Friday 6 November 2009

Soomaalida ka Imanaysa Dibadaha iyo Guurka Gabdhaha Hindida: W/Qoray, Abshir Maxamed

Soomaalida ka Imanaysa Dibadaha iyo Guurka Gabdhaha Hindida: W/Qoray, Abshir Maxamed

Soomaalida ka Imanaysa Dibadaha iyo Guurka Gabdhaha Hindida: W/Qoray, Abshir Maxamed Harir(DHUUNYAR)EMAIL:abshirmx22@hotmail.com

Hyderabad, India

Qaybtii Kowaad:

Dhowaanahan ayaa waxaa dalkan ku soo badanaya raga somaaliyed ee doonaya guurka gabdhaha Hindida ah iyagoo raga badanaa ay ka imanayaan dalalka Maraykanka iyo Yurub sida England iyo Sweden, wadamada Afrika ayaan iyagana ka harin oo South Afrika ayaa soo raacda.

Hadaba u kuur gelid iyo xog uruurin badan oo aan u galay arrintaas ayaa waxaa ugu dambayntii aan soo diyaariyay warkan aan u malaynayo inuu taabanayo meelaha ugu muhiimsan ee uu is waydiin karo aqristaha Qoraalkan.

Qiyaastii ayaa bil kasta waxaa halkan yimaada ilaa 5 ama 6 Nin oo Somali Guur doon ah kana imanaya wadamadaas aan kor ku soo xusnay haba ugu badnaadeene wadamada US iyo UK. Raggan ayaa u badan qaar xaasas hore u soo qabay oo da’doodu u dhaxayso 40-55, iyo kuwo aan sidaa u badnayn oo ku dhowaad da’doodu tahay 30.

Mar aan wax ka waydiiyay waxa ay u soo doonteen gabdhahan Hindida ah maadaama ay heli karaan gabdho Somaliyed oo isku dhaqan iyo isku af ay yihiin, ayaa waxay iigu jawaabeen Gabdhaha somaliyed wadankii marka ay joogaan waa ay fiican yihiin lakin markii dibadaha la keenay weji kale ayay la soo bexeen oo iyagii ayaa guryihii maamulaya amarna kaa qaadan maayaan oo gurigii marka aad isla joogtaan waxaad isla noqonaysaan Laba ruux oo amar isla bixinaya hal marna guriga ka wada baxaya marna soo galaya caruurtiina halkaa ay ku dayacmeen, Sidoo kale ayaa waxay ragan sheegayaan in gabdhihii Somaliyed markay yurub yimaadeen ay noqdeen gabdho shaqo doon ahaa oo ragoodii iyo hawshii hooyonimo ee ubadkii gurigeediiba iloobay.

Mid ka mid ah raggan oo ka yimid Ingiriiska ayaa sidoo kalena isagu ii sheegay in gabar Somaliyeed oo ay qaraabo yihiin uu ka keenay Somalia keenayna wadamada yurub dabadeedna gabadhii ayaa waxa uu sheegay inay is bedeshay oo ay noqotay qof dhaqankiiba ka tagtay oo ciyaalkii uu dhalay xitaa dhaqaalayn wayday, sidaa daraadeed ayaan halkan u imid oo gabdhaha Hindida ah ayaa la ii sheegay ayuu yiri inay yihiin haween wanaagsan oo raaliyooyin ah, wuxuuna ii sheegay inuu guursaday oo uu aad ugu faraxsan yahay Ilaahna uu ku mahadinayo oo uu dareemayo is bedel wayn taabtayna hada nolosha qiimeheeda iyo macaankeeda ayuu sii raaciyay.

Waxaan sii waydiiyay farqiga u dhexeeya gabdhaha Somalida ah iyo kuwan Hindida ah wuxuu ii sheegay in farqi wayni u dhexeeyo oo xag walba ay ku kala duwan yihiin ha ahaato xaga Ixtiraamka raggooda & Dhaqaalaha.

Waxay sheegeen in gabdhahan Hindida ah si wayn ayay uga duwan yihiin Somalida oo ninkeeda oo keliya ayay taqaanaa oo xitaa waalidkeed marka ay ku siiyaan gabadha cid kaa soo daba hadlaysa ma jirto, Hablaha somalida hadaad guursato gabadha iyada keliya ma guursane tolkeeda oo dhan ayaad guursatay ayay sii raaciyeen.

Oday Somaliyed “Habeenkii anigoo la i babinayo ayaan seexday subixiina anigoo la i babinayo ayaan ka soo kacay!” Mid ka mid ah Odayaasha waawayn ee hore u guursaday gabdhahan ayaa ku kaftamay in isagoo babis lala dul fadhiyo uu seexday subixiina uu ka soo kacay isla sidii isagoo loo babinayo, Marka gabadh Somaliyed sidaa ma laga helayaa ayuu sii raaciyay!

Qaabka lagu helo Gabdhaha Hindida

Waxaa aad u fudud sida aad ku heli karto inaad guursato gabadh Hindiyad ah, oo waxaad ku heli kartaa adigoo u sii maraya rag Somali ah oo luqada yaqaana ama iyaguba xidid la ah dadka dalkan u dhashay oo sanooyin badan halkan joogay, waxaana ay isla markiiba ku gaynayaan xaafada ay ku nool yihiin Gabdhahaas adigoo markaaba lagu tusayo ilaa 6 ama 10 gabdhood oo tii muuqaalkeedu ku qanciyo kala baxaya, waxaad waydiin kartaa su’aalo aan sidaa u badnayn iyadoo ehelkeeda ay kula joogaan ka dibna isla halkii ayaa laguugu meherinayaa adigoo isla markaaba halka aad doonto la aadi kara, taas oo ay ku xiran tahay hadba reerka gabadha sida aad isu fahantaan.

Gabdhaha la guursado ayaa u badan gabdho ka soo jeeda qoysas dhaqaale ahaan hooseeya,

Badanaa waxaa aad u dhib badan in ay helaan ragaani gabar ka soo jeeda reer iska ladan sababtoo ah gabadha hadiiba ay awoodaan reerkeeda inay ka bixiyaan lacagta ninka Hindiga ah la siin lahaa reerkaa waxay gabadhooda u guuriyaan hadba ninkii ay u goyn karto lacagtooda iyadoo ay ku xiran tahay ninka qiimihiisa hadba aqoonta uu leeyahay iyo qoyskiisa dhaqaalaha ay haystaan.

Gabdhahan ayaa u badan kuwa aan aqoon sidaas ah lahayn oo aan badanaa xaga luqada aan la is fahmi karin iyadoo raga qaarkood ay ku qasabto inay is fahmi waayaan oo farriimaha qaarkood ay dibadaha uga soo dirayaan u sii marsiiya rag kale oo luqada yaqaana.

Mar aan wax ka waydiiyay ragaasi sababta ay u raadsan waayeen gabdho aqoontoodu wanaagsan tahay ayay ii sheegeen inay ka door bidayaan kuwan maxaa yeelay ayay leeyihiin gabdhaha aqoonta leh waxay u badan yihiin kuwo saxiibo (Boy friend) leh oo aan la aamini karin.

Gabadha marka aad guursato oo wixii lacag ahaa oo lagu heshiiyay aad bixiso ayaan lagaa rabin wax kale oo lacag ah oo dheeraad ah oo halkii aad doonayso ayaad gabadha la aadi kartaa Somalia ha ahaato ama dibadaha ha ahaatee.

Gabdhahan ayaa ay raggan aad kuugu amaanayaan marka aad waydiiso in kastoo dadka qaarkii ay arrintaa aad uga so horjeedaan oo ay leeyihiin gabdhahan meelo badan oo ay gabdheheena Somaliyeed uga fiican yihiin ayaa jira sida dhaqaalaynta carruurta, Nadaafada guriga iyo kartidaba, sidoo kale ayaa waxay leeyihiin gabadha Somaliyed waa gabar tol leh oo walaal iyo qaraabo leh oo hadii ay wax ku qabsadaan ku caawinaya caruurtaadana caawinaya lakin gabdhahan ayaa hadii wax uun ay si kaa noqdaan ayaysan caruurtaadu helaynin cid caawiso oo ehel ahaan garab istaagaya.

Waxaa taa sii xoojinaya in haweenkan aysan ku wanaagsanayn carruur xannaanaynta dhacdadan oo dhowaan ka dhacday dalkan taas oo ah gabar u dhalatay wadankan oo la yiraahod Sultana ayaa waxay daawanaysay filim iyadoo dhabta ku haysatay ilmeheedi oo aan sannad gaarin dabadeedna iyadoo filimkii meel fiican u maraya ayuu ilmihii yaraa ku ooyay ka dibna gacanta ayay afka ka saartay si ay u aamusiiso oo filimka ay daawanaysana uga qasin, mudo ka dib markii ay filimkii dhamaysatay daawashadiisii ayay is tiri wiilkii wuu kuu seexdaye bal eeg, lakin nasiib darro waxay ogaatay ilmihii oo nafta ka baxday oo gacanteedii ay afka ka saartay ay neefta ku xirtay!

Hadaba waxaa la is waydiinayaa waxa keenay in gabdhahan ay sidan raaliyo u noqdaan oo nin Ajnabi ah oo aysan weligood arag isku dhaqan iyo isku af ahayn oo hadana mudo gaaban gudohood ku ogolaatay inay hadana sidaa uga dambayso oo meel kasto oo uu tagayana u raacdo, ma wax ay ku dhasheen baa mise waa wax ay danta ku qasabtay oo duruufaha iyo nolosha aduunyada ay baday?.

Su’aashaas jawaabteeda waa mid akhristuhu oo ka dhex heli karo labadan dhacdo ee soo socota oo ku saabsan guurka hindida dhexdooda ah sida uu yahay.

la soco Qaybta 2-aad:

Waa sidee Guurka Hindida Dhexdooda?

No comments:

Post a Comment