Monday 19 October 2009

GARI LAGA QARXIYEY AMISOM IYO SHIRKII JARAAID EE MADAXWEYNE SH.SHIRIIF.

GARI LAGA QARXIYEY AMISOM IYO SHIRKII JARAAID EE MADAXWEYNE SH.SHIRIIF.

Ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay xarunta Kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa maanta weerar lagu qaaday lagu burburiyey gaari ay ciidamada leeyihiin.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada Burundi ee ku sugan magaalada Muqdisho, mid kamid ah gaadiidkooda ciidamada ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib markii bambaano loo dhigay xili ay hawlgal ku jireen.

Kadib qaraxaasi ayaa waxaa iska horimaad muddo socday uu dhexmaray kooxda Al Shabaab iyo ciidamada AMISOM ee ayagu doonayey in gaarigaasi ay ka jiitaan halkii lagu qarxiyey.

Iska horimaadkaasi saameeyey isu socodka shacabka deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayey ciidamada AMISOM wax faah faahin dheeraad ah kasoo saarin khasaaraha kasoo gaaray.

——————————————————————————————————————————————————–

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka warbixiyay Safarkii uu dhawaan ku soo maray Wadamada Maraykanka iyo Liibiya.

Kadib shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Wadamadii uu dhawaan ka soo laabtay uu kala soo hadlay xaalada dalka Soomaaliya uu iminka marayo.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in uu kala soo hadlay Mas’uuliyiintaasi sidii dhibaatada looga saari lahaa dalka ay dagaaladu ragaadiyeen ee Soomaaliya, iyo sidoo kale sidii gar gaar bini’aadanimo loogu fidin lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaataysan goobaha ay u barakaceen.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Shirkiisa Jaraa’id mar uu ku soo hadal qaaday warar dhawaanahan la isla dhaxmaray oo sheegayay in Ciidan ay yeelanayso dowladda KMG Soomaaliya lagu soo tababarayo gudaha dalka Kenya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in wararkaasi ay yihiin kuwa sal iyo raad toona aan lahayn, sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna intaas raaciyey in dowlada uu isagu Madaxda ka yahay ay haysato ciidan ku filan, hadii ay ciidamo qoranayaana ay dalka gudihiisa ka qoranayaan, sida uu sheegay.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalada u dhexeeya Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ayaa sheegay in ay ugu war danbeysay iyadoo labadaas kooxood ay dagaal kula jiraan dowladiisa, wuxuuna intaas ku daray in dagaalka ay dowladiisana ka daayaan, iyagana iska daayaan,

Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa soo hadal qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in xiligii Maxkamadaha ay wada shaqeyn jireen, balse markii danbe dowlada Itoobiya ay ciidankeedu qabteen, isagoo ku nuux nuuxsaday Madaxweyne Shariif in ay dowlada Itoobiya kala hadleen sii deyntiisa, balse hada ayan wax xiriir ah lahayn, uuna jeclaan lahaa inuu dowlada xubin ka ahaado, sidaas dareedeena ayan jirin cid ay ku Jihaadaan, waa sida uu sheegaye.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa ka biyo diiday in xarakada Shabaabul Mujaahidiin loogu yeero Mujaahidiin, isagoo ku eedeyey inay dad Muslimiin ah laayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Shirkan jaraa’id ee uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Madaxweyaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan madaxweynaha uu safar kaga soo laabtay Wadamada Maraykanka iyo liibiya, isagoo madaxda Wadamadaasi oo kala soo hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya uu imanka marayo.

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment