Friday 6 November 2009

CODKAAGA KU CIIL BAX (20) CAQLIGAAGA CUSKO.

CODKAAGA KU CIIL BAX (20) CAQLIGAAGA CUSKO.

CODKAAGA KU CIIL BAX (20) CAQLIGAAGA CUSKO.
Ahmed Arwo
Waxa hubaal ah in abuurista Illaahay tahay raxmad iyo miisaan aan cid labayn karin. Waxa jidhkeena, dareenkiisa, dhaqaaq iyo qawlba, xakameeya oo hogaamiya maskaxda. Waxa si miisaan leh leynoogu manaystay xubno midwaliba baahi gaara ah kafaynayso. Xukunoo dhammi waxuu ku soo uruuray madaxa. Haddaba xubnha madaxa ku yaalaa waa kuwee maxay se qabtaan?
Waa araga oo laba indhood ayaa Alle ina siiyey, xikmaduna waa inaynu arrin walba ka fiirsano oon labada dhinacba ka eegno, waxa weheliya maqalka oo iyana sidoo kale laba dhegood ka hawl galaan. Waa halka laga yidhaahdo hebel dheg keliya ayuu leeyahay, oo isagoo laba Alle siiyey ayuu adeegsadaa mid qudha micnehuna yahay ISAGOON KOLNA DHEGAYSAN DHINACA KALE. Laba labadii waxa soo raacay mid mid. Waa carabka hadalka higaadiya iyo afka hadalku ka soo baxo, waa mid mid. Waayo kolka maskaxdu amarto in labada dhegood iyo labada indhood hawha dhan walba ka eegaan, caqliga oo mid ahina miisaamo, waxa loo baahday inay go’aanku noqdo mid qudha oo carab iyo af keliye ka soo baxo. Waa halka laga yidhaahdo Allow haa iyo maya meel qudha hanaga wada yeedhsiin, oo ah masiib iyo dhaqan xumo kolka carabku caadeesto hadalo isburinaaya. Waxaana lagu bartaa qofkaas mid beenaale ah, meel loo raaco lahayn iyo wax lagu aamino.
Haddaba maxaa ugu wacan in dadki qaarkii uu laba-carabeeyo oo hadalo is burinaaya iyo ujeedooyin is dabraaya ula yimaadaa? Taas waxa ugu wacan kolka uu Caqligiisa qofku uu baal maro. Mar walba go,aanka caqligu waa mid, waxa se qofku noqdaa mid isagoo garanaaya wanaaga caqliguusu u soo jeediyey, baal mara oo qaata go,aan kaas lid ku ah. Waana halka labaclabacdo ka timaado.Garaadka dadku isma leeka,waxa se hubaal in xataa qofka kas gaabka ihi go’aaankiisu mid yahay oo caqligiisu gaadhay hal go’aan. Kuma margado, mana jiif kacleeyo ee si badheedh ah ayuu qaladkiisa ugu adkeystaa waayo isago qaladkaas ma arko. Laba carabeyntu waxay tahay kolka qofku qalad uu garanaayo oo maankiisu uga digay ku dhaqaaqaayo. Waxuu isku dayaa inuu wax dhoodhoobo, been iyo run dheeha laga qaaday ayuu kolba qar ula kacaa. Su’aasha la weydiiyo jawaabteeda waxuu ka dhigaa su’aal iyo mawduuca oo uu ka baxo.
Taas waxa xaqiijinaysa in qofku kolka uu xumaha samaynaayo uu ula kaco gabad iyo meel mugdi ah, waayo caqliga ayaa diidan oo tusaaya foolxumada meesha taal. Kolkaasuu qarsoodi iyo mugdi ula TOOSAA. TEEDA KALE KOLKA XUMAHA LAGU QABTO, MA QIRTO…ogow hadduu taas wanaag u arki lahaa wuu qiran lahaa..dafiraadda waxa keenaaya isagoo caqligii xakamayn lahaa diiday, bal se ka dheregsan in waxa uu falayaa yihiin foolxumo iyo qudhin.
Dhacdooyinkii toddobaadkan waxa ay yihiin qaar muujinaaya dabciga aadmiga iyo caqliga kolka la cuskado sida loo hantiyaayo talo suuban. Waxa dhacay arrimahan:
Guddiga Doorashhyinka
  1. Waxa la doortay Hoggaankii Guddiga oon is-qabqabasho ahayn ee sidii loo fooladeeyey, iyana isu doortay. Waa bilow wacan, ee hanbalyo iyo bogaadin.
  2. Waxay diideen la wareega deynta ay u arkeen mid aan lahayn badhitaar sharci.
  3. Waxa dardaaren wacan u jeediyey xisbiyada mucaarid iyo muxaafid oo si isku mid ah ula hadlay
  4. Waxa iyana sidoo kale ula taliyey Guddigii Hore, iyana isla halkii wacnayd ayey dhigeen..” Weligiin ogaada la-tashiga xisbiyada, iskana dheereeya farogelinta meel kasta ooy ka timaado…”
Waxay arrimahan ina tusayaan in kolka caqliga la cuskado, aragtida aadmigu isku dhowdahay, kolka maskaxda la shiilo ee go’aanka caqliga la qaato, in carabku isku mid noqonaayo, kolka se cidi diideyso caqliga, waxa bata laba carabeynta, fikirkana la mideeyo oo waxa bilaabma khilaaf. Wax-sheegna ma socdo kolka qofka wax loo sheegayaa yahay mid garanaaya inuu qaldan yahay balse il iyo dheg iska xidhay, carabkiisuna aanu ka gaban ereyo madax iyo minjo kala lahayn beentuna u tahay wax macaan oo dantiisa gaaban uu ku gaadho..
DHAARTII GUDDIGA
Dhinaca kale waxa la duray oo dhab ah in la gees maray dhaarintii Guddiga. Waa mid la yaab leh in taas oo kale dhacdo. Maxaa lagu macnayn karaa:
  1. Garasho la,aan amba ilduuf dhinaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ah.
  2. Daandaansi ahaa mucaaridku ha ka hadlo oo deedna isjiidasho ha bilaabanto.
  3. Dhaar-xad looga jeedo in xubnaha qaar lagu dago..oo waa tu ku salaysan jahliga Soomaalidu ka qabto dhinaca dhaarta..waxaynu ognay in la yidhahdo “isku kaadi oo adigoo nijaaas ah dhaarta gal, kuma qabanaysee”.. waa been salkeedu yahay jahli.
Waxaan qabaa in dhaarrta la dhaariyey inkasta ooy gees martay sharciga,haddana tahay mid kafaynaysa hawsha loo igmaday. Sideedaba Islaamku waxa uu qabaa iyadoon lagu dhaarin in hawsha aad qabataba tahay mid Alle kugala xisaabtami doono, oo xilkaaga lagaa rabo inaad u gudato hagarasho la’aan iyo cadaalad. Dhaar la’aanta mas’uuliintu ma aha mid wax ka dhimaysa xisaabta Alle. Tan lagu dhaariyey ee ah inay Dadka Soomaliland ku maamulaan si cadaalad iyo sinaan ah..oo ah dhaarta Madaxtooyada, waa mid kolka sida ay tahay loo eego ah in seddexda musharax ay cadaalad iyo sinaan kula dhaqmaan, iyo weliba xulashada Guddiyada Gobalada, degmooyinka iyo shaqaalaha ay qoran doonaanba… waa inay cadaalad iyo sinaan ku maamulaan dadka maamulkoodu la macaamil doono oo dhan, shaqaale iyo ganacsataba..
Tan ah haddii Madaxtooyadu ku dhaaratay sidan ma yihiin dar cadaalad iyo sinaan doorashada ku maamulaaya? Mas’uuliyad ahaan Madaxtooyadu kolna waa musharax kolna waa HOGGAANKII DALKA. KOLKA DHAARTA LA MARIYEY WAA HOGGAN LAGA DOONAAYO INAY GO’AANADA AY QAADANAYAAN AHAADAAN MID SINAAN IYO CADAALAD LAGU GAADHAY. Waa inay si siman hantida qaranka, warbaahinta qaranka, iyo wax walba si is leeg oo siman ay ugu fidiyaan seddexda xisbi. Dhaartu waxay ka rabtaa inayna mushahar siinin hawl-wadeenada xisbigooda, inayna xataa isticmaalin gaadiidka qaranka kolka ay ololaha galayaan. Dhaartu waa inay si siman oo cadaalad ah sedeexda xisbi ula dhaqmaan, ficilkooduna waa iyaga iyo Illaahay. Sidoo kale ayey dhaartu u tahay mid Guddiga doorashooyinka u haysata, waana rag garanaaya inaan isku-kaadi iyo dhaar-xad midna dhaartaas ka baajinayn, waa dar og in Alle ay la hortagi doonaan ficilkooda maalin aan qareen iyo hiil tooni jirin.
XUSKII QARAXII ARGIGIXISADA IYO FAL FOOLXUMO…
Wanaagii iyo quruxdii ayaamahan socotay, waxa dhooqiiyey fal la yaab leh. Waxa ina soo martay xus loo sameeyey qaraxii 29ka October ee argigixisadu ku dishay maati iyo shacbi aan waxba galabsan, iyadoo ku fashilantay hadafkii ahaa dumista iyo baabiinta nabadda dalkeena. Waxa xuskani ku beegmay xili jawi fiican dalku galay oo laga soo doogay dhibtii ka dhalatay dib u dhacii doorashada. Waxa loo balamay in mucaarid iyo muxaafidba la qiimeeyo dharaartaas, oo la tuso cadowga Soomaliland midnimada qaranka. Dharar ka hor ayaa Guddiga doorasghada la dhaariyey seddexda xibi-hogaamiye goob ay joogeen ayaa xuskaas lagu balamay, kaadhna loo qaybiyey… Waagiibaa beryey cidwaliba u dhaqaaqday dhinaca Madaxtooyad. Waxa fajac noqotay in Guddoomiye Siilanyo loo diido inuu u gudbo madashii xusku ka socday.
Waxa gartiisa qaatay oo xaal-bixin warbaahinta mariyey Taliyihii Taraafikada, Ilkacase. Waxuu noqday nin gartiisa qaatay, nin qiima ha hogaamiyayaasha xisbiyadu leeyihiin gartay,nin qadariyey xuska dharaartaas iyo baahida loo qabay midnimada qaranka. Balaa ka dabo timid. Waaba danbiile iyo caasi xukuumadeed. Waxa gacanta loo gashay warqad cas oo xil wareejin ah kuna sexeexan yahay Duqa Bolisku. Waxa ka sii daran amarka oo leh: xilka ku wareeji Kuxigenka oo ah isla ninkii amarka joojinta Guddoomiye Siilanyo lahaa. Waa gardaro garab og iyo boog la diidan yahay inay bogsooto. Looma dhaqaajin oo dulqaadkii iyo samirkii mucaaridku caadaystay ayey laasimeen, colkii kala na waaye ujeedadii ahayd inay jawiga soo doogay ay dib u celiyaan oo qas iyo qalalaase si uun ku bilaabmo.
Waxoo dhan waxa ka xun, in caado laga dhigto in muwaadin xil qaran haya warqad yar oon lahayn awood cad lagu eryo. Shaqaalaha dawladdu waa inay yeeshaan maamuus iyo sharci lagu dhaqo, ma aha in danbi la’aan lagu eryo, ma aha in raaligelinta nin la siman lagu eryo, ma aha in loo adeegsado siyaasad iyo arrimo xisbi. Waxa habboon in ragga iyo haweenka sidan oo kale loo eryaa qaadaan dacwad ooyna noqon habac bustihiisa la baxa kol kasta oo nin ka gardarani farta ugu fiiqo dhinaca irridda.
IYANA WAA MARKHAATI..
Aan idinku dhaafo waa tii caruurta kaadhaka la siiyey laga qayliyee, dhacdadan muujinaysa cidda habkaas adeegsata, waa caruur aan qaan gaadhin oo loo sameeyey xaflad ku-soo biirid xisbi. Akhris wacan maqaalka Jamhuuriya qortay iyo adigoo Caqligaaga Cuskada, fariintiisa ku dhaqma oo Codkaaga ku Ciil Baxa. Waa maankaaga ood keli u yeelato, iyo xubnaha xiska ee Alle ku siiyey ood si habboon u hawl geliso.
Hargeysa (Jam)- Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo masuuliyiinta heer gobol ilaa qaran ee xisbigaas, ayaa shalay soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo carruur iyo haween wejiga kamaradda ka qarsanaya u badan, una muuqday in la soo khasbay ama ay ujeeddo gaar ah lahaayeen, isla markaana sheegtay inay hore uga tirsanaaayeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo ku soo biiray UDUB, hase ahaatee aan la cadayn karin.
SII AKHRI OO GUJI HOOS
Waa inoo fikir kale oon wadaagno Insha Allah.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh.
Ahmed Arwo

No comments:

Post a Comment