Friday 6 November 2009

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA IYO 7 MAYORo XILDHIBAANO ISUGU JIRA OO LA KULAMAY ARDAYDA SOMALILAND EE UGANDA

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA IYO 7 MAYORo XILDHIBAANO ISUGU JIRA OO LA KULAMAY ARDAYDA SOMALILAND EE UGANDA

Wasiirka Arimaha Gudaha & 7 Maayar oo la Kulmay Ardayda Somaliland ee Uganda

Wefti balaadhan oo ah kii noociisa ugu sareeyey oo uu horkacayo wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Cabdilahi Ismaaciil Cali ( Cabdilaahi Ciro) ayna weheliyaana 7 maayor iyo agasimaha guud ee wasaarada arimaha gudahu ayaa kulan weyn la yeeshay ardayda Somaliland ee wax ka barata dhamaan jaamacadaha dalkani Uganda. Xafladani oo si heer sare ah ay u soo agaasimeen , unna martiqaadeen ururka ardayda Somaliland ee Uganda, ayaa ka qabsoomtay hoolka shirarka ee jaamacada Kampala International Univerisity.

Hoolka shirarka ayaa ahaa mid ay tiro dhaafiyeen ardayda ka kala timid jaamacadaha kala duwan ee dalkani . Wejiyada ardayda ayaa si weyn looga dheehan karayey farxada iyo qiirada soo dhawanta wefdiga. Ardayda ayaa sacab aad u balaadhan la oogsaday markay iridda hore ee hoolka ay ka soo galeen weftigu.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaciil Ciro wuxuu uga horayan u mahadceliyey martiqaadka ay ururka ardayda Somaliland ee wax kabarata Ugandi ay u fidiyeen. Wuxuu ku amaanay guud ahaan ardayda firficoonada ay muujiyeen. Wuxuu Wasiirku ka warbixiyey xaalada guud ee dalka marayo, wacyiga lagu jiro ee heerka amniga ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay inay la kulmi doonaan inta ay joogaan Uganda Wasiirka dawladaha hoose, Wasiirka Amniga , Taliyaha Guud ee ciidanka bilayska iyo Maayorka magaalada Kampala. Wuxuu wasiirku tilmaamay isagoo daba jooga cabashadii ardayda ee ka haystay baasoorka Somaliland oo ardayda qaar ku yimaadeen dalkani Uganda sidiii ay xukuumadiisu ugu fududayn lahayd. Wuxuu wasiirku ka balan qaaday inta dalka uu joogo inuu kala hadli doono madaxda qaabilsan laanta socdaalka sidii ay fiiro gaar ah ugu yeelan lahaayeen ardayda somaliland , uguna fududayn lahaayeen sidii loo siin lahaa dalku jooga ardaynimo.

Dhinaca kale wasiirku wuxuu ardayda ku booriyey sidii ay cilmiga ay bartaan ugula soo noqon lahaayeen dalka iyo dadkooga si ay ugu anfacaan. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida weyn ee loo qabo sidii ay ardaydu isugu xidhnaan lahayd, una baran lahaayeen maadooyin kala duwan. Sidoo kale isna waxaa halkaasi ereyo waano iyo dardaaran ah ka jeediyey maayorka Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo ardayda uga waramay intu Moyerka ah wixi uu dalka u qabtay gaar ahaan marka uu safarada debda u baxo oo uu dadk kale baro Somaliland waxa kale Md Jiciir ardadya u sheegay inay dawladu hada gacanta ku hayso sidii loo xadidi laha shaqaalaha ajaanibka ah ee aan loo baahnayn,

Wax iusaguna hadalka qaatay Duqa Magaalada Burco Maxmauud Axmed Xasan (Dhago-laab) oo araday kula dar daarmay inay ka faaidaystan wakhtigoodan qaaliga ah,

Duqa Magaalada Berbera Mr Cabdalla Maxamed Carab (San dheere) oo isna Madasha ka hadlay ayaa ardayada kula dar darmay in aanay aqoontoda dalka kala tahriibin ee wxii dalku gashaday ay dib ugu celiyaan

C/raxmaan Shide Bile oo ah Duqa Magaalada Borama ayaa isna sidoo kale ardayda la dardaarmay. Waxa kale oo iyaguna talooyin iyo dardaaran ardayada siiyay Duqa Magaalada Oodweyne. Duqa Magaalada Sheekh iyo Xildhibaan Iimaan oo ka tirsan Golaha Deeganka Ceerigabo isla markaan ah Xildhiibanka ugu da’yar Golaha Degenaka Ceerigabo . Wuxuu u sheegay inuu xidhiidhin doono ururka kulmiya dawladaha hoose iyo ururka ardayda. Xafladu waxay ku soo gebogabowday jawi farxadeed.

UGANDHA MEXED

Xasan Miisaan

Afhayeenka Ururka Ardayda Somaliland ee Uganda

No comments:

Post a Comment