Tuesday 20 October 2009

JAAMACADA ISLAAMKA EE ISLAMABAD OO LABA QARAX KA DHACEEN

JAAMACADA ISLAAMKA EE ISLAMABAD OO LABA QARAX KA DHACEEN

Published on: Oct 20, 2009 11:24

Wararka kasoo baxaya magaalada Islamabad ee caasimada dalka Pakistaan ayaa sheegaya in qarax bambaano uu saaka ka dhacay xarunta Jaamacada Shariicada Islaamka ee ku taal caasimada Pakistaan.

Labo Qarax ayaa la sheegay in uu ka dhacay qeyb kamid ah Jaamacada, oo xiligaasi ku sugnaayeen arday badan oo gaadhaysa saddex ilaa afar kun oo arday walow aan si rasmi ah loo ogeyn cida ka danbeysay qaraxaasi.

Ugu yaraan 7 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen oo laba ay yihiin kuwii dhagaraysnaa ee is qarxiyay 29 kalena ku dhaawacmeen oo 11 ka mid ahi ay yihiin Hablo qaraxan xoogan oo maanta laga dareemay caasimada wadanka Pakistan.

Todobaadyadii lasoo dhaafayey ayey magaalooyinka waaweyn ee dalka Pakistaan ka dhacayeen qaraxyo ay soo abaabuleen kooxda Talibanka, ayadoo qaraxa maanta uu kusoo beegmayo xili ciidamada Pakistaan duulaan militari ku qaadeen gobalka Koonfurta Wasiristaan oo xarunta Talibanka Pakistaan.

Macada qaraxan sababta loola beegsaday Jaamacada culuumta Islaamiga ee magaalada Islamabad oo ay wax ka dhigtaan arday badan oo caalamka oo dhan ka kala timid.

No comments:

Post a Comment