Friday 6 November 2009

GOBOLKA BANAADIR OO DFKM AY U MAGACAABAY MAAMUL CUSUB.

GOBOLKA BANAADIR OO DFKM AY U MAGACAABAY MAAMUL CUSUB.

Wareegto maanta ka soo baxday Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxaa xilka looga qaaday maamulki hore ee Gobolka Banaadir iyadoo la magacaabay mid cusub.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaas oo ahayd mid loogu magacaabayay Maamul Cusub oo maamula Gobolka Banaadir oo hoos taga DFKM ah ee Soomaaliya.

Waxaana ka soo qaybgalay Madax sare oo ka tirsan DFKM ah oo ugu horeeyey Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed,Gudoomiyaha Barlamaanka Sheikh Aadan Maxamed Noor(Madoobe),Kusiimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Kallumaysiga C/raxmaan Xaaji Aadan “IBBI” iyo weliba Xubno ka tirsan DFKM gaar ahaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

Xafladaas ayaa waxaa looga dhawaaqay oo laga magacaabay Maamul cusub oo ay yeelatay Gobolka Banaadir,waxaana Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabay C/risaaq Maxamed Noor oo ku magac dheer “Injineer Nuunow”.

Ka dib dhawaaqistaas ayaa waxaa ka hadlay Xaflada Xubnihi ka tirsanaa Maamulki hore ee Gobolka Banaadir oo ugu horeeyo Gudoomiyihi hore Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur,kaas oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihin in xilka maanta laga qaado ayna la shaqayn doonaan maamulka Cusub,isagoo u rajeeyey maamulka Cusub in ay howsha ay ka si wadi doonaan halka ay iyagu geeyeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Noor ayaa halkaas ka hadlay,waxaana u sheegay in u aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay una waajibkiisa si daacad ah u gudan doono,wuxuuna u mahadceliyey maamulki hore sida xilkasnimada ay u sameyeen xilwareejinta.

Kusiimaha Ra’isulwasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka DFKM ah oo ay halkaas ka hadleen ayaa waxaa ay u mahadceliyeen maamulka cusub ayna u rajeeyeen in ay howshooda qabsan doonaan ayna ka soo bixi doonaan wixi shaqo u yaala.

Ugu dambaynti waxaa xaflada soo xiray Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo halkaas khudbad dheer ka jeediyey oo dheer,waxaana u hambalyo u diray maamulka Cusub isagoo sidoo kale mahad gaar ah xubnihi hore ee Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa u sidoo kale sheegay in ay Dowlada la shaqayn doonto Maamulkaas ayna garab siin doonto.

Magaacabista maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa imaanaysa xilli Magaalada Muqdisho ay ka jirto 3-maamul oo hoos yimaad Ururada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam iyo weliba kan ay DFKM ah maanta magacawday.

Maamulka cusub banaadirMixed

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment