Wednesday 4 November 2009

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 12AAD RAXMADDA IYO DULQAADKA

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 12AAD RAXMADDA IYO DULQAADKA

ADUUNKAAsalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan salaantaa Islaamka ee qaaliga ah u dirayaa Shebekedda Toggaherer iyo Akhristayaasheeda.

Adduunka ama Kownka

Raxmadda iyo Dulqaadka

Alle subxaana watacaalaa waa raxiim oo Addoomadiisa wuu u raxmad badan yahay,waana u dhibirsan yahay oo u dulqaad badan yahay,Illaahay Addoomadiisu hadday wax ka dalbaan ama denbi dhaaf weydiistaan,wuu u naxariistaa oo waxay u baahan yihiin iyo siyaadoba wuu siiyaa,sidoo kale Alle dad fara badan oo caasiya oo diida amarkiisa iyo waajibaadkiisa,wuu u dulqaataa oo wuxu siiyaa fursad ku filan oo ay ku soo noqon karaan,oo ay ku fekeri karaan xaqiiqada iyo Aayadaha Illaahay ee ka muuqda waxyaalaha ku xeeran iyo naftoodaba ay eegaan oo ku caqli qaataan.

Magacyada Illaahay waxa ka mid Raxmaan iyo Raxiim oo raxmadda Illaahay caddaynaya,sidoo kale magaca Xaliim oo dulqaadka Alle sheegaya,raxmadda Illaahay way ballaadhan tahay oo shey kasta way gaadhaa:

“ورحمتي وسعت كل شيء” ( الأعراف)

Aayadda:raxmaddaydu waa mid shey kasta gaadha oo ballaadhan,oo waasic ah, Diinteenna xaniifka ihi waa raxmad Alle inoo soo dejiyey oo Nebigiisa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee innoogu soo dhiibey:

“وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ تِبْيَانًا لِكُلِّ شَيْءٍ وَّ هُدىً وَّ رَحْمَةً وَّبُشْرىٰ لِلْمُسْلِمِيْنَ” (النحل)

Aayadda:waannu kugu soo dejinney(Nebi Allow)kitaabka isagoo shey kasta caddayn iyo sharrax ka bixinaya,oo hanuun iyo raxmad iyo bushaaro u ah Muslimiinta.

Sidoo kale Illaahay Rasuulka uu inoo soo diray wuxu inoo yahay Raxmad,oo xaqii ayuu inoo caddaynayaa oo ina tusayaa waddadii toosnayd ee aynu ka helaynay naxariista Eebbe:

(وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلاَّ رَحْمَةً لِّلْعَالَمِيْنَ) سورة الأنبياء

Aayadda:kuuma aannu soo dirin waxkale raxmad aad u tahay caalamiinta(dadka) mooyee.

Rasuulkuna wuxu yidhi waxan u ahay dadka raxmad iyo hanuun:

قال صلى الله عليه وسلم (إنّما أنا رحمة مهداه)

Xadiiska:waxa Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam yidhi:waxkale ma ahee,waxan ahay raxmad lagu hanuunayo oo lagu hadoobayo.

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu ahaa mid jecel oo u naxariis badan Muuminiinta:

لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُوْلٌ مِّنْ أَنْفُسِكُمْ غَزِيْزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيْصٌ عَلَيْكُمْ بِالْمُؤْمِنِيْنَ رَؤُوْفٌ رَّحِيْمٌ) سورة التوبة)

Aayadda:waxa xaqiiqo ahaan la idiin soo diray Rasuul idinka mid ah,oo ah mid ka xanuunsanaya hadday dhib idin taabato,oo idiin dadaalaya,oo u ah Muuminiinta mid dhibirsan oo u naxariis badan.

Naxariista Rasuulka iyo raxmaddiisa darteed waxay sababtay inay dadku jeclaadaan oo ku soo ururaan,oo ka faa’iidaystaan cilmigiisa iyo khayrkiisa:

فَبـِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيْظَ الْقَلْبِ لاَنْفَضُّوْا مِنْ حَوْلِكَ( سورة آل عمران)

Aayadda:Raxmadda Eebbe darteed ayaad u noqotay dadka mid u debecsan oo haddii aad noqon lahay mid adadag oo qalbi qallafsan way ka yaaci lahaayeen hareerahaaga.

Dadka Muslimiinta ahi waa kuwo isu naxariis badan oo isku tiirsan :

(مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ…)(الفتح

Aayadda:Maxamed waa Rasuulkii Alle,kuwa weheliyaana waa kuwo ku adadag Gaalada oo isu naxariista iyagu.

Sidoo kale wuxu Illaahay inoo soo dejiyey Quraan inoo ah shifo aynu isku dawayno,oo inoo ah raxmad iyo naxariis:

(ونُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَّ رَحْمَةٌ لِلْمُؤْمِنِيْنَ) سورة الإسراء

Aayadda:waxannu Quraanka soo dejinnay isagoo u ah shifo iyo raxmad Muuminiinta.

Illaahay naxariistiisa iyo raxmaddiisa wuxu qof kasta eegaa itaalkiisa iyo wuxu awoodo ee karayo,oo wax aanu itaal u hayn kuma ciqaabo:

(لاَ يُكَلِّفُ اللّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا) البقرة

Aayadda:Alle nafna kuma kellifo itaalkeeda mooyee wax kale(Awooddeeda).

Illaahay aad buu Addomihiisa ugu naxariistaa iyagoo denbiyo samaynaya ayuu illaahay,u dhaafaa,oo u kaadiyaa waa intaas oo ay toobad keenaane:

Alle wuxu Addomadiisa u sheegayaa inaanay marna ka quusan raxmadda iyo naxariista Eebbe,ee ay Alle ku xidhnaadaan oo denbi dhaaf weydistan:

قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِيْنَ أَسْرَفُوْا عَلـٰـى أَنْفُسِهِمْ لاَ تَقْنَطُوْا مِنْ رَحْمَةِ اللهِ ( سورة الزمر)

Aayadda:waxad(Nebi Allow)tidhaahdaa Addomayohow naftooda ku tagri falay ee israafay ha ka quusannina raxmadda Alle.

Waxa Muuminiinta wanwanaagsan ee khayrka isfara Alle ugu ballan qaaday inuu u naxariisto oo ay raxmaddiisa helaan:

وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)

Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin oo isfarayaan wanaagga oo iska reebayaan xumaha,oo Salaadda oogayaan Sakadana bixinayaan,Alle iyo Rasulkiisana adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka casiiska(qaaliga)ah ee xakiimka ah.

Waalidku waa kuwo mar kasta u naxariista oo jecel ubadkooda,waxa qofka muslinka ah la gudboon inuu u duceeyo oo u gudbiyo adeeg wanaagsan oo raalli geliya waalidka una dhibirsanaado:

(وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيراً) (الإسراء)

Aayadda:u debci dhaqanka oo naxariis u samee,oo dheh Rabbiyow ugu naxariiso (waalidkay) siday ii soo rabbeeyen markaan yaraa.

Qofka muslinka ah waxa laga rabaa inuu lahaado oo ku sifoobo dhamaan sifooyinka wanaagsan ee diinteenna xaniifka ahi ina fartay oo ay ka mid tahay naxariistu,qofku waa inuu u naxariistaa cid kastoo u baahan taageero iyo taakulo,oo itaalkiisa aanu waxba ka hagran ee u huro wuxuu awoodo,waxana qaali ah in qofku uu cafis iyo saamaxaad u sameeyo dadka isagoo kara inuu ka aarsado ama ka goosto wuxuu ku sameeyey,qofka sidaa sameeya Alle abaalgud iyo ajar fiican ayuu siinayaa,qofkii uu saamaxayna waxu xumihii u bedelayaa wanaag oo wuxu ku deyanayaa inuu sifadaasoo kale isna kasbado oo naftiisa baro:

“والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين” ( آل عمران)

Aayadda:kuwa laqaya cadhada(cadha burburaya)ee cafiya dadka,Alle waa jecel yahay kuwa muxsiniinta ah ee ixsaanka iyo wanaagga sameeya.

Dadka Muslimiinta ah Alle wuxu farayaa inay isu dhibirsanaadaan oo is caawiyaan iskuna taageersadaan khayrka iyo wanaagga:

وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ(المائدة)

Aayadda:isku caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku caawinina,denbiga iyo cadawnimada,oo Alle ka baqa,Alle ciqaabkiisu waa mid daran oo adage.

Qofka dadka iyo noolaha kaleba u naxariista Illaahay ayaa u naxariista oo taageera:

وعن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن رسول الله قال: ((الراحمون يرحمهم الرحمن، ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء)) [رواه أبو داود والترمذي]

Xadiiska:Cabdillaahi Ibnu Camro Alle ha raalli noqdee wuxu sheegay in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:kuwa naxariista Raxmaanka ayaa u naxariista.

Qofka aan dadka u naxariisan isagana Alle uma naxariisto:

وعن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال: قال رسول الله : ((من لا يرحم الناس لا يرحمه الله)) [رواه البخاري ومسلم] ، ورواه أحمد

Xadiiska:Jariir Ibnu Cabdillaahi Alle ha ka raalli noqdee wuxu yidhi Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:kaan dadka u naxariisan Alle uma naxariisto.

Waxa Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalame kala kulmay Maka iyo dadkii Quraysheed dhib fara badan,dabadeed wuxu qabtay magaalo Daa’if la yidhaahdo,bal inay taageeraan oo Risaaladda qaataan,nasiib darrose carruurtii iyo dumarkii ayay ku yidhaahdeen dhagxiya oo erya,dhib badan ayaa ka soo gaadhey oo lugihiisa dhiiggii ayaa ka daatay,siday u dhagxinayeen,wuu iskaga tegey,isagoo aan dareenkiisu dhibtii darteed caadi ahayn,markuu marayey meel Sacaalib la yidhaahdo ayuu wax kala gartay,dabadeed wuxu arkay daruur dushiisa ah,markuu eegay wuxu arkay Malaku Jibriil,wuxu Malaku Jibriil ku yidhi:Alle waa maqlay waxay ku yidhaahdeen Qowmkaagu,iyo siday kuula dhaqmeen,waxanu Alle kuu soo diray,Malaga Buuraha,si aad ugu amarto waxaad rabto,dabadeed Rasuulku wuxu yidhi Malagii Buuraha ayaa ii dhawaaqay,oo i salaamay,wuxu igu yidhi Maxamedow waa adigu sidaad doonayso,haddaad doonto labadaa buurood ayaan iyagoo ku dhex jira isku dhirbaaxayaa,Rasuulku waa naxariis miidhane,wuxu yidhi mayee waxan rajeynayaa in Alle dhabarradooda ka soo saaro(ay dhalaan) kuwo Alle keligii caabuda oo aan u shariig yeelin.

..فناداني ملك الجبال فسلم علي ثم قال: يا محمد، فقال: ذلك فيما شئت، إن شئت أن أطبق عليهم الأخشبين))، فقال النبي صلى الله عليه وسلم: ((بل أرجو أن يخرج الله من أصلابهم من يعبد الله وحده لا يشرك به شيئا))

Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa inuu naxriis u yeesho wax kasta oo naf leh,waxa jirta in haweeney Jannada ku gashay Eey ay waraabisay isagoo harraadan,halka haweeney kale ay cadaabka ku gashay Bisad ay ku dishay,gaajo markay meel ku xidhay,oo iyaduna wax siin waydey,una ogolaan weydey inay quudkeeda raadsato,markaa waa inaynu u naxariisanaa noolohoo dhan,oo kuwaynu ka xoog badan nahay aan ilaalino,sida qudhaanjada aynaan ku tuman ee ka leexanno,xayawaanka kalena u wada naxariisanno.

Mar kasta ogow kuna seexo oo ku soo toos naxariis oo dadka Muslimiinta ah la wada jeclow wanaag iyo horumar,markaas ayaa dadkuna ku jeclaanayaa,Allihii abuurayna ku jeclaanayaa,oo wanaag kuugu abaalgudayaa,insha Allah.

Dulqaadku waa shey qaali ah,Alle subxaana watacaalaa waa xaliim waana dulqaad badane,iyadoo Alle awood u leeyahay Addoomada uu isagu abuuray hadday caasiyan inuu isla markiiba halaago ama abaalkooda mariyo,laakiin Alle wuu u dulqaataa, waxanu siiyaa fursad ay ku fekeri karaan oo ku bedeli karaan dariiqoodii khaldanaa, haddii ay ku sii dhega adaygaanna Alle wuu u dulqaataa ilaa ajashii uu ugu talogalay dhamaato:

“وَلَوْ يُؤَاخِذُ اللهُ النَّاسَ بِمَا كَسَبُوْا مَا تَرَكَ عَلـٰـى ظَهْرِهَا مِنْ دَابَّةٍ وَّلـٰـكِنْ يُؤَخِّرُهُمْ إلـٰـى أَجَلٍ مُسَمًّى فإِذَاجَاءَ أَجَلُهُمْ فَإنَّ اللهَ كَانَ بِعَبَادِه بَصِيْرًا” (فاطر)

Aayadda:haddii Alle u qabanayo dadka waxay kasbadaan ee ay sameeyaan, kuma hadheen adduunkan korkiisa wax daabbad(san k neefle)ahi,laakiin dib ayuu Alle ugu dhigaa,ilaa ajal go’an,hadday timaaddo Ajashoodu Alle Addoomadiisa waa kii arkaya ee og.

Alle subxaana watacaala wuxu dadka u soo diray Rusul tusta oo u sheegta xaqa,kii shugri naqa iyo kii gaaloba Alle wuxu la sugaa xisaabtiisa:

فذرهم يخوضوا ويلعبوا حتّى يلاقوا يومهم الذي يوعدون(الزخرف)

Aayadda:ii daaya oo iiga taga hayska galeen hawadooda oo hayska cayaareen ilaa uu ka haleelayo oo u imanayo maalinkoodu(ajashoodu)ee ballanta u ahaa.

Dulqaadka iyo qowlka ama hadalka wanaagsan ee aad dadka kula dhaqanto,ayaa markasta laga door bidaa manno sheegashada xataa haddaad wax bixiso:

(قول معروف و مغفرة خير من صدقة تتبعها اذى و الله غني حليم )

Aayadda:hadal wanaagsan iyo denbi dhaaf ayaa ka khayr badan sadaqo aad raaciso dhibaato ama manno sheegasho,Alle waa qani dulqaate ah.

Tusaale Fircoon oo Alle caasiyey oo Illaahnimo sheegtay,haddana illaahay dulqaadkiisa markuu Nebi Muuse iyo Nebi Haaruun u diray,wuxu ku yidhi u tega Fircoon oo hadal debecsan oo wanaagsan ku dhaha waa intaas oo uu waano qaato ama cabsado’e:

قال تعالى): اذهبا إلى فرعون إنه طغى فقولا له قولا لينا لعله يتذكر أو يخشى)(طه)

Aayadda:u tega Fircoon wuu xadgudbeye oo ku dhaha hadal debecsan waxa la arkaa inuu waano qaato oo cabsado’e.

Iyadoo Alle og yahay Fircoon iyo camalkiisa gaalnimada ah haddana Nebigii Eebbe waxa la farayaa inuu adeegsado hadal wanaagsan oo debecsan,halkaa waxad ka garan kartaa oo arkaysaa dulqaadka Alle,iyo sida Alle u siinayo qof kasta waqti dheeraad ah oo uu ku fekero xaqa oo ku soo laabto oo toobad keeno.

Alle subxaana watacaalaa waa dulqaad miidhan dadka amarkiisa diida wuxu siiyaa,fursad oo wuu u dulqaataa xumaha ay samaynayaan,oo markiiba kama jasaa’i siiyo,ee wuu u kaadiyaa waa intaasoo ay soo noqdaane:

ذرهم يأكلوا ويتمتّعوا ويلهيهم ألأمل فسوف يعلمون(الحجر)

Aayadda:iska daa ha iska cuneen oo ha iska raaxaysteen,oo ha kaxaysato rajada iyo amalku,way garan doonaan waxa ay samaynayaane.

Waxa la innaga rabaa dulqaad iyo inaynu badiyaa ama mar kasta dadka cafino oo saamaxno,innagoo ka aargoosan karna,haddana u dulqaadanno,taasi waxay dhalinay in dadku iskaga daydaan wanaagga iyo dulqaadka iyo naxariista,oo ay sharaf iyo dhaqan wanaagsan Ummadda u noqoto.

Naxariiso weligaa

Ha nebcaysan ruux qudha

Noloshu waa wadaagiyo

Niyadsamida khayrkiyo

Naawilaadda wacan ee

Nabaddiyo barwaaqadu

Nefis ay u baahdoo

Naf kastiba illaahay

Nimcadiisa garatoo

Naruurada cibaadada

Nalka ay u shidatoo

Nasashada khushuuca leh

Naxariista Eebbiyo

Negaanshaha wanaagga ah

Nadiiftaa Quluubtiyo

Nuxurkaa iftiimaya

Noogid li’i dadaalkiyo

Nidaamkaa Illaahay

Nuurkiisa raacoo

Nafaxaadka bogashada

Noloshaada taageer

Neeftaadu cibaadiyo

Niyadoo khushuuc liyo

Nimco yaanay moogaan

Naxariista Eebbiyo

Noolow ado mudan

Ninna baahitiridiyo

Naallayn ha waydiin

Nafta Alle ku bxidho oo

Nabarrada begsiiyoo

Noolee cibaadada

Nuug barakadeedoo

Naasku yaanu kaa gudhin

Naxariista Eebbiyo

Nimcadiisa galabsoo

Nabadgelyada dooroo

Nafta dooji weligaa

Nafta dooji weligaa.

Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga yeelo kuwo isu naxariista oo isu dulqaata.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w

No comments:

Post a Comment