Monday 19 October 2009

SAFARKII GUDOOMIYAHA U CID WAA MID UU GUUL KA KEENAY IYO NIYAD SAMI.

SAFARKII GUDOOMIYAHA U CID WAA MID UU GUUL KA KEENAY IYO NIYAD SAMI.

SAFARKII GUDOOMIYAHA U CID WAA MID UU GUUL KA KEENAY IYO NIYAD SAMI.SHOTALY
Waxa aan amaan halkan uga diryaa salaan aad u qiimo badan oo huwan sharafka umada reer somaliland sida ay u dhan tahay gudoomiyaha xusbiga ucid faysal cali waraabe oo aan lee-yahay ILAAH haku siiyo khayr, aad iyo aad baad ugu amaanan tahay guusha aad ka keentay socdaalkii aad ku tagtay wadamada kiiniya iyo itoobiya, waxa xusid mudan sida aad u soo qancisay madaxddii aad la kulantay ee aad ku sheegtay tiradooda 13 wadan iyo dhawr hay’adood, iyo weliba kuwa cusub ee ku soo biiray wadamaddii hore aan ula lahayn gacan saarka sida DALKA JABAAN oo aad tidhi waxay ina siinayaa taakulo waxbarashada ah oo 3 milyan dhan iyo dalka masar oo ka mid aha kuwa ingoogu colsan, safka horena kaga jiray kuwa hor taagan gooni isu taaga somaliland, weliba ah ka hor taagnaa jaamacada carabta oo inagu diray jiray, waa ilaahay mahaddii haddii aad maanta huuga ku soo qabatay oo raashin keenaayo, waa horumar weyn oo ay maamulka inoo dhisani awood, karti, siyaasad iyo aqoon midna ay u waayeen, waa arin sharaf iyo sumcad u soo jiidaysa xusbiga UCID waxana ay ku qaadan karaan umada reer somaliland, beri hore baan qoray maqaal aan lee-yahay waxba lagama yaqaan maamulka xusbigan isaga ah ee yaan hoos loo eegin oo aan la odhan waa curdin aan u lahayn waayo’aragnimo dawladnimada, tii aan ka hadlaayey baad maanta si cad u muujisay haddii aad tahay faysal cali waraabe, waa arin laguugu sad buriyaa o wax tar ah, waanad ku mahadsan tahay.
Markii aad u baxday socdaal-kan dad badan baa lahaa hadana miyuu soo qayli-nayaa, oo xumaan iyo belo buu wadaa, waxana uu odhanayaa waxaba kama jiraan heshiiskii lixda qodob ahaa oo komishankii ugu horeeyey baa la isku haystaa ee mar labaad na soo dhex gala, waxayse noqtay been oo si aan lahayn madmadoow bad shaaca uga qaaday wixii aad soo qabatay cid ka murmi kartaana ma jirto, shicibka reer somalilandna way arkaan guusha aad soo hoysay adiga oo ah xusbi mucaarid ah, waxa la isla dhex qaadaayey, muxuu keeni karaa ee uu ka doonay kiiniya iyo itoobiya ee kaga xidhan saw maaha in uu sir bixiyo uu wax ku yeelaayo sumcada somaliland iyo dacaayad kale oo u furo, isaga oo xogteena u sheegaaya ajenebi iyo nacab iyo waan is haysanaa ee na kala gura, laakiinse taasi imika way ka baxday shakigii oo kuwii waxaas lahaa imika bay dibin-tooda ay cunayaan, lana ogaaday in ay been iyo wax aan jirin afuufa-yeen waayo waxad miiska soo saartay midhihii aad soo bislaysay, adiga oo ka saaray murankii in aad daacad u tahay somaliland oo aad u maqnayd dalka iyo dadka intaba, waa kalsooni weyn iyo farxad soo korodhay, waxana aad na tustay in lagu aamini karo, waxna qaban kara, waa fursad weyn oo qofkii macquul ahi uu hoos u eegi karo dad badan oo taageero-yaal ahna soo kordhin karta, si kastaba ha loo qaato maqaalkan waxanse anigu lee-yahay oo aan ku soo dabray qoraalkan gaaban, shicibku haku qiimeeyo xusbiyada wax qabad-kooda,oo ha lagu eego midba waxa uu ku soo kordhiyo umada, yaan loo eegin gobolaysi iyo wixii aynu eednay ee halkaas ina yuururiyey,kunka boogoodna inoo yeelay ee qayrkeen inaga reebay.
* N.B. Ninba wuxu beerto buu manfaciisa gurtaa.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment