Tuesday 10 November 2009

BURBURKII QARAN ILAA QOYS QAYBTII LIXAAD

BURBURKII QARAN ILAA QOYS QAYBTII LIXAAD

Burburkii Qaran ilaa Qoys:-

Qaybtii 6aad.

(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).

Sababihii keenay burburka:-

Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.

Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,qaar hore ayaan idiinku soo sheegay ,maantana bal kuwan ila eega:-

.

1. Xoriyadii Somalind ee 26 Juun 1960 iyo midowgii Soomaaliya 1July 1960,waxay ahayd qayb ka mid ah sababihii keenay burburka ka dhacay Soomaaliya.Marka la doonayo in ay isku biiraan laba Dowladood waxaa loo baahan yahay in ay jiraan heshiis dhexmaray,waxaa loo baahan yahay in ay jiraan wax lagu heshiiyey sidii la doonaba ha loogu heshiiyee.

Waxaa cadaan ah in 1960 shacabka iyo Siyaasiyiinta Somaliland ay ku degdegeen midowgii ay la midoobeen Soomalida kale.Waxaan marar badan maqlay ragg Siyaasiyiin ah,oo leh “waxaa Somaliland ka yimid dad ay madax martay midnimo Soomaaliyeed,wax shuruud ahna aan wadan” .Waxaan ka maqlay ragg Siyaasiyiin ah oo ku ceebaynaya Somaliland ,sidii fududayd ee ay ugu soo biireen walaalahoodii Soomaalida kale,waana ta keentay burburka ayna maanta aragno.

2. 21 Okt 1960 waxaa dhacay “Afgembi”,waxaa la dilay maalmo ka hor Madaxweynihii dalka ee la soo doortay,waxaa xukunkii lagu qabsaday hab aan hore inoo soo maran “Qori caaradii” amase xoog qofka sida uu u yaqaan.Waxaa laga leexday habkii Dimuqraatiga ahaa ee dalku ku socday.

3. Kacaankii Soomaaliya ka dhashay 21 Oktoobar 1969 ee ay hogaaminayeen kooxdii la odhan jiray “Golihii Sare ee Kacaaanka” wuxuu ahaa maamulkii dhigay aasaaskii burburka Soomaaliya ilaa maanta ka socda .

Kacaankii 21 Okt 1969,wuxuu hormuud ka ahaa arimo aan hore u soo marin Ummadda Soomaaliyeed ,waxaa ugu muhiimsanaa:-

a. Qabyaalada oo gaadhay heerkii ugu sareeyey,xilka,hantida,waxbarashada . derajada,magaca, iyo maamuskuba waxay noqday in lagu helo qabyaalad .

b. Waxaa la xalaalaystay in sidii la doonooba loo daadiyo” dhiiga shacabka,gaar ahaan kan waxgaradka Soomaaliyeed”.Waxaan si gaar ah idiin xasuusin doonaa dhacdooyin ay ka mid yihiin dilkii Saraakiil ciidan 1969,dilkii wadaadada 1975, dagaalkii 1977, xasuuqii 1978 ee gobolada dhexe,Xasuuqii iyo duqayntii Somaliland ee1988, xasuuqii Jsiira ee 1989,xasuuqii Muqdisho ee ilaa maanta socda iwm

c. 1969 Waxaa bilowday “Keli talisnimo,aan la garanayn halka ay ku dambayn doonto iyo weliba,sidii laysaga furfuri lahaaba.

d. Waxaa Kacaankii 21Okt uu dalka keenay “hanti-wadaaga –cilmiga ku dhisan”erayadaas oo aan hore looga aqoon dhulka ay Soomaaalidu ku degto,abuurayna jaahwareer badan.

ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-

Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ,waan idinka sugayaa ee iigu soo dir emailka .

“la soco Q7aad iyo weli sababahii keenay burburka (daadintii iyo xalaaleyntii dhiiga shacabka”

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment