Monday, 19 October 2009

“MADAXWEYNAHA AYAA WAQTIGII LUMIYAY OO BADHEEDAHAY WAXANAY AHAYD QALAD ARINTASI” GUDOOMIYE SIILAANYO OO WARAYSI BIXIYEY

“MADAXWEYNAHA AYAA WAQTIGII LUMIYAY OO BADHEEDAHAY WAXANAY AHAYD QALAD ARINTASI” GUDOOMIYE SIILAANYO OO WARAYSI BIXIYEY

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Siilaayo ayaa maanta ka war bixiyey sida uu u arko gudbinta madaxweynuhu u gudbiyey golaha wakiilada Somaliland xubinihii gudida doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiye Siilaanyo oo maanta u waramaayey TVga madaxa banaan ee Hargaysa Space Chanel ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay gudbibintaa madaxweynuhu uu gudbiyey xubnaha walaw uu in badan la meer meeraayey.

Gudoomayaha mar uu ka hadlaayey argtidiisa ku waajahan gudbinta xubnaha waxa uu yidhi “Sida aad ka warqabtaan warbaahintiinu waad ogaydeen in aanu xubin tayadii badalnay shalato , maantana sida warku nagu soo gaadhay walaw warku uu cusub yahay in aakhirkii xubinhii ugu dambeeyey madaxweynuhu wuu gudbiyey sida warku nagu soo gadhay baarlamaankaa loo gudbiyey oo la geeyey ayuu warku nagu soo gaadhay, halkaasina waa mid iminka laga soo kacay oo ku noqosho ma laha , waqtigay naga qaaday oo ay naga cuntay waqtigaa ay naga lumaysayna waxaanu arkaynay in ay tahay mid madaxweynuhu badheedhay kuna khaldanaa ayaan anigu runtii u arkaayey, i jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis aakhirkii waxay noqotay in aanu badalno dadku waa badan yihiini xubintii oo la gudbiyey, barlamaankaanay hor taalaa waxaanaan rajaynaya in iyaguna sida ugu dhakhsaha badan ay u dhamayn doonaan sidaaa ayaa ilaahay ka baryay, oo ay waajibkooda gutaan kadiban heshiiskii curdinka ahaa dhaqaajintiisi looga sii gudbo si loo gaadho in ay dhawaan qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah sida ay dadwaynuhuba doonayeen”.

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in baarlamaanku xaq u leeyahay in ay fatishaan oo ay kala shaandheeyaan xubnaha komishanka taas oo uu sheegay in markii horeba madaxweynaha aanu u sheegnay oo aanu nidhi iskaga gudbi , tiina muu yeelin waayo gudida qaabilsan ayaa dhamayn lahayd, sidoo kale waxa uu sheegay Siilaanyo in aanuu sheegi karin mudada ay qaadan doonto kala shaandhaynta baarlamaanku se waxa uu yidhi rajo ayaan ka hadlayaaye waxaan u rajaynaya in ay iyana sida ugu dhakhsaha badan ay wajibkooda u dhamaysan doonaan oo ay xilkooda u gudan doonaan .

Mar la waydiiyey Siilaanyo mar hadii laga gudbay qodobkii xubnaha komishanka talaabada looga sii gudbayaaa ee idiin yaala muxuu yahay.

Waxa uu kaga jawaabay “Marka ay xubnaha Gudida doorashooyinku fadhiistaan ayey hawsha inteedii kalena bilaabmaysaa, markaa qolodii deeq bixinayaasha ahaa iyo qolodii kale ee debada inooga imanaysay ee ay deeqbixinayaasho xilkooda qaadeen ee ahayd in ay Tiim soo diraan dhex dhexaada oo iyagu (Serverka ) hawshiisa ku noqdaan waxay ay la shaqaynayaan gudida cusub ee doorashooyinka halkaas ay hawsha ambaqaadkeeda kale ka bilaabmayaa marka taasina waa mid farsamo ku xidhan markaa taasi xiliga ay qadanayso in ay mala-awaalno mooyee ama sidii la inoogu sheegay aynu u qadano oo aynu sheegno mooyee ee ma garan karno xiliga dhabta ah ay qadanayso , dadkaasi maaha dad Politicaly wax isku tuur tuuraya ee waa dad shaqo farsamo uun galaaya taasna waxaan rajaynayaa waqtiga loo bahan yahay mooyee in aanu waqti kale inagaga soo bixin taas ayaan rajaynayaa ” Sidaa waxaa yidhi Gudoomiyaha Kulmiye Muj Siilaanyo.

Sidoo kale Sual uu ka jawaabayey oo ahay mudadii isku tuur tuurka xubnaha gudida doorashooyinka siday u arkeen deeqbixiyayaashu, se ma idinla soo xidhiidheen .

Waxa uu sheegay in ay mar walba la soo xidhiidhayeen oo ay goordhawayto oo ugu dambaysay ay wada hadlayeen safaaaradiii Maraykanka ee Nairobi, sidoo kale waxa uu sheegay in ay shalay wada hadlayeen Safaarada Ingiriiska ee Addisababa, xidhiidhka ay la soo samaynayaan ee badan ka sokaw waxa uu sheegay in ay warwarbadan ku hayso arintani, doonayaan in ay u dhamaato sidii ay rabeen taas oo ah in ay nabadgelyo hawshan doorashooyinku ku dhamaadaan.

Warqabadka Togaherer

Hargaysa

No comments:

Post a Comment