Thursday 1 October 2009

MAXKAMADA MARAYKANKA OO DIB U FURTAY KIISKA DACWADA CALI SAMATAR

MAXKAMADA MARAYKANKA OO DIB U FURTAY KIISKA DACWADA CALI SAMATAR

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dowlada kali taliska ahayd ee Siyaad Barre ahaana wasiirki Difaaca General Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa lagu wada in maxkamada Ambiilka ee Maraykanka inay dib u eegto dacwad ka dhan ah .Maxamed Cali Samatar

Maxkamad Ambiilka ee ku taala gobalka Virgina ee lagu magacaabo Fourth Circuit, ayaa dib u furtay eegista dacwad ka dhan ah Gen.Samatar oo la xdhiidha danbiyo ku xadguduba Xuquuqda Aadanaha.

Cali Samatar ayaa waxaa lagu eedeyey in u geystay kana dambeeyey Burburintii Magaalooyina Hargeysa iyo Burco oo amarkeeda uu lahaa sidoo kale waxa uu ku eedeysan yahay waxyaabo ka dhan xuquuqda aadanaha isla markaana ay dacwadan soo gudbiyeen, shaqsiyaad sheegay in ay dhibaato u geysteen ciidamo ka amar qaata Gen.Samatar.

Sanadkii 2007, ayaa dacwad noocaan ah laga gudbiyey Gen.Samatar, walow xiligaasi ay Maxkamada Darajada 1aad ee Maraykanka oo uu qaadi ka ahaa Xaakim Leonie Brinkema, ku dhawaaqday in dacwadaasi la joojiyey, kadib sida uu sheegay maadaama Gen.Samatar aan maxkamad loo soo saari karin arrimo la xadhiidha Madax-banaanida falal ka dhacay wadan shisheeye , sida ku qeexan Sharciga loo yaqaan (the Foreign Sovereign Immunities Act) ee dalkaasi Maraykanka u yaal.

gensamatar2Balse xubnaha dacwada kusoo oogay Gen.Samatar oo kaashanaya hay’ado kala gedisan oo ah kuwa u dooda xuquuqda Aadanaha, ayaa go’aanka maxkamadii darajada 1aad ee 2007, ka qaatay Ambiil, isla markaana bishii 23kii bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay 2008, markale dacwada hordhigay Maxkamada Ambiilka ee gobalka Virginia, oo ah halka uu ku nool yahay Gen.Maxamed Cali Samatar.

Maxkamada Ambiilka, ayaa ayadu sheegtay inay dib u bilaabeyso eegida ama dacwadaha ka dhanka ah Gen.Samatar, isla markaana sheegtay in Sharciga (the Foreign Sovereign Immunities Act) uu yahay kaliya mid khuseeya hay’adaha Dowliga ah, balse Shaqsiyaadka aysan wax xasanaad ah ka helayn xeerkaasi, isla markaana la bilaabi karo dhageysiga dacwadan.

Maxkamada ayaa sheegtay in loo soo gudbiyey dukumeentiyo qeexaaya oo ay soo gudbiyeen dad ka cabanaaya Gen Samatar, waxayna sheegeen in inta u hayay xilalka Wasiirka difaaca iyo Ra’siulwasaaraha Soomaaliya u Askar ka amar qaatay ku amray in ay jidhdil u geystaan shaqsiyaad xilligaas caan ka ahaa Soomaaliya oo aan la xusin magacyadooda.

Maxamed Cali Samatar oo iminka degan Gobolka Virginia ee Wadanka Maraykanka ayaa waxa ay Kooxahas ku eedeyeen inuu lahaa amarka, Askarta geystay falal ka dhan xuquuqda aadanaha oo isugu jira Dilal, Kufsi iyo jidhdil. Waxana ay sheegeen in jidhdilka loo geystay Shaqsiyaadka caanka ah loo adeegsaday koronto.

Maxkamada Ambiilka ee Gobolka Virginia ayaa sheegtay in ay Mr.Samatar ka dhagaysan doonto dacwadaha lagu soo eedeeyey ayna u ogolaan doonto in u is difaaco oo u ka hadlo eedeymahaas loo soo jeediyey.

Dacwadan ayaa si toos ah Maxkamada uga furmi doonta horaanta sanadka Soo socda 2010, waxaana la filayaa in ay socoto illaa Bisha June ee sanadka 2010.

Waxaana aan la ogeyn in ay maxkamadu goobjoog ka ahaan doonaan dadka ama kooxaha eedeymaha u soo jeediyey Maxamed Cali Samatar.

Dadka dacwada kusoo oogay ama soo gudbiyey Kiiskan ayaa waxay gaadhayaan 7 ruux.2359_opt

Todobadaan qof ee dacwada soo gudbiyey ayaa magacyadooda intooda badan aan la shaacin, marka laga reebo labo qof oo la kala yidhaahdo CabdiCasis Diriye, Baashe Cabdi Yusuf, halka shanta kale ee qof oo uu ku jiro Hal Sarkaal oo ka tirsanaan jiray Dowladii hore aan magacyadooda lagu shaacin qoraalka Maxkamada kasoo baxay.

General Maxamed Cali Samatar waxaa u dawladii kala Taliska ahayd ee Siyaad Barre ka ahaa 1980 ila iyo 1987 Wasiirka difaaca, wuxuuna sanadihi 1987 ila iyo 1990 ahaa Ra’isulwasaare .

No comments:

Post a Comment