Monday 9 November 2009

SHALAY IYO MAANTA :MAHADHOOYINKA SIYAASADEED IYO WEEDHAHA TIS-QAADAY EE GUDOOMIYAHA UCID KA JEEDIYAY MASRAXA SIYASADA

SHALAY IYO MAANTA :MAHADHOOYINKA SIYAASADEED IYO WEEDHAHA TIS-QAADAY EE GUDOOMIYAHA UCID KA JEEDIYAY MASRAXA SIYASADA

faysal faarxShalay Iyo Maanta: Mahadhooyinka Siyaasadeed Iyo Weedhaha Tis-Qaaday Ee Gudoomiyaha Ucid Ka Jeediyey Masraxa Siyaasada

Qormadeedan maanta oo aanu ku gorfayn doono weeshaha siyaasiyiinta waxaynu ku so qadan doonaa weedhaha uu gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe wakhtiyo kala duwan kasoo jeediyey fagaarayaasha iyo masraxyada siyaasada oo aanu daraasad ku soo samaynay kalmadaha siyaasadeed ee ku jiray khudbado uu ka jeediyay shirsaxaafadeed, xog-waraysiyo, munaasabado.Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay 5 May 2003 oo ahayd xilligii komishanka doorashooyinku ay ku dhawaaqeen natiijadii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 14 April 2003-dii, ayaa waxa uu yidhi 1“ninkii kursi doonayoow kursigii nin baa helay ninkii Somaliland doonayoowna Somaliland way jirtaa.

Waxa kale oo uu yidhi 2 “rag badan oo markii Cigaal joogay siyaasada ka fadhiistay oo dalka ka haajiray ayaa markii uu geeriyooday marxuum Cigaal hunguri siyaasadeed kursiga ka galay.

3“Rayaale iyo Axmed Siilaanyo midkoodna sakaaro kama soo daban sheedaha Hargeysa.

4”Kulmiye iyo Udub waa xukuumadii madaxweyne Cigaal oo is faeeraariyey anagase naguma jiraan shakhsiyaad wasiiro ka soo noqday.

5. Madaxweyne Rayaale wuxuu yaqaanaa sida diyaaradaha loo raaco loona soo raaco wax uu ka soo kordhiyaana safaradiisa ma jiraan,

6. Anaga caruuraha yar-yar ayaa ku hadaaqa markaan xaafadaha dhex maraayo ra’iisal mustaqbal, insha Allaahu tacaalaana anagaa doorashada ku guulaysanayna.

7. Aduunka laguma arag 82 gole oo wada Udub ah, xaaji Cabdi oo ugu weyn yaa u doortay inuu Udub ka mid noqdo.

8. Golaha wakiilada doorashadoodii way naga khasaariyeen oo waxa ku jira xildhibaano hadal badnaanta u haysta raganimo.

9. Gudoomiyaha wakiiladu hadaanu siyaasadaq xisbigiisa ku shaqaynayn laguma tartameen jagaasi uu xisbiga Ucid ku guulaystay, sidaa darteed dhexdhexaad ma noqon karo.

10. labadii qaybood ee golaha guurtidu ugu kala qaybsamay qoladii kordhisay iyo qoladii ka codaysay waxay kala ahaayeen qolo inqilaab waday iyo qolo kordhin aan la isku ogayn iska kordhiyey.

11. inanka Hargeysa ku dhashay ka Xamar ku dhashay waxa ka xiga inanka Adisababa u dhashay.

12. Xisbigayaga nin jaad cunaa kama mid noqonayo.

13. Kulmiyaanu ka so baxnayoo Udub baanu ku biirnay Cali Guray baa nagu soo biiray cod lagu heli maayo.

14. Kooxdaa naga baxday waa kuwo saar qabiil qaaday.

15. Marwada madaxweynuhu lacagta ay ku caawisay Cisbitaalka Gabiley xagay ka keentay miyaanay hanti qaran ahayn.

16.waxaan dalka imaaaraadka carabta ku soo arkay dhismayaal uu madaxweyne Rayaale hantidii qaranka kaga iibsaday.

17. anagu Axmed Siilaanyo iyo madaxweyne Rayaale oo aanu ku tartamayno doorashada madaxtooyada waxaan kaga nasiib badanahay nin Hargeysi iska dhex dhashay baan ahay oo lacag iyo qaad anigu codkooda ma iibsado.

18 Kulmiye iyo Udub baa lagu soo biiray xigmad siyaasadeed kuma jirto waa in barnaamij siyaasadeed axsaabtu ummada uso bandhigto.

19. ma jiro meel aanu Kulmiye kaga heshiinay in xukuumad kumeelgaadha lasoo dhiso oo ay madax ka yihiinlabad gudomiye ee labada gole baarlamaan, cida loo dhiibayaa waxay taladeedu taalaa ummada

20. madaxweyne Rayaale waxkasta oo la wada leeyahay waxa uu iska jecel yahay inuu yidhaahdo anigaa iska leh.

21. reer Booramow marka aanu dhaliilayno madaxweyne Rayaale ha u qaadanina in reer Awdal loo jeedo oo la neceb yahay

22. dariiqan yare e idin cadibay ee 28 km ah ee Rayaale idiin samayn kari waayay insha Allaahu tacaalaa Ucid baa idiin samayn doonta.

23. Insha Allaahu tacaalaa haddii aan doorkan labaad ku guulaysan waayo dorashada madaxweynaha mar saddexaad isma sharaxayo laakiinse gudoomiyaha xisbiga wareejin maayo

No comments:

Post a Comment