin gaaraa-bidhaan in lagu saydhiyay arlada ayaad moodda. Wadooyinku balaadhanaa! Sii dheera! markaan wado indoora soconno midkale ayaan afka saarnaa.Baabuurtu xawaare aad u sareeya ayay ku rooraysaa.Ilayn waa highway-toobiye toosan! Mitirka gadhigayagu waxa uu sheegayaa 100Km/hr. Ka baxnay hayway-gii. Kaama dhawa. Tanna bal eeg. Traffic light. Ishsha cawl ayaa na joojinaysa dhawrkii mirirba. Wah! Laga yaabaa aniga inay ii jeeddoo( ayaan ka fikiray) Kolba waddo ka soo laab’nnay. Markuu is taagaba tagsigu “ Mahalkanaa meeshii aan rabay,” ayaan waydiiyaa aniga oo degdegsanaya saacaddana hoos ka eegaaya.

Waa 7:30. “Hal kee maraysaan?” xaaskayga oo na soo wacday ayaa na waydiisay. “Waxaan ka baxaynaa hadda Dhoon Faali,” ayuu tagsiilihii ku jawaabay. Waa ku dhawaad toban mirir meel ka durugsan madashii aan u socoday. “Bidix u leexo; hore u soco; ayay tidhi “Grenobal Avanue,”mid-ka mida boodhadh-ka wadada sudhan ayaa qoraya. Bidix uga leexo. 1-vendome place. Intaan is hayn-kari waayay ayaan idhi “ Waatan halkaan rabay.” Joogsay gaadhigii; kala soo degey shandadi baabuurka. “Jaaw nabad gelyo, aan soo wada xidhiidhno,” waa kelmadihii u dambeeyay een is waydaarsannay saxiib-kay tagsiile.

Hayyeh. Cabbaar ayaan is yar taagay aniga oo indhaha ka fiir fiirinaya halka habboon een u dhaqaaqo. Labaatan tallaabo ayaan u qaaday xagga gurigii; hareeraha wadada aan marayo waxa sida asgogolka u yaal baraf u egg xoorka caanaha, luguhu socodka way iga boobayaan―sidii wax dug-dug leh ―degdeg si aan u gadho aqalka.Waayo? Masheegi karo. Laakiin waxaan hubaa uun in lugahaygu u af-duubanyihiin araga indhaha oo basaasay.

Waa aqal laba dabaqa oo midab-kiisu cadaan-yahay; Waxaad garan kartaa in uu da’yahay. Sanqadh ayaa baxday. Fag. Al-baab-kii dibada ayaa la furay, waa xaaskii. Is ku soo boodnay hore ayaan u dhaafay intaan idhi “Nadira meeday?” Shandadii iska dhaafay hore ayaan u socday si degdega, jaranjaradii aqalka ayaan fuulay. Hore u sii dhaafay; kolba dhinac baan daymoonayaa sidii dawaco. “Halkeey joogtaa.” “Qolkeeda.” “kan?” “ Haa.”

Waa albaab ka samaysan loox waxa marsan rinji dahabiya, waxa hortiisa taal dacsad ka samaysan dun, lugtuna jeclaysanayso in aad ku sii hayso.Waxaan faraha lugahayga ka dareemayay ganka dacsadda oo kala dhexgelgelayay.Wax walba wuu is bedelay marqudha. Wadnuhu garaacii buu kordhiyay; Neeftii waa istaagtay. Dhidid ayaa faraha ku soo istaagay. Handaraabkii albaabka ayaan qabtay; hadana waan kala booday oo xaaskaygii ayaan dib u jalleecay intaan dhoolla caddeeyey aniga oon hadal. Aayar furay albaabkii; carruur carruur ayaad urinaysaa; waa dugsoon; laydh ku waa damsanyahay. Waan sugi kari waayay in aan ilayska shito. Madawgii ayaan indhaha ku biniiniyay bal in aan wax ka dhex arko. Waxaan hoos hadal diciif ah oo gariiraaya u idhi “Nadira.” Nasiibdarro cidi kama jawaabin.Oh; weli may hadal. Waaba 10-bilood Jir.

Laba ilbidhiqsi gudohood ayaa ku booday badhaddii laydhka si aan u shito. Wax waliba waa sida cadceeda. Xool ka samaysan loox midabkiisu cadyahay ayaa midgta kaa qabanaya marka aad kadinka ka gasho qolka ay degentahay.Wuxuu u cufanyahay sida buul-shinbireedka si dugsoon uu u’noqdo. Mitir iyo badh ayuu kor u dalacanyahay. Hareerta wajahaddiisa liidad looxa oo ban banaan u dhexeeyo ayaan qackusiiyay isha “ah,uh” waxaan arkay IL ka soo dhex dhalaalaysa jeexjeexa; indhaha ayaan masaxday intaan is beensaday waanan ku soo dhawaaday.

Waan ku soo foorarsaday aniga oon codku iga soo baxayn ood moodo in candhuufitii ay iga dhamaatay hunguriguna i’qalalanyahay; qurduc qurduc mooyee; cududeedii yarayd ee debecsanayd ayaan faraha baarkooda hore ku qabtay. Ma hadlayso; waxaan arkay weji yar ood moodo in burcad lagu subkay, timo yaryar oo yilix ah ood moodo in la qooyay,waxay nuugaysaa suulka gacanteeda midigta, dhinaca midigna way u jiifta. Waxa madaxeeda ka guuxaaya maxaa jira? Waa ayo qofkan aanad hore u arag? Waxaan ku soo dhejiyay laabta aniga oo dareemaaya wadnaheeda yar bood boodkiisa.Waxay bilawday himbidhsi uurka hoose ka soo baxaya, afka yarina wuxuu u diyaar garoobay in uu ku caawiyo qaylo dhaan ay u dirato hooyadeed. Waxaan dareemayaa qoyaan yar oo ku dul tif-leh dhabankayga midig, waa il’madeedii yarayd ee debecsanayd, sankaygu waxa uu jeclaysanayaa carfigeeda yar. Tani waa Nadiira. Waxaan iskula dul dhacnay oohin. Qofwalibana sabab ayuu la ooyay.

Cali Cawaale Cismaan

ccawaale@hotmail.com

No comments:

Post a Comment