Sunday 1 November 2009

BOLICEKA MAGAALADA BURCO OO ISKU DAYEY IN AY MASAAJID KA QABTAAN WADAAD AY KU TUHMEEN IN YAHAY ALSHABAAB

BOLICEKA MAGAALADA BURCO OO ISKU DAYEY IN AY MASAAJID KA QABTAAN WADAAD AY KU TUHMEEN IN YAHAY ALSHABAAB

Booliska Burco ayaa maanta fuliyey hawl-gal ballaadhan oo ay ku qabanayeen Nin wadaad ah oo la sheegay inu ka tirsanyahay kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta soomaliya,

Hawl-galkan ayay Bilaysku fuliyeen wakhti uu wadaadkani ka soo baxayay masaajid ku yaala Badhtamaha Burco Gaar ahaan TELESOM Area.

Ninkan oo la yidhaa Siciid Axmed Jaar ayaa wuxu madax ka yahay shirkadda isgaadhsiinta ee AFRO ONLINE, hadaba waxa hawl galkaasi ay ciidanka Bilaysku Fuliyeen ku dhaawacmay laba nin Oo mid ka mid ah ay walaalo ahaayeen ninkan la qabanayey ee la tuhunsanaa, Ninka la dhaawacay ee ay walaalaha ahaayeen wadaadka la tuhunsanyahay ayaa la yidhaa Ismaciil Axmed Jaar, sido kale waxa dhaawac kale soo gaadhay Najax aw-maxamed Warsame.

Ninkan ayaa markii la qabanayey ku tukanayay salaada Duhur masajidka Raxma, iyadoo ciidanka bilayska ah ee qabanayey wadaadkani ay ku sugayeen bannaanka intii salaada ka soo baxayey ninku, iyadoo la moodayay in uu hore warar uga hayay in la daydayo, wuxuuna sii diyaarsaday ciidan difaaca haddiiba lagu talo galo in la qabto,waxaana markii salaada laga soo baxay uu ka soo baxay albaabka wadaadkii la doonayay iyadoo markii ay is yidhaahdeen qabta uu ka galay Guri ka ag dhowaa masaajidka iyagoo Ciidamadii Bilayska ahaana la kulmeen iska caabin xoog leh halkaana ay rasaas kooban isku waydaarsadeen Bilayska iyo koxdii difaacaysay wadaadka.

Hadaba waxa ku soo xoomay goobtii hawl-galku ka socday Dad weyne aad u tiro badan, booliska ayaa si ay u kala eryaan dadkaas rasaas ooda kaga qaaday shacabkii, waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay labadaas nin.

Hadaba markii ay sii korodhay rabshadihii meesha ka jiray, ayaa G/ku xigeenka Togdheer Guleed Daahir Samatar amar ku bixiyay in boolisku meesha ka baxaan si aanay meesha rabshad kale uga sii qarxin.

Ugu danbayntii Hawlgalkii Boolisku ku qabanyeen wadaadkan la Tuhunsanyahay ayaa ku dhammaaday Natiijo la’aan iyadoo wadaadkii la raadinayayna aan Gacanta lagu dhigin.

Mustafe Osman A/rahman

Togaherer Burco Somaliland

mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment