Friday 6 November 2009

SHIR GUDOONKA WAKIILADA IYO XUKUUMADA OO AFKA KA XIDHAY SHIRKA XILDHIBANADU KA QAYB GALEEN JABUUTI

SHIR GUDOONKA WAKIILADA IYO XUKUUMADA OO AFKA KA XIDHAY SHIRKA XILDHIBANADU KA QAYB GALEEN JABUUTI

Shirguddoonada Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo Afka ka xidhay Shirka Xildhibaanadu kaga qaybgaleen Jabuuti

-Weftiga Soomaaliya waxa hogaaminaysa Wasiirka Caafimaadka dawladda Sh. Shariif

Shirguddoonada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland iyo Xukuumadda, ayaa afka ka xidhay ka hadalka Mudaneyaal dalka Jabuuti kaga qaybgalay shir lagu casuumay weftiyo heer Wasiir iyo Baarlamaan ah oo ka kala yimi Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxay badhtamihii sannadkan ka baaqsatay ka qaybgalka shir guddi-hoosaadka aqalka Senate-ka Maraykanka u qaabilsan Afrika ku martiqaaday Somaliland, Puntland iyo dawladda TFG ee Soomaaliya oo Somaliland gaarkeeda martiqaadka loogu fidiyay, taasoo ay ku sababaysay in aanay shir la fadhiisanaynin weftiyo ka socda dhinacyadaas, isla markaana waxay ka qaybgalka shirarka noocaas ah ku tilmaantay

khiyaamo qaran.

Inkastoo xubno laga casuumay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo ka qaybgalayay shirkaa Jabuuti oo la xidhiidha sidii Sharci loogu samayn lahaa dadka Soomaaliyeed ee la nool xanuunka HIV/AIDS ay ku kala qaybsameen, isla markaana xubno ka mid ahi ka hadheen, haddana waxa gelinkii dambe ee Axaddii todobaadkan Madaarka Hargeysa ka dhoofay Mudaneyaal ka tirsan labada gole oo ka qaybgalay shirkaa, kuwaasoo qaar ka mid ahi ku andacoodeen inay magaca Somaliland kaga qaybgalayaan.

Weftiga ka socda dhinaca Soomaaliya ee ka qaybgalay shirkaas, waxa hogaaminaysa Wasiirka Caafimaadka ee dawladda Sh. Shariif Sh. Axmed oo lagu magacaabo Qamar Aadam Cali, waxaana weftigeeda ka mid ah soddomeeyo xubnood oo Baarlamaanka TFG ka tirsan. Sidoo kale, waxa ka qaybgalay Mudaneyaal metelaya Baarlamaanka maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.

Ka qaybgalka shirkaas ee Mudaneyaasha Somaliland oo dareemo kala duwan laga bixiyay, waxa aan ilaa hadda ka hadal Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, Shirguddoonada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Axsaabta siyaasadda.
Inkastoo Guddiyada Joogtada ah ee Guurtida iyo Wakiiladu ka hadleen arrintaas, isla markaana ku hanjabeen in talaabo laga qaadi doono Mudaneyaasha ka qaybgalay, haddana ilaa hadda ma cadda sababta dhinacyadaasi uga muquurteen ka-hadalka arrintan. Hase ahaatee, mar aanu isku daynay in aanu Shirguddoonka Wakiilada wax ka waydiino, noomay suurtogelin in aanu helo

No comments:

Post a Comment