Monday 19 October 2009

FIKIRKA FOOL HLAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(QAYBTII AFRAAD)FURDAAMO

FIKIRKA FOOL HLAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(QAYBTII AFRAAD)FURDAAMO

FIKIRKA FOOL HLAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(4)FIKIRKII

Qaybtii 3aad waxaynu kaga hadalay maansadii lamagac baxaday dhool ee ka hadleysey qadiyadii ahayd in diinta iyo nolsha lakala sooro iyo sida aanay u ahayn aragti saxa oo an facaysa muslimiinta ,waxaana daliil ugu filan maantaba diin kuma socdaane bal meel hagaadhaan ,hadii diin la,aan meel lagu gaadhaayo, markaan sidaa leeyahay waxaan u jeedaa nidaamada ka taliya dunida muslimka ee uma jeedo ummadaha islaamka waayo ummaduhu waa u diyaar waana u daacad diinta iyo in lagu dhaqo.

Hadba maansadan( furdaamo) waxaynu iyadana ku qaadaa dhigi doonaa sida islaamku u arko fanka iyo talada uu siinaayo fannaaniinta ,fankuna sidiisaba waa adeeg bulshada loo gudbinaayo oo u qaybsan dhisida dhaqanka ,fikirka iyo akhlaaqda. waa shaqadaa shaqada uu qabanayaa fanku markay sidaa tahay islaamku kama hor imanayo mana diidayo ,sidii uu ku dooday Hawd ee uu lahaa fuleyda fikradu waxay kasoo horjeedaan fanka farxada iyo wax aliyaale wixii horumar ku soo kordhinaya bulshada ,wax la ogolyahay siduu ku dooday qoraagaasi ma jirto waxaana loo arka fanka iyo wixii la xidhiidhaba fusuq iyo faasuq.

Hadaba maan sadani waxay furdaaminaysaa fahamka noocaasa oo aanu keli ku ahayn saaxiibkeen Hawd ee dadbadan oo xataa ehlu diin ahi ay suurta gal tahay in ay fanka ka qabaan fikrad ku dhaw dhaw taa uu sheegay ,waxaanay tibaaxaysaa in fanka hadii uu isagu yahay mid wanaaga iyo akhlaada bulshada ilaalinaya oo caadooyinka iyo dabeecadaha xun xun ee dadka qayrkood ka reeba ka ladagaalamaya ,oo ayka mid tahay in gacan shisheeye wax laga sugo,in kalsoonida umadu isku qabto inay horumar gaadhi karto uu fanku aad u xoojiyo, in xidhiidhka nadiifta ah ee lab iyo dhedig dhex mari kara oo ah guur iyo guri xidid iyo rixim wixii bur burinaya amaba dhalan gadenaya uu ka ilaaliyo .

Waxyaabahaas iyo wax ku dhaw dhaw ayey faalaynaysaa ,waxaana fiican in maqaalo madax banaan lgaga faloodo fanka iyo sida diinta islaamku u aragto . Hasayeeshee taasi ha u furnaato cidii waqti iyo aqoonteedaba Eebe siiyey hasayeeshee qormadan gaaban bal aan ku soo dhawaana maansadeenii furdaamo ee akhris wacan:

FURDAAMO: 01/18/1994

fanka iyo islaamkaa Dadku kala fogeeyaan

fadhi-kulan layeeshoo Dood aan u furayoo

waxa kala fogeeyee KalaFaquuqay labaduba

hada wey fahmeenoo Faqbay iigu sheegeen

faafi bay yidhaahdeen Fagaarahana kacaddee

fukradaa uguuxoo Faraxbaa isaaqee

daaha aan ka feydee Faaladeeda iga hoo

fur islaamku doodii Wuxu yidh fannaanyahaw

bulshadii fsaqdayoo Xadhigii furatayoo

salaad foodlasaariyo Ficilkii samaa iyo

falka suuban diidee Maxaad iiga firdhataa

iiga faaganaysaa Fanka iigu diraysaa

fajac iyo layaabaa Fannaankii haleeloo

wuxuu yidhi fidnada iyo Fiicanaw islaamkoow

Inaan fadhumaystoon kaasii fogaadiyo

firkanaxa waybaday Oo wada fad qalalada

culimadu fankii nacdal Fiidkii lajoogaba

yey dadkii ufarayaan Ka fogaada dhahayaan

waalaygu falayoo Ana fanka madeynkaro

arintaa furdaamiyo Farej mawheleysaa

fanku siduu layahay iyo Fiiradiisa gaarka ah

fannaankii uhsharxyoo Fahamsii abwaankii

wuxuu yidhi fannaanyahaw Fadligiyo wanaagiyo

faa iidada aduunkiyo Fawskeeda aakhiro

fannaankii mutaystiyo Fanka looma miyayee

farshaxankaad astaysiyo Foodhidaad garaacdiyo

farriintaad diraysaa Mid fayaw hanoqotoo

fasaxiiga qaadoo Yaan fari togdheeriyo

faafan aanay kula xulin Ereyguna si foojigan

fudayd uuka dheeryahay Afka hawga soo fulo

fooraha dabayshiyo Markay ufadu foodhido

dadku wuxuu fishaayoo Taa fansaaraheeda ah

fadadaale rooboo Rabi uu u fura oo

abaartii fannasha oo U farrasha barwaaqee

araartaada faankale Firinbiga rakaadkale

marka aad ku furatee Daweynaha u fidisee

fiicanaa la dhaha ee Uumiyuhu ku faaqido

fadeexad iyo ceebiyo Faruuryahaagu been iyo

yey sheegin foloshiyo Waxaan lagu farxayn iyo

ummadood fidneysaan Fasir casaradaydoo

fahamsii dakaygoo Fallaadhahan laganayee

cadaawuhu farraqayee Soo foorarsheenee

ku abbaaran feedhwaha Fannaanyahawdifaacoo

u faah faahi ummadoo Kumacnee fankaagoo

maansada ku falanqee Fannaankiyo haweenkna

faduul baysu geysee Hadii aad yar faaqidi

farawgaa jidkeediyo Foomkeeda guud iyo

haku fakan tilmaamteeda Muuji ficilsamaanteeda

fariidnimadeeda sheeg iyo Nacasnimo kafaankeeda

fiicnida akhlaaqdeed Firfircoonideediyo

fiiro dheerideediyo Kas fayoobideeda

furihiina waakaa Ferejkiina kuu yimi

hadaad fuliso taladaa Aduunyada waxaad filan

fantasiye iyo riyaaqiyo Bulshadoo fu,aadkiyo

qalbigeeda kuu furta Oo ku fooladaysoo

aakhirana fardawsiyo Janno aan fallasahayn

yaad faanjo faanjood Dhex faxaaxsaneysaa

faxalnimada Eeebiyo Fanka aad ku heleysaa

hadii kale fidhantayoo Fanka waad hallaysoo

baadilbaad u fahamtoo Naartaad ku firdhatee

xagaygana fallaagiyo Faasuqbaad ka qorantee

anna maan ku fiijine Toobaduna kuu furan

fannaankii ayaa yidhi Fahmay meesha gacantiyo

fartu ay ku godantahay Hadii aan fankaygii

fur furoo sifeeyoo Ka fogeeyo xumahoo

xaqa aan kufaafshoo Baadilka kufagagsado

fasax aan u haystoo Iifuray islaamkii

walee kama farbaxa oo Xaqa kama fad kudiyoo

faaruq kama ahaadoo Wixii aan mar fali jirey

foofdaran habawgii Kuma faano maantab

mohamed hasan

hirrig@hotmail.com

USA

No comments:

Post a Comment