Friday 6 November 2009

XAFLAD BALAADHAN OO LAGU FURAAYEY JAAMACA TIMACADA EE GABIILAY.

Waar munaafaqada hargeysa ka imanaysa ha lagala dhex baxo. Waar isma caqli dhaantaane Talada Illahay ha idiin garansiiyo” Abwaan Gaariye

Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay isla markaana aan loo kala hadhin, waxa ka soo qayb galay Guddoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Ucid Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Musharaxa M/ku xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Saylici, Guddoomiye ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax. Sidoo kale, Xafladan Maanta waxa joogay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Aaden Muxumed Bade, Ku xigeenka Guddoomiyahaasi Khadra Xaaji Gaydh, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi .

( Xaliib),Ku Xigeenkiisa C/risaaq Sheekh Aaden Cali,Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Sheekh Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal.

waxa Iyaguna Maanta Munaasibadaasi ka soo qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarshada, Xasan Xaaji Maxamuud (gadhwayne), Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Qorshaynta Qaranka Cali Maxmaed Ibraahim(Sanyare) ku xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi, Ku Xigeenka Waxbarashada Ismaaciil Muxumed Madar iyo ku xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Sheekh Maxamed Aareeye( Aadami). Waxa iyaguna Maanta Xaflada ka soo qayb galay Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Muxumed iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar. Waxa iyaguna Saaka Xafladaasi Yimid Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac(Gaariye) iyo Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin( Dheeraad) waxa iyaguna Xafladaasi oo ahayd mid aad u qiimo badanayd ka soo xaadiray Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray( Aaden Siiro), Sheekh Cabdillahi Makaawi, Guddoomiyahii hore ee Dallada Sonyo Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali(Culimo), Maamulka Jaamacada Cusub, Dhallinyarada tiro badan oo wax ka barata Dugsiga Sare ee Qalax, Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

DSC09482

Waxa halkaasi hadalo qiimo badan ka jeediyay Dad badan oo ka mid ah Masuuliyiintii ka soo qayb galay.

DSC09483

Ugu horayn waxa halkaasi hadal ka jeediyay Hormoodka Kulliyada Jaamacada Camuud Prof. Abokor Sheekh Cabdi oo sheegay in hirgalinta Jaamacadan Cusubi aanay ahayn mid si fudud ku timid. Prof. oo ka mid ahaa Ardaydii ka baxday Dugsiga Sare ee Qalax, waxa uu sheegay in ay maanta Farxad wayn u tahay in uu ka qayb galo Xafladan iyada oo uu halkan wax ka baran jiray iyada oo Iskuul ah. Waxa uu dhammaan ka soo qayb galayaashii Xaflada guddoonsiiyay Salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Cabdi Guuleed,

DSC09479

Sheikh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray ( Aaden Siiro) oo halkaasi kala hadlay Dadwaynihii Xaflada ka soo qayb galay ayaa sheegay in Xaflada Maanta waxyaabaha la iskugu yimid ay ka mid tahay in ay Jaamacada Cusub ugu ururiyaan Dhaqaale lagu kaabo oo lagu hir galiyo. Waxaanu ku dhiiri galiyay dhammaantood in ay lacagtaasi iska soo ururiyaan. Sheekh Maanta si adag ayuu ula hadlay Ka soo qayb galayaasha isaga oo u sheegay in maanta aan lagu kala tagayn ilaa la bixiyo Lacagtaasi. Waxa uu sheikhu halkaasi ka sheegay Murti badan oo dhammaantood khuseeyay dhiirigalint Dadku in ay wax bixiyaan, “taasi oo ah” buu yidhi sida kaliya ee Horumar lagu gaadhi karo. Waxa uu sheekhu soo qaatay Maahmaahyo iyo Murti kale oo ay Leeyihiin Dadka Somalida ah. Waxa uu ugu Maah maahay Murtida Somalida ee Tidhaa “ Gabadhii tidhi, Ninka intaa leegi Gabadhayda kama Dhali waayine waa Hakranayaa”

DSC09480

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray, waxa uu xusay in Gobolka Gabiley ay iska diiwaan geliyeen Dad ay tiradoodu gaadhayso 113.000. la rabo in %30 ka mid ah Dadkaasi in laga rabo in qofkiiba uu bishii Bixiyo Shillinka Somaliland 1000. taasi oo ka dhigaysa lacagtaasi hadii la bixiyo Shillinka Somaliland 40.000.000. waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay 200 qof oo ka mid Dadka Gobolka u dhashay ee Meelahaa ku kala maqani in ay bixiyaan qofkiiba $50 bishiiba. Marka la bixiyana noqonaysa $10.000. taasina ay isku gaynta ka dhigayso $8800. hadii la isku geeyo Sannadkii oo dhanna noqonaysa Lacag aad u badan oo wax wayn ka tari doonta Baahida Jaamacada.

SDC12908

Xukuumada Somaliland ayuu sheekhu u soo jeediyay in Boqolkiiba Seddex ay bixiyaan Dakhliga Wajaale oo uu sheegay in ay maalintiiba ka soo xarooto lacag aad u badan oo gaadhaysa $25.000 ilaa $30.000, kuna deeqaan Jaamacada 3% inta ay hanno qaadayso.

DSC09475

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in Ururinta Lacagta loo samayn doono Guddi dhexdhexaad ah. Dadkuna ay Lacagta ku soo hagaajin doonaan Sanaadiiq la dhigi doono Masaajidada, Goobaha la iskugu yimaado iyo Hudheelada Wax laga cunno.

DSC09474

Sh.Aadan Siiro ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee Lacagtaasi bixiya. Waxaanu Sheekh Aaden Siiro bixiyay lacag $2000. sidoo kale waxa uu sheekhu sheegay in la Jaamacada laga hor taagi doono Boodh kaasi oo lagu qori doono Cida gacan dhaqaale ka gaysata Jaamacadan Cusub la samayn Boodh ay ku qoran yihiin Dadka lacagtaasi bixiyay isla markaana lagu dhajin doono Jaamacada Horteeda. intaa ka dib Masuuliyiintii Madasha ka soo qayb galay qof kastaa waxa uu balan qaaday in uu bixiyo Lacag karaankiisa ah.

DSC09471

Cabdiraxmaan Faarax Sugaal $2000, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed$1000, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi( Xaliib) $1000 iyo waxyaabo kale oo uu Jaamacada ugu deeqi doono, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye $1000, Musharaxa M/wayne Ku xigeenka Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici $1000, Musharaxa M/wayne ku xigeenka Ucid $1000,Guddoomiyaha Degmada Wajaale Maxamuud Wayne $1000, Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada C/Casiis Maxamed Samaale $1000 iyo Cabdillahi Xuseen Cige ( Balaaki) $1000 ( labadan Masuul ee danbe Madasha ma joogin ee markii Telefoon lagu hadlay ayay balan qaadeen) Garabka Haweenka Xisbiga Udub Maryan Xadi $1000, Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax $1000, Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh.Aadan $1000, Xildhibaan Muxumed Geele Seed $1000, Cabdi Xasan Seed $1000, Inj. Maxamuud Sheekh Faarax Ladiif $1000 iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isagu madasha ka balan qaaday in uu Lacagta Jaamacada ka bixin doono Laba Arday oo ka mid ah Agoonta Gabiley oo wax haysan.

DSC09471

Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka balan qaaday in ay bixin doonaan lacagta Dhaqaale Ururinta Jaamacada Masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan Gadhwayne oo bixiyay $500, Ganacsiga oo bixiyay $500, Wasiirka Qorshaynta Cali Sanyare oo bixiyay $500, Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo bixiyay $500, Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo bixiyay $500, Suldaan Ibraahim Jaamac oo bixiyay $500, Aw Ciise Jaamac (aw Ciise Gacan loo) oo bixiyay $500, Maxamed Muuse Meecaad oo bixiyay $500, Xildhibaa, Bashiir Tukaale oo bixiyay $500 iyo Cabdi Xasan Seed oo bixiyay $500.

SDC12893

Ururka Wadaniga ah ee SOHA(Somaliland Hope Association) ayaa iyaguna Jaamacada ugu deeqay lacag uu xadigeedu dhan yahay $1000. Dallada Ururada Haweenka Gabiley ayaa deeq taa la mid ah guddoonsiiyay Jaamacada Cusub taasi oo xadigeedu uu gaadhayay $500

hasa ahaatee, waxa iyagu halkaasi rikoodh dhigay oo bixiyay lacagtii ugu badnayd eesaaka la ururiyay Ururka Ganacsatada Wajaale. Waxaanay bixiyeen $20.000.

SDC12902

Maayarka Degmada Gabiley Aaden Muxumed Bade, ayaa isagu ka waramay Mudadii ay Jaamacada Hawsheeda ay ku jireen in ay tahay Sagaal Sanno. Waxaanu sheegay in ay Maamul ahaan ay Jaamacada la garab taagan yihiin gacan taageero iyo mid dhaqaale labadaba. Waxaanu ugu bushaareeyay Dhallinyarada Reer Gabiley ee Waqtiyadii hore Waxbarashada Jaamacadeed u doonan jiray Meelo Fog fog in ay u soo dhaweeyeen oo ay ka heli karaan Deegaankoodii. Maayarku waxa uu rajeeyay in Jaamacadani ay noqon doonto mid lagu soo hirto.

SDC12911

Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ku jiray Masuuliyiintii Saaka xafladaasi hadalada ka jeediyay ayaa xusay in Jaamacad in Gobolka laga sammeeyo ay fikirkeeda iska lahaayeen 67 qof oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Aqoon yahan iyo Dhallinyaro. Waxaanu sheegay in ay farxad wayn u tahay Maanta isaga oo Masuul ah in uu khudbad ka jeediyo Iskuulkii uu wax ka baran jiray oo Jaamacad ah. Waxaanu xusay in ay filayaan Dadka Gobolada kale abaalkii ay u galeen markii ay Jaamacadaha dhisayeen in maanta ay la soo garab istaagaan hiil iyo hooba.

SDC12898

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil ayaa isaguna u soo jeediyay guud ahaanba Bulshada Somaliland in ay Jaamacadan cusub la soo garab joogsadaan Taageero balaadhan tan iyo inta ay ka hanno qaadayso. Waxaanu ku baraarujiyay Dhallinyaradii uu waqtigu ka lumay markii ay waayeen Waxbarasho Jaamacadeed in ay Maanta Jaaniskan ka faa’idaystaan. Wasiirku waxa uu Qurba jooga Reer Somaliland oo ku nool Dunida Dacaladeed in ay Jaamacada si gaar ah u daneeyaan oo aany taageerada ka joojin inta ay hirgalayso.

Mudane, Abiib Filfil, Wasiirka Ganacsiga Somaliland waxa uu sheegay in Jaamacadani ay tahay Astaan Qaran, tahayna mid aanay cidna ka xigin ee ay Ummada Somaliland dhex u tahay.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaariye) ayaa isaguna sheegay

in Dadka oo dhami ay Gaadhi saaran yihiin. Gaadhigaasina uu dalacan yahay oo ay foostooyin u yaalaan. Dadka saaaran ee Rakaabka ahina waa ay dadan yihiin, ayuu yidhi oo waa hurdaan. Dirawal ayaa wada. Gaadhigu wuu guuxayaa. Laakiin, halkiisii ma dhaafayo ilayn waa dalacan yihiine. Dadka Gaadhiga saarani marka ay in badan Hurdaan ayay baraarugayaan waxaanay arkayaan gaadhigii ay saarnaayeen oo aan halkii dhaafin. Dirawalkay bedelayaan oo ku kale ayay saarayaan. Waxaanu sheegay in taasi aanay xalka ahayn loona baahnayn in kolba Dirawal la bedelo ee loo baahan yahay in horta Gaadhiga laga hoos qaado Foostooyinka si ay taayiradu dhulka u qabtaan oo gaadhigu u dhaqaaqi karo.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, waxa uu si gaar ahaan ula hadlay labada Beelood ee Walaalaha ah ee ku hirdamaya Dhul daaqsimeedka Deegaank Ceel Bardaale “ Dadka halkaa idinka xiga Dad baad iskugu xigtaan. Illaahay ha idin tusiyo. Wuxuu yidhi, waa liig ninkii reer Tolkii libin ka doonaa. Hadii aad boqol ka dishaan abtiyaashiin ayaad disheen, iyaguna hadii ay Boqol idinka dilaan abtiyaashood ayuunbay dileen.

Waar munaafaqada hargeysa ka imanaysa ha lagala dhex baxo. Waar isma caqli dhaantaane Talada Illahay ha idiin garansiiyo”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Xisbi ahaan Jaamacada Cusub garab taagan yihiin.

“Waxa farxad ii ah in aan maanta xafladan idinkal qayb qaato.Gabiley, Waa gobol Hodon ah oo Dad badan. Jaamacad iyo wax ka badanba waa u baahan tahay. Hadii ay Taariikh tahay, hadii ay Halgan tahay iyo Arimo kale oo badanba waa ay ka soo qayb qaadatay. Waxaan shaki ku jirin in ay halkaasi ka sii wadi doonaan Dedaalkooda. waxaananu idiin sheegaynaa in aanu taageero idinla garab taaganahay.” Ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Guddoomiyaha Kulmiye.

Waxa isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii Saaka madasha hadalka ka jeediyay Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax.

“ jaamacadaa waxaan u aragnaa in ay tahay Jaamacad Qaran. kolay Gobolada Bariga Dadka ku nool waa idiin soo diraynaa. Waa Jaamacadii u horaysay ee lagu dhigi doono Cilmiga Beeraha. Waxaan Illaahay ka rajaynayaa in Ay noqotay meesha wax soo saarkeeda dadka oo dhami ay ka wada faa’idaystaan. Taageero hiil iyo Hooba waan idinla garab taaganahay.”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna halkaasi ka hadlay. “Waa la isku faanaye, anagu waxaan ka bixin doonaa Laba Arday. Marka ay Afar sanno dhiganayaan waxay noqonaysaa $7000. Maxamed Rashiid-na $1000 ayuu bixiyay, Markaa walaalayaal Ucid ahaan waxaanu bixinay $8000. waxa naga badan oo kaliya Reer Tog wajaale.”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu yidhi

“ 66 Arday ayaanu guud ahaan ka bixinaa Lacagta waxbarashada. Kuwaasi oo iskugu jira Iskuulo, Jaamacado iyo Madarasado.

Ilaahay ugu mahadnaqa idinku abuuray Gabiley. Waxa uu leeyahay Beerihii iyo Wadooyinkii.”

Waxa uu sheegay in xadaarada Aduunku ay jirtay 200 sanno ee ugu danbaysay. Xeebaha ayay inta badan ka jiri jirtay. “ Inagu hadii aynu xeeb leenahayna waa ta keentay in aynu somalida inteeda kale ka ilbaxsanaano. Hasa ahaatee, markii aynu Dawladnimadeenii wareejinay waa la inaga tagay. Ilbaxnimadiina waxa ay raacday Dawladnimadii.

Markii xamar la isla tagay ee la tiriyay 60% waxa ay noqdeen Dhallinyaradii ka soo jeeday Gobolada Woqooyiga. Waxayse tageen Sucuudiga. Maantana waxa aynu ku helnay gobonimadii aynu la soo noqonay. Waa sidaa uu gaareiye sheegaye gaadhigeenu waa dal dalan yahay iskamana daldalmine waa la daldalay waxaananu keeni doonaa dawlad dajisa. Hadii aynu rabno in aynu qaran noqono waa in aynu ka baxnaa qabyaalada. Dawladuna waa in ay toostaa. Ma aha in aynu dadkeena nuugno waa in aynu u shaqaynaa. Wajaale waa magaalo fiican laakiin, biyaha ayaa fadhiista. 20.0000 ee ay bixiyeen waa in wax loogu qabtaa.”

Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay Masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe , Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Waxbarashada waxaanay dhammaantood tilmaameen sida ay ugu faraxsan yihiin in Gobolka Gabiley uu Jaamacad yeesho.

Lacagta Saaka la ururiyay ayaa gaadhaysa $45.000. taasi oo aad uga badan intii la rabay oo ahayd $30.000.

Munaasabadani oo aan loo kala hadhin waxaa iyaguna Deeq buugaag ah oo isugu jira buugaagta technology-da Casriga ah iyo Cajaladahoodii ugu deeqay Jaamacada Cusub ee Gabiley Ardayda Reer Gabiley ee Wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Hargeisa.

Ugu danbayntii waxaa Casuumada Qado sharaf ah loogu Sameeyay Masuuliyiintii iyo marti Sharaftii ka soo qayb gashay Xaflada Hotel Dalxiis ee Magaalada Arabsiyo.

No comments:

Post a Comment