Sunday 8 November 2009

JACAYLKA NAAG SOMALIYEED NINOOW NA YUU WAQTI KAAGA LUMIN EE MARKAAD U BAAHATO SOO IIBSO MID IIB AH, WAA IIB,E

JACAYLKA NAAG SOMALIYEED NINOOW NA YUU WAQTI KAAGA LUMIN EE MARKAAD U BAAHATO SOO IIBSO MID IIB AH, WAA IIB,E

waxaan maalmahan warbaahinta qaar ku arkay qoraalo jacaylo iyo rag somalia oo guursaday dumar ajaaniib ah hadaba dhalinyadara somalida waxaan doonayaa inaan u sheego sheekoyin dhab ah oo jacayl oo aniga i soo maray islamrkaana aan idiin fasiro ciwaanka qoraalkayga hadaba aniga oo ah wiil somaliyeed islamarkaana dhashay1982 waxaan waxbarashayda dugsiga sare ka dib bilaabay xoogsi iyo sheeko guur waxaan waxaanu isbaranay gabadh aad u qurux badan runtii waxaanu seeska u dhignay jacayl aad u xiiso badan garo oo akhriste anigu,shaqsi ahaan nin ahaan waxaan ahay qof alle u dhaliyey aftahanimo golle joogsi hub qaad wacan aniga iyo gabadhii waxaany si weyn u beeray jacayl miisaan culus leh waxaanu isla gaadhnay heer aanu mid mid kale hadii waqtiga aanu is araki jiray uu ka habsaamo uu mid weliba uun halkiisa ku muraara,dilaaco meel kasta ordo oo uu kadayo ka kale gabadhii waxaanu indhahayaga iska jecelaano waxaanu soo gaadh nay waqtigii guur loo qalab qaadan lahaa anigu waan iska ladanahay waan iska xoogsadaa waxaan ku idhi xabiibi macaan waxaa la soo gaadhay gebogebadii waqtigii guurkeena rasmiga ah halkaas ayaa waxaa ka bilaabmay burburkii jacaylkii qaaliga ee aanu sanadka iyo badhka soo wadnay waxay igu tidhi reerkayaga imisa lacag ah ayaad siinaysaa arooskayga halkee laga tumayaa meherkaygu 5000 $ ayaan rabaa arimahaaswaxay igu noqdeen yaab iyo aman kaa,ag waxaan walaal macaan reerkiina waan hagaajinayaa arooska wixii aan hayo waxba kaa hagran maayo ma wax baynu kala iibsanaynaa mise reer inaga dhexeeya ayeynu dhisaynaa waxay igu tidhi waxaan aan kuu sheegay oo weliba baabuurta arooskayga soo gelbinaysaa 100gaadhi noqonto mooyaane waxba socon maayaan

arinkaas waxan damacay inaan ku qanciyo inaanu faa,iido noo lahayn if iyo aakhro toona laakiin nasiib daro aniga oo weli qancintii ku jira ayaa gabadhii aabeheed oday laba baabuur iyo laba bakhaar leh siiyey waxaanu halkaas ku burburay jacaylkii aan wada dhisaynay halkii ayey odaygii ku raacday anigii yaab muraaradilaac calaacal meel waayey waaan ka soomay cunto cabitaan waxaan noqday qof jooga oo maqan hadana murugo weyn ayaa ii dhamaatay markii dhibkaasi isoo gaadhay waxaan go,aansaday inaan iyadii u duceeyo waxaan alle uga baryey inuu guurkeeda mid khayr qaba uga dhigo nasiib daro aniga oo u duceeyey hadabna markii uu gabadhii odaygii sanad qabay ayaa islaantiisii hore ee odaygu qabay oo odayga isaga xayraan ah la soo kifaaxday odaygii culays ku saartay inuu furo gabadhii oo qof yar u dhashay odaygii markii uu culayskii u adkaysan kari waayey wuu furay gabadhii oo qof yar wadata halkaas ayaa gabadhii inanimadeedii ku weyday anigii aanu isku weynay welina dib looma guursan marka halkaas ayaau ku kala faataxaysanay gabdhaas hore iyo jacaylkaygii loo xanibay qarashka faraha badan ee aan waayey awgiis mudo waxaan aamus naadoba waxaan bilaabay damac iyo hami jacayl hor leh

LA SOCO QAYBTA LABAAD OO XIISO BADAN WALAAHI WAA JACAYL DHAB OO I SOO MARAY ANIGA

FARAXAAN JAMAAC XASAN
FINLAND HELISINKE

weli_2010@hotmail.com

No comments:

Post a Comment