Friday 6 November 2009

Sheikh Adan Siiro…Mufti Ah Muwaadin Dhab Ah Oo Ka Dhex-muuqday Culimadda Somaliland.

Sheikh Adan Siiro…Mufti Ah Muwaadin Dhab Ah Oo Ka Dhex-muuqday Culimadda Somaliland.

qallin
Sheikh Adan Siiro…Mufti Ah Muwaadin Dhab Ah Oo Ka Dhex-muuqday Culimadda Somaliland.

Sheikh Adan Xaaji Maxamuud Xiiray…..Waa Caalim Diintiisa, Dalkiisa iyo Dadkiisa daacad u ah. Sheekhu waxa amaan iyo xilkasnimo uu ku mutaystay difaaca dalkiisa isaga oo ka run sheega badheedhahiisa, waxa kasta waxa uu bud-dhig uga dhigaa oo uu ku maareeyaa Caqiidada Islaamka. Sida caadiga ah qof kasta waxa lagu qiimeeyaa wax qabadkiisa iyo xilkasnimadiisa marka waxa dhacaan sida uu ka yeelo iyo xalka uu la yimaado…..Tusaale Qaraxyadii Hargeysa lala beegsaday 29/10/2008, Sheekhu waxa uu si geesinimo leh daaha uga rogay isaga oo aan cidna u habranayn in kuwii duulaanka soo qaaday ay ahaayeen Daalimiin aan Diin Shaqo ku lahayn. waxa aan aad u xusuustaa hadal uu yidhi maalintaa isaga oo u duur-xulaayey Wadaad reer Burco ah, Weedha uu yidhi Sheekhu ayaa ahayd * Rag baa yidhi ma garanayno waxay doonayaan kuwa Qaraxa gaystay…..Waano garanaynaa waxa ay doonayaan, waxay doonayaan in dalka colaad iyo fawdo ka ridaan kadibna Qaab guracan ku qabsadaan dalkan. waxa kale oo uu yidhi Sheikh Adan Haddii nabad la waayo Gawaadhi cad-cad Hargaysa laguma dhex wadan doono laba laba xaasna laguma qabi doono, Waxa uu sii raaciyey intaa Cidii ka danbaysay , waynu ognahay oo waata qaarkeen cajaladaha loo soo diro, telefoonka lagula soo hadlo, waa wada naqaanaa kuwa cauurta dira, arintuna maanta culimoy inaga ayey ina dul saarantay ee aynu meel saaro dacwiga dadka iyo su’aasha Aakhiro. Sheekhu waxa uu si niyada ugu duceeyey dadkii ku shahiiday Qaraxyadii waxa kale uu baruurdiiqdii kala qayb qaatay dadkii Ehelkooda lagu xasuuqay Qaraxa isaga oo u caqli celinaaya kuna dhiiri-galinaaya in ay Hor Alleh u samraan.
Sheikh Aadan wuxuu ku dhashay Hargaysa horaantii lixdankii , markii oo ardayga dugisga dhexe ahaa wuxuu hormuud ka haa dhaliyaradii xarakadii waxdada ee Somalinad, wuxuu tafsiirka ka akhriyi jiray masjidka Aw-bashiir oo wali ka dhisan masjid jaamicii hore ee Hargaysa dabadiisa, siirada nabiga iyo taariikhdii Asxaabta ayuu ku xeel dheer yahay waana sababta loogu bixiyey Sheikh Adan-siiro
Sheekhu waa xalaal-quute Muruqiisa maala oo Ganacsi ilaahay u barakeeyey ku leh Magaalada Hargaysa waana mulkiilaha Meheradaha hoos ku qoran :
1.Macmacaan laha Nasiiba
2.Warashad Korontada oo ganacsi meelo badnna sida masaajido iyo rugo caafimaad siisa laydh lacag la’aan ah
3.Saldhig Police ayaa isna jira oo sheekhu dhismihiisa, qalabayntiisa iyo bixinta ciidanka ka hawl gala uu wada bixiyo ilaa uu gaadhsiiyay heer lagu magaacbo saldhiga sheekh aadan.
A.waxaqabadka sheekha oo aan la soo koobi karin waxaa ka mid ah, tukinta salaadda jimce ee masjidka xawaadele oo Todobaad walba la soo galiyo internetka Halganews, Hadhwanaag iyo sdwo.com
B.wacdiga guud, wacyigalinta bulshada ee dhan walba siiba xagga isu tudhida iyo is kafaalo-qaadashada oo la taageero dadka saboolka ah, dhanka siyaasadda wuxuu ka gaystaa kaalin wadani ah oo lexejeclo weyn oo dalkiisa ka qabo laga dheehan karo.
C-heshiisyada nabadda oo shirarkooda uu dhulal badan u maray sida kii u danbeeyey ee ceel-bardaale
D. Sheikhu horumarka dalka waxa uu ka qaataa qayb-libaax, Maalkiisa wuu ku tabarucaa isaga oo Agoonta iyo Masaakiinta jilicsan il naxariis leh ku eegaaya, kaalmooyin dhaqaale ee jaaliyadaha debaduhu ku soo hagaajiyaan waxa uu u qaybiyaa si cadaalad. isla markaana xisaab celin soo celiya.
Ma aha wax la ilaawi karo Kaalintii uu sheikh Adan ugu jiray Bulshada wakhtiyadii adkaa ee Qaxoontioga la ahaa, Sheekhu waxa uu ka bilaalbay meelihii loo qaxay wacdi iyo wacyigalin ku salaysan Anshaxa toosan waxa maal iyo maskaxba uu galiyey Masjidkii waynaa ee Xarshin, kii dulcad, dabbayl wayne, masjid ku yaalla tuulada la yidhaahdo masjidka.
Gujiskii Badda ayuu Sheekhu uga dhigan yahay Guud ahaan Argagixisada Nin Somaliland Gaadaya ayuu Gaadhka ka hayaa….
Sheekhu Waa Geesi aan Xaqa ka Meermeerin, Isaga iyo Argagixisada Fiinta ayaa dhex miraynaysa siiba kuwan Al-shayaadiin (Al-shabaab) oo uu si geesinimo leh u hortaagan yahay, taasina waxay ka caddhaysiisay biidhi-qaatayaasha Takfiiriyiinta Al-shabaab u adeega, iyaga oo ku gabanaaya wadaadnimada.
Sheikh wuxuu kasbaday quluubta badi dadka caasimadda iyo meelaha u dhaw iyo qurba jooga oo leh sheekhaas, sheekh ma loo waayey, Sheikh Adan waxa uu si joogta ah u soo bookhdaa Iskuulada, jaamcadaha, xarumaha agoomaha, xarumaha dadka naafada ah iyo kuwa Waalan ee Maskaxda wax ka qaba, waxa kale oo uu xidhiidh la leeyahay xarunta sooayal ee naafada SNM iyo Jeelasha dalkaba, isaga oo muujinaaya ka war hayn iyo in uu dadka u dhex galo oo wax loo qabto.
sheikhu waxa uu ka qayb galaa doodaha khuseeya dalka arimihiisa oo dhan siiba kuwa idaacadda, tv yada, internetka, suugaanta gabayada , tartarnada quraan xifdinta iwm. Sheikh waxa uu ku guulaystay in uu ka Fogeeyo Hargeysa iyo Hareeraheeda Kooxha Seef-la-boodka ah sida Itixaadka. Sheikha wax hiil iyo hooba la barbar-taaqan Mujtamaca Somaliland oo isku duuban.
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment