Friday 6 November 2009

MILICSIGA MAYERKA CAASIMADA HARGAYSA XUSSEN MAXAMUUD JICIIR (QAYBTII 3AAD)

MILICSIGA MAYERKA CAASIMADA HARGAYSA XUSSEN MAXAMUUD JICIIR (QAYBTII 3AAD)

Maayar Jiciir iyo Horumarinta Ciyaaraha

Mudadii uu xilka hayay Maayar Jiciir waxyaabaha muuqda ee uu wax ka qabtay waxa ka mid horumarinta ciyaaraha, isaga oo aasaasay naadi ku ciyaara magaca Dawlada Hoose ee Hargeysa “DHH”.


Ciyaaruhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha kor u qaada isdhexgalka bulshada, isla markaasna ka qaybqaata dabarjarida balwadaha kala geddisan ee ay dhalinyaradu caadaysato sida Jaadka, sababtoo ah xilliga kubbada la ciyaaro iyo xilliga jaadka la cunaa, waa wakhti isku mid ah, waana galabnimada.


Hadii qofka dhalinyarada ahi uu helo wax uu kaga mashquulo cunida jaadka sida shaqo, waxbarasho, madadaalo kale iyo ciyaaroba waxa ay u dhawdahay in qofka dhalinyarada ahi aanu ku

dhiiran cunista jaadka.


Naadiga uu aasaasay Maayar Jiciir waa naadi ka mid ah naadiyada heerka koowaad ee magaalada Hargeysa, waana Naadi sii dhisnaan kara muddo farabadan, maadaama oo uu haysto meel uu ku tiirsado dhaqaale ahaan, oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysina la garab taagan tahay taageero hiil iyo hooba ah.


Marka laga yimaado aasaasida uu Jiciir aasaasay Naadigan, waxa uu sidoo kale Maayar Jiciir naadigan siiyay xafiis iyo xarun ay ku hawlgalbaan, qorsheyaashooda ay ku dejiyaan, ku shiraan, wax ku falanqeeyaan, ku kulmaan, ku wada tashadaan, isugu yimaadaan, isaga war hayaan. Xafiiska iyo xarunta la siiyay Naadiga Dawladda Hoose ee Hargeysi waa mid ku yaalla isla xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Haddii la heli lahaa dhawr meelood oo kale sida shirkado ganacsi, ama haayado dawli ah, oo damaanad qaada qarashka ciyaartooyga, si la mid ah sida ay Dawladda Hoose u damaanad qaaday qarashka iyo hawsha Naadiga Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa hubaal ah in ay ciyaaruhu noqon lahaayeen meel lagu soo hirto, la hiigsado, lagu hamiyo, hiyiga lagu qabto, loo hanqal taago, hammuun loo qabo, isla markaasna loo wada hanweyn yahay.


La soco qaybta 4aad.


Education and Research Academy Desk

Hargeisa, Somaliland

eraorg@ymail.com

No comments:

Post a Comment