Tuesday 3 November 2009

SHEEKHI LAGU TUHUNSANAA ALSHABAB OO ARRINTIISII MAANTA LA SOO GABOGABEEYEY IYO WIXII LA ISLA QAATAY

SHEEKHI LAGU TUHUNSANAA ALSHABAB OO ARRINTIISII MAANTA LA SOO GABOGABEEYEY IYO WIXII LA ISLA QAATAY

Sheekhi lagu tuhunsanaa AL SHABAB oo arrintiisii maanta la soo Gebo Gebeeyey iyo Wixii la isla qaatay

BURCO: Waxa maanta cafis loo fidiyey isla markaasna raali gelin buuxda lagu siiyey xarunta Gobolka Sh.Siciid Axmed Jaar, isagoo lagu tuhusnaa inu xidhiidh la leeyahay ALSHABAB, sheekha oo dacwadiisa iyo gartiisuba ay ka dhacday Xarunta Gobolka ayaa waxa arrinka dhameeyey maamulka Gobolka iyo culimo udiinka iyo weliba salaadiin, sidoo kale waxa arrinka ka qaybqaatay odayaasha beesha wadaadka, waxaana kulankii maanta lagu qaatay xarunta Gobolku uu ku dhammaaday in la iska ilaawo wixii hore u dhacay iyo in sheekha uu ka mid yahay culimo udiinka gobolka wax xidhiidh ahna aanu la lahayn kooxaha lagu tuhmay isagoo dammaanad qaaday wixii ka soo noqda ama lagu tuhmo sheekha suldaanka Guud ee beesha suldaan cisman, waxa loo diiday sheekhu inu wax hadal ah ka jeediyo kulanka, waxana madasha furay Guled dahir samatar oo ah badhasab xigeenka Gobolka wuxuuna u sharraxay Guddomiyaha Gobolka Jamac C/laahi Biin wixii dhacay isagoo Guddomiyuhu ku maqnaa Hargaysa markii falkani dhacayay, waxana markii danbe hadal kooban jeediyey Guddomiyaha gobolka isagoo sheegay in arrin xun ay ahayd wixii ka dhacay Dorraad Burco, in badanna lagu xantay, isagoo sheegay in sheekhu ay ahayd inaanu sidaas yeelin maadama uu ka mid yahay wadaadada magaalada iyo weliba ganacsatada yahayna nin macruuf ah oo la yaqaan ee ay ahayd inuu ciidanka si dhib yar u raaco ama uu isaguba saldhiga iska sii tago si u ogaado danbiga loo haysto, hadaba wuxu sheegay inay Guri so wada seexan jireen kuna soo wada koreen sheekha isla markaasna aanu la rabin wax isaga sharaftiisa wax u dhinayalaguna samayn lahayn.

hadaba waxa hadal kooban jeediyey suldaan cisman suldan cali madar oo sheegay in la dhowro oo la tix geliyo culmada isla markaasna aan la u gaadhsaan cidii wadaad ah ba, dawladdana ku booriyey inay aad uga fiirsadan markay taalaaboyin qaadayan.

ugu danbayn waxa lagu soo kal dareeray in sheekhu imminka laga bilaabo uu xor yahay Tuhunna aanu kaaga jirin dawladda, isaguna imminka wixii ka danbeeya odaynimo sameeyo oo dawladda xidhiidh la sameeyo mar walbana la iska war hayo maadama uu sheekhu yahay ganacsade ah maamulaha shirkadda isgaadhsiinta ee AFRO ONLINE.

Mustafe Osman A/rahman
Burao Somalilnd
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment