Tuesday 10 November 2009

CIIDAMADA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY BURCAD BADEED AY QABTEEN IYO QALABKOODII.(SAWIRO)

CIIDAMADA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY BURCAD BADEED AY QABTEEN IYO QALABKOODII.(SAWIRO)

Taliska Ciidanka gobolka Bari ayaa maanta soo bandhigay agab ay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida isticmaalaan marki ay weeraro ku qaadayaan maraakiibta goosheeya Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Cismaan Xassan Cawke “Afdaloow” ayaa Saxaafada u soo bandhigay qalab ay dhowaan soo qabqabteen Ciidanka amaanka ee Magaalada Bosaaso kuwaas oo ay ka soo qabteen rag ay ku eedeyeen in ay ahaayeen Burcad Badeed damacsanaa in ay weerar qaadaan oo ay ka baxaan meel u dhow xeebaha Bosaaso.

Agabkaas ayaa lagu soo bandhigay dekada Magaalada Bosaaso,waxaana ay isugu jireen hubka noocyadiisa kala duwan iyado ay ku weheliyeen Matoorada kala duwan ee laashahka iyo caagado fara badan oo ay ku jireen shidaal.

Intaa ka dib Taliyaha ayaa Shir Jira’id gudaha dekada Magaalada Bosaaso ugu qabtay Saxaafada,wuxuuna sheegay in ay caalamka tusayaan in Dowlada Puntland ay qabqabato Burcad Badeeda ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo agabkooda,iyadoo u tibaaxay marki la qabto ay maxkamadeyaan.

Waxaana Shirka Jira’id ka dib Saxaafada la geeyey Xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku xiranyihin maxaabiis kala duwan kuwaas oo loo soo qab qabtay falal kala duwan oo ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo hareeraha gobolka Bari.

Waxaana u Taliyuhu u si gaar ah u tusay saxaafada Burcad Badeedi ay soo qab qabteen Ciidanka amaanka ee Bosaaso iyo kuwa ay soo qabteen Ciidanka Badda ee Faransiiska oo ku soo wareejiyey Dowlada Puntland.

Raga lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed ayaa waxaa u Taliyuhu sheegay in ay xeebaha Soomaaliya ka geysan rabeen fal afduub ah oo ay qafaalan rabeen maraakiibta goosheeya halkaas.

Waxaana saxaafada loo ogolaaday in ay waraysteen raga Burcad Badeeda ah lagu eedeyey oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso,waxaana ay saxaafadu weydiisay Su’aalo la xirrira qaabka loo soo qabqabtay,iyo in ay ku jireen falal Burcad Badeednimo marki la qabanaayay.

C/risaaq Cali waxaa u ka mid yahay raga lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed oo rabay in ay qafaashaan Maraakiibta goosheeya xeebaha Soomaaliya,wuxuuna uu saxaafada u sheegay in Ciidanka Badda ee Faransiiska ay qabteen xilli u rabay in u qafaasho markab goosheeyey meel u dhow Xeebaha Soomaaliya.

Bandhigistaan Qalabkaan ay soo bandhigeen Taliska Ciidanka Booliska gobolka Bari ayaa waxaa ujeedkiisa ahaa in Beesha Caalamka la tuso in Dowlada Puntland ay qab qabato Burcad Badeeda Soomaalida,iyadoo marki hore lagu eedeyey in aysan wax ka qabanin kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka duula xeebaha qaar ka mid ah degaanada Puntland.

Dhowaan ayay ahayd marki Saraakil ka socota Gaashanbuurta NATO ay duleedka dekada Magaalada Bosaaso kula kulmeen Saraakil ka socotay Dowlada Puntland,waxaana ay ka wada hadleen ayna ku heshiyeen in ay isaga kaashadaan howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

hub budhcad la qabtay

Bashe Maxamed

No comments:

Post a Comment