Monday 19 October 2009

DAWLADA SOMALIA OO SOO BADHIGTAY MAYDAD AY KU SHEETAY IN AY AHAAYEEN AJANABI.

DAWLADA SOMALIA OO SOO BADHIGTAY MAYDAD AY KU SHEETAY IN AY AHAAYEEN AJANABI.

Waxaa magaalada Muqdisho iska horimaad ka dhacay ay ciidamada Dowlada ku sheegeen inay ku dileen mid kamid ah dagaalyahanada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaalanta kooxaha hubeysan.

Warka uu soo saaray Afhayeenka Ciidamada Booliiska ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Col.Cabdullahi Bariise, ayaa lagu sheegay iska horimaad ka dhacay Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, lagu dilay sadex kamid ah dagaalyahanada kooxaha Islaamiyiinta ee Muqdisho ka dagaalama.

Col.Bariise ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen hal nin oo uu ku tilmaamay inay u maleenayaan inuu Carab ahaa iska horimaadkaasi, asagoo intaasi raaciyey in labo kale oo Soomaali ahna ay gacanta ku dhigeen ayagoo dhaawac ah, balse u qadaro yar kadib u dhintay mid ka mid ahi kii kalena lagu hayo cusbataalka dawlada.

Sh. C/risaaq Maxamed Qeylow oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inaysan dowladdu ku xadgudbeynin meydadka iyo dhaawacyada laga soo qabto Kooxaha mucaaradka islamarkaana ay tahay arrintaasi mid ay dowladdu ku faani karto.

Afheyeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay midka dhaawaca ah ku wareejin doonaan ehelladiisa haddii uu sidii la rabay u bogsoodo.

C/yuusuf oo ah Aabaha dhalay Maxamed Cabdi Yuusuf oo ahaa mid ka mid ah labada nin ee geeriyootay ayaa Saxaafadda u sheegay in wiilkiisa uu ahaa arday islamarkaana uu in badan ku dadaalay sidii uu ula kulmi lahaa, waxa uuna qiray inuu hanjabaado faro badan xilligaasi kala kulmay kooxaha mucaaradka ah, waxa uuna dowladda uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay meydkiisa u siiyen.

Ugu danbeyntii waxaa goobta meydka lagula wareejinayay waalidkaasi ka hadlay Afhayeenka ciidmada daraawiishta Sh. C/risaaq Qeylow oo isagu muujiyay sida uu uga xun yahay waalidiintaani la aa ilmahooda oo qaarkood manta iyagoo meyd ah helay. Dowladduna ay si xornimo ah ugu wareejisay meydadkoodii.

Maaha markii ugu horeysay oo dowlada Soomaaliya sheegto inay dishay dagaalyahano ajaanib ah, ayadoo ay horey u dhacday nin ay ku tilmaameen inuu ahaa Ajanabi inuu noqday muwaadin Soomaali ah.

Balse afhayeenka Booliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in dagaalyahanka ay maanta dileen uusan ahayn Soomaalida cad cad, waa suu hadalka u dhigayee.

Mayd la soo badhigay

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment