Thursday 1 October 2009

DAGAAL FARAHA LOOGA GUBTAY OO KA SOCDA KISMAAYO IYO AXMED MADOOBE OO DAGAALKA LOOGA BAXAY

DAGAAL FARAHA LOOGA GUBTAY OO KA SOCDA KISMAAYO IYO AXMED MADOOBE OO DAGAALKA LOOGA BAXAY

breakingnews_optWarar dheeri ah ayaa wali ka soo baxaya dagaal faraha looga gubtay oo waabarigii saaka ka qarxay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, kaasoo ilaa muddo 5-saacadood oo xiriir socda.

Xoogag kala taabacsan Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ku loolamaya gacan ku heynta magaalada Kheyraadka badan leh ee Kismaayo oo maalmahan ay isku hayeen maamulkeeda.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno dagaalka ayaa ah mid wali ay ku gacan sareeyaan Xoogaga Alshabaab oo inta badan qabsaday Magaalada, waxaana dagaalka uu ka socdaa hal jiho oo magaalada ka mid ah.

Ciidamada uu wato Sheekh Axmed Islaan ayaa dagaalka ku keli-noqday kadib markii ay uga baxeen dhinacyadii kale ee la safnaa, kuwaasoo markii uu dagaalka qaraaraaday Magaalada isaga baxay.

Dagaalka ayaa hada u dhaxeeya Ciidamada Axmed Islaan oo loo yaqaan Axmed Madoobe iyo kuwa Alshabaab ee magaalada doonaya inay awood ku qabsadaan, kadib markii ay wax xal ku imaan weyday wada hadaladii socotay.

Maleeshiyaadkii daacada u ahaa Sheekh Xasan Turki ee ka tirsanaa Mucaskarka Raaskambooni ayaa la sheegay inay dagaalka uga baxeen Axmed Madoobe oo ay isku fikir ka ahaayeen arrinta Kismaayo.

Wariyeyaasha ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in Shabaab dagaalka guulo badan ka soo hoysay, inkastoo aanu si rasmi dagaalka u soo afjarmin hase ahaatee la filayo in goor dhow lagu kala baxo.

Dagaalka ayaa ka socda dhinaca waqooyi ee magaalada gaar ahaa Xaafadaha Calanley, VIA Afmadow, K2, iyo Aargada.

Qaar ka mid ah Ciidamada Axmed Islaan ayaa isu dhiibay Shabaabka, kadib markii lagu hareereeyay dhismo ay difaac kaga jireen, waxaana jira gurmadyo u sahlay Alshabaab in magaalada qeybo badan ka qabsadaan kuwaasoo ka yimid deegaanada Jamaame iyo Jilib.

Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha rasmiga ee dagaalku sababay ha yeeshee labada dhinac ayaa waxaa jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaartay taasoo la heyn tiro rasmi ah.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

No comments:

Post a Comment