Monday 19 October 2009

KU: MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE KAAHIN. W/Q SANWAA CUMAR YARE

KU: MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE KAAHIN. W/Q SANWAA CUMAR YARE

SANWAAKU: MW/DAAHIR RAYAALE KAAHIN

OG: SHACBI WEYNAHA SL EE SOO DOORTAY M/RAYAALE

OG: TAAGEERAYAASHA IYO MADAXDA XISBIGA UDUB

ASALAAMU CALYKUM WARAXMATU LAAHI WA BARA KAATU

SUB: MAHADNAQ IYO TALO

Mudane Madaxweyne, waxaan ugu horayn ka badheedhayaa inaan kuugu mahadnaqo sida geesinimada iyo wadaniyadu ku dheehantay ee aad isu dhaafisay 7 xubnood ee komishanka cusub kuwaasoo kusii jeeda wakhtigan golaha sharcidajinta (Parliament) si ay u sharciyeeyaan, adigoo uga gol leh in aad tusto umadaada siday kaaga dhabtahay dadajinta ama hirgalinta heshiiskii 6 qodob ahaa. Intaas waxa ii raaca talo ka kooban labadan qodob:

1) Madaxweyne waxaad noqotay madaxweyne lagu majeerto inuu somaliland ka daacad yahay qadiyadeeda isla markaasina ah madaxweynii u horeeyay ee hirgaliya doorasho dimoqraadiya. Iyadoo xisbiga UDUB yahay xisbi lagusoo hirto oo ah mid walaaleeya dhamaan shacbiga somaliland, hadana Madaxweyne waxaan kugula talinayaa xisbiga UDUB waxaad kaga mashquultay dantii qaranka laakiin inaad isna cadkiisa siiso weeye oo taasi waa mid naga dhiman hadaynu nahay REER UDUB. Majiro madaxweyne aan u ololayn xisbigiisa markaa hiil iyo gacansiinba waanu kula garabtaaganay ee haka dhawrsan inaad xisbigaaga ololihiisa faragaliso. Waxaan mar labaad si xushmad leh kaaga codsanayaa inaanad cidna kaga haybaysan taageerida xisbiga UDUB ee aad gudoomiyaha u tahay si xisbigu u dhamaystiro himilooyinkiisa fog ee ay ka mid tahay horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada ,caafimaadka iyo helitaanka Aqoonisi caalamiya.

2) Baryahan waxay soo qoraan niman isleh siyaasiyiin baad tihiin hadal aan loo aabo yeelayn oo xambaarsan xanuun qarsoon iyo mid korka usoo baxa mararka qaar, toosna ugama soo baxo afkooda iyo qalinkooda laakiin caruur ay adeer u yihiin ayay usoo dhiibaan ooy yidhaahdaan fikirkayagaa isku qarxiya!!. Nimanka waxaas oo dhan wadaa waa niman qoday BOORAAN AY DHEEREEYEEN ooy cid ugu talo galeen laakiin iyagii ayay hoygoodii noqotay. Ereyada ay ku dagaalamaan waxa ka mida: WAA LAYNA SIRXAY , ADHIGEENII JABOUTI BAA CUNTA,FAQASHBAA INA HAYSATA laakiin waanu ognay waxay ka gubanayaan NIN RAGINA WUU GARANAYAA DOQONA LOO SHEEGI MAAYO.Madaxweyne way jirtaa in la soo qoro aflagaado shaqsiyan ku shuseeya iyo kuwo wasiiradaada ah ba taasna waxaan ku leeyay ugu dulqaado umada kusoo dooratay ee xilka kuu dhiibatay. Waxaan kaga baxay ilaahay hakugu garabgalo xilka umadu kuu dhiibatay adiga iyo madaxda kula shaqaynaysaba.

ILLAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY.

WA BILAAHI TAWFIIQ.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

No comments:

Post a Comment