Saturday 7 November 2009

100 QOF EE ADUUNKA UGU SAAMAYNTA BADNAA TARIIKHDA DUNIDA

100 QOF EE ADUUNKA UGU SAAMAYNTA BADNAA TARIIKHDA DUNIDA

100-ka qof ee ugu saamaynta badan Taariikhda dunida

“Qaybo ka mid ah buug xiiso badan oo uu qoray Michael H.Hart’’ Q.1aad


Qalinkii: Farhan Mahamed Eggeh

Waxa KOW ka ah NABI MUXAMED (CSW)!!!

Sida ay tilmaaman Taariikhyahanada dunida badh badan oo ka mid ah in casir kasta oo aad nooshahay waxa agagaarkaaga ka dhacayaa ( tariikhdan maant) in ay la mid tahay bog ka mid ah bogagii tariikhdii adiga kaa horaysay, oo ay kaliya tahay buugii oo dib loo daabacay.

Taas macaneed waxa weeyee in ay dunida soo mareen waxa badan oo ka mid ah waxa ka dhacay hada dunida muslimiinta, sidaas dareed dadka tariikhda dunida faaleeya ay tilmaamaya in dadkii dunida kaga tagay raad aan ilaa iyo hada go’in ay suurta gal tahay inay soo maraan dad u dhigma dadkaas oo leh sifooyinkii ay ku gaadheen inay ku mutaystaan in ay ka mid noqdaan 100-ka qof ee dunida ugu samaaynta badanaa, waayo bay leeyihiin waxa ay sugaanta caalimga qaybeheeda dahabiga ahi timaaman in aanay waxa kale qaban dadkan guulaystay ee kaliya ay u qaybtaan si kale duwan arimah, waa xikmada tidhaa “ winners don’t do different things, but they do things differently”.

Hadaba waxaa milicisan doonaa buuga uu qoray qoraaga caanka ee Micheal H.Hart, oo ah qoraa reer galbeed ah kaas oo si wayn looga dhagaysto dunida reer galbeedka, hart buugiisan waxa ku jira dad badan oo diimo kale duwan aaminsanaa, liiskan oo aan ku sheegi doon qaybaha hoose ee maqaalkan, ayaan ugu horayn is waydiin doonaa waa kuma Michal hart?.

“ Micheal hart waa yuhuudi American ah oo ku xeel dheer cilmiga barshada isku dhiska walxeed ee dayax iyo xidigaha (the scientific study of the physical and chemical structure of the stars, planets), Michael hart oo ah qoraa caan ah oo dunida laga yaqaan kaas oo qoray buugaag badan oo taariikh ah iyo maqaal badan oo kale duwan kaas oo uu ku qoray jariirado caalimi ah, M.Hart oo isku tilamaamay inuu qadirani iyo ixtiraamba siiyo fikradaha dadka kale duwan sida dhaqanadooda, fikaradahoodu kuwasoo oo aaminasan waxa ka duwan mabadiida uu aaminasanyahay micheal hart (Jeffersonian liberal), halka dadka dhacaleecyaan ay ku tilmaaman conservative iyo separatist. Micheal hart waxa uu ka qalin jabiyay machadka sayniska ee BRONX HIGH SCHOOL OF SCIENCE, hart waxa uu ka qaatay degree cornell university xaga xisaabaad ka, halka uu mar danban ku diyaaray shahaada sare ee PH.D. Hart waxa cilmiga barshada isku dhiska walxa ee dayax iyo xidigaha (astrophysics) ku qaatay jamaacada Princeton University, hart sidoo kale waxa uu haystaa degree madooyinka physics, astronomy iyo computer science. Hart waxa kale oo uu ahaa cilmi baadhe ka tirsan hayada NASA intii aanuu noqon professor bixiya maadada physics jamaacada Trinity University ee ku taala San Antonio, gobolka Texas ee wadanka markanyka. Hart waxa kale oo uu waxa ka dhigay Anne Arundel Community College ee gobolka Maryland.

Buugiisii ugu horeeyay ee uu qoray micheal har oo aha kan aan in yar ka soo qaadan doono waa buug saamayn badan dunida ku yeeshay waxa uu kaga hadalyaa oo liis garaynayaa 100-kii qof ee dunida ugu samaaynta badaan ee soo mara tariikhda dunida, buugan oo laga samyeeyay in ka badan 500,000 kun oo copy, laguna turjumay in ka badan 15 luuqadoo. Hart buugiisa sadexaad oo isna layidhaa A View from the Year 3000, kaas oo uu kaga hadalaya taariikhda dunida iyo siday noqodoonta sanadka 3000, yaa saamayn yeelan doona iyo sida ay noqodoonto aqoonta cilmiga technologa marka laga gaadho sanadkaas.

Hart buugiisa afraad oo isna ka hadlay fahmaka tariikhda aadamaha (Understanding Human History) kaas oo uu kasoo bilaabay 100,000 sandood ka hor tariikhda maanta, buugan oo uu ku jira falqayn xaga walba ha sida dhanka hormarka, qayba xiisa badan ee uu ku jira waxaa ka mida kala duwanaasha xaga fahamka ee dad kala aragitda duwan leeyihiin iyo saamaynta ay ku reebtay taariikhdooda dunida.

Isku soo wada duuboo hart waa qoraa aad looga dagaysto dhinca reer galbeedka marka laga hadlayo xaga taariikda.”

Sidaas daraadeed waxaan bal eegi doonaa micheal hart sida uu dhigay dadka dunida samaaynta badan ku yeeshay. Ugu horayn buugan la magac baxay (The 100: A Ranking of the Most Influential Persons in human History) oo ah boqolkii qof ee dunida ugu samaaynta badan oo raadka ay ka tageen uu ilaa maanta taagan yahay, buugan oo version-kiis u horeeyay soo baxay 1978, mar labaadan waxaa dib loo daabacay sanadkii 1992 taas oo waxa uun ka badalnaa kii ka horeeyay.

Hart waxa uu soo qaadanayaa dad kale duwan iyo sababta uu ku doortay iyadoo uu falaqayn gaar ah mid walba ku samaynay iyo waxa uu soo kordhiyay qof kani iyo liiska halka uu qalmo. Hadaba waxa ka yaabayay in badan akhristaayasha reer galbeedka waa qofka ugu horeeyay ee kaalinta kowaad uu soo dhigay ninka buuga qoray, balse waxaa doodiisa diibtay qoraaga buuga oo qiray raad taariikheed uu meel uu ka dhaaf waayay, micheal hart waxa uu ku bilaabay liiskii sida tan.

1. NABI MUXAMED (CSW)

“ waxa laga yaaba doorasha aan doortay Nabi MUXAMED (CSW) inuu hogaamiyo liiska 100-ka qof ee ugu samaayna badan dunida inay ka yaabiso dadka qaar, halka qaar kalan ay suaal galiyaan lakiin waxa uu ahaa qofkii kaliya ee tariikhada sida wayn ugu guulaystay xag kasta ha ahaato mid diineed iyo mid maadiba.

Micheal hart isaga oo ka hadlaya saamaynta uu ku yeeshay dunida nabi Muxamed (CSW) ayaa waxa uu tilmaamayaa inuu aasaasay oo dhibada u taagay mid ka mid diinama dunida ugu wayn bale ay tahay ta ugu fidisita badan dunida oo dhan, hart waxa uu yidhi,

“Nabi muxumed (CSW) waxa uu aasasay mid ka mid diimaha dunida ugu wayn, waxa kaloo uu noqodoy hogaamiye si wayn ugu guulaystay xag siyaasada, maanta oo laga joogo 14 qarni geeridiisii, hadan wali waxa jira samaayn aad u xoog badan oo uu ku leeyahay dunida, marka loo eego diimaha kale oo dhan, islaamku waxaa diin ugu samaaynta badan dunida marka laga hadalaayo dadka rumaysan, sidoo kale waa diinta ugu fiditaanka badan. Sidaas daraad waxaa qabaa inuu ahaa qofkii ugu samaynta badanaa ee taariikhda dunida soo mara.

2. Isaac Newton: Hart waxa uu qofka labaad u doortay Isaac newton, newton waa sayanisyahan engiriis ah oo ku xeel dheer cilmiga physics-ka waxaa uu soo saaray xeerka cuf is jiidadka (universal gravitational force). Iyo sadaxda xeer ee motion-ka (three laws of motion), sida ay tilmaantay cilmi baadhis (survey) ay sameeyan saynisyahada iyo Britians royal society ayaa newton noqoday saynisyahanka ugu saamaynta badan dunida, iyagoo is waydiiyay yaa samayn badan newton iyo albert Einstein.

3. JESES CHRIST (NABI CIISE CSW) Hart waxa uu kalinta sadexaad u doortay nabi ciise (cs) isagoo dood far badan ay ka dhalatay lakiin hart ay sababeeyay sababta uu ugu doortay kaalintan.

Hadaba bal aan eegno liiska oo dhamayasiran.

Rank

Name/Magaca

Influence/raadka uu reebay iyo waxa uu soo kordhiyay

1Nabi Muxamed (CSW)رسول الله صلّى الله عليه وسلّم
2Isaac Newtonphysicist; waxa uu soo saaray xeerka cuf is jiidadka iyo sadexda xeer oo socodk ah (motion)
3Jesus Christ *Nabi ciise (CS)
4BuddhaAassasah diinta buddhism ka taas oo dad badani aaminasayihin
5ConfuciusAassasah diinta Confucianism taas oo dad badani aaminasayihin
6St. PaulWaa ninkii hirgaliyay Christianity
7Ts’ai LunWaa ninkii Soo saaray warqada, dadka qoraalka adeegasada ayaa in badan xasuusan raad ka uu reebay.
8Johann GutenbergWaxa uu soo saaray aalada waxa lagu daabaco ee movable –ka ah; or printed Bibles
9Christopher ColumbusWaa badamareenkii calamiga ahaa ee daah furay qaarad american
10Albert EinsteinWaa saynis yahankii ugu waynaa ee soo mara qarniga 20aad sidoo kale waa physicist soo saaray xeerka relativity; or Einsteinium physics
11Louis Pasteurscientist; pasteurization
12Galileo GalileiWaa astronomer; waxa uu si quman u sharxay heliocentric solar system
13AristotleWaa saynisyahan am philosopher u dhashay wadanka Greek.

Lasoco Q.2aad waxaa ku jira saxaabigii waynaa ee CUMAR BIN KHADAAB (RC) iyo dad kale oo aad u xiiso badan.insha allah

By: Farhan Mahamed Eggeh Farxaan42@hotmail.com;

1 comment: