Wednesday 4 November 2009

WAKIILKA ALQAACIDA EE SOMALIYA OO LA MAGACAABAY IYO XOG BUUXDA CIDA LA MAGACAABAY

WAKIILKA ALQAACIDA EE SOMALIYA OO LA MAGACAABAY IYO XOG BUUXDA CIDA LA MAGACAABAY

War ka soo baxay Ururka Al Qaacida ayaaa shaaca ka qaaday inb hogaamiye sare oo ka tirsanaa ururkaasi hadda loo magacaabay inuu noqdo masuulka Al Qaacida ee Soomaaliya.

Warkaasi oo lagu baahiyey bog internet oo ay adeegsadaan Al Qaacida ayaa lagu sheegay Naajix Fadli Cabdalla Muxammed loo magacaabay inuu noqdo wakiilka Al Qaacida ee Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya. Waxaa Fadli Cabdalla uu bedelayaa masuulkii hore ee Al Qaacida ee Geeska Afrika Saalax Cali Saalax Al Nabhan oo lagu dilay meel ku dhow degmada Marka ee koonfurta Soomaaliya bishii September ee sanadkan, isaga iyo xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo wada socday.

Sida ay sheegeen warar laga heley saraakiil sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabab waxaa uu Cabdalla Faadil ku sugnaa gudaha Soomaaliya laakiin uu is qarinayey in muddo ah waxaana uu hadda si toos ah u noqonayaa madaxa hawlaha Al Qaacida ee Bariga Afrika.

Shakhsiyada Naajix

Naajix Fadli Cabdalla Muxammed waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Cabdalla Fazul, waxaana dhalashadiisa ay ka soo jeedaa dalka Yemen, wuxuu heystaa dhalashada dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu leeyahay magacyo kala duwan sida Abuu Seyf A-Suudaani, Abuu Ceyshah iyoAbuu Luqmaan.

Faazul waxaa uu ka mid yahay liiska Mareykanka ee dadka loo doonayo falalka ay Mareykanku u yaqaanaan “argagixisada”, waxaana loo heystaa qarxintii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Sida la rumeysan yahay Cabdalla Faazul waxa uu ka mid ahaa raggii sida weyn ugu dhowaa hogaamiyaha sare ee Al Qaacida Sheekh Cusaama Binu Laden sanadihii 1991 markaasi oo uu Binu Laden joogay Bariga Afrika gaar ahaan dalka Sudan.

Cabdalla Faazul waxa uu tababaro ku soo qaatay dalka Sudan ka hor intuusan tegin Afghanistan. Waxaana uu ka dib tegey Ciraq iyo Pakistan.

Faazul waxaa uu ku hadlaa luuqadaha English, Carabi, Sawaaxilli iyo Faransiiska, waxaana uu khibrad badan u leeyahay computer-ka isagoo sidoo kalena shahaadada cilmiga dhakhtarnimada.
Dhalashadiisa

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartey hay’ada Mareykanka ugu qaabilsan sirdoonka FBI, waxaa uu Cabdalla Fazul ku dhashay jaziirada Comoros.Waxa uu dhashay August 25, 1972. Waxaana uu sidoo kale leeyahay dhalashada dalka Comoros.

Laakiin FBI waxay sheegtay inuu Faazul adeegsado taariikho kala duwan oo uu dhashay sida December 25, 1974; ama February 25, 1974.


Hawlihii uu ka qeybqaatay

Cabdalla Faazul waxaa uu ka qeybqaatay dagaalkii looga horjeeday ciidanka UNISOM ee yimid Soomaaliya sanadihii 1992-1995. waxaa uu xilligaasi ka dibna aaday Kenya.

Waxaa uu wax ka abaabulay weerarkii lagu qarxiyey safaraadihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998.

Waxaa uu sidoo kale ka soo qeybqaatay dagaaladii jihaadka ee ka dhacay Afghanistan Ciraq iyo Pakistan.

Sanadkii 2002 waxaa isaga iyo Al Nabhan ay wada diyaariyeen weerar fashilmay oo lagu qaaday diyaarad ay Yuhuud saarneyd oo ka duushay garoonka Mombassa ee dalka Kenya.

Mareykanka ayaa sheegay Cabdalla Faazul ay ku dileen duqeyn ay ka geysteen degaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubada hoose ee Soomaaliya sanadkii 2007 laakiin warkaasi been ayuu noqday.

Waqti Xaadirkan

Cabdalla Faazul oo hadda ku hawlgalaya magaca “Naajix Fadli Cabdalla Muxammed”waxaa uu la jiraa Xarakada Al Shabab isagoo kala qeybqaadanaya dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.

Waxay wada socdeen Saalax Cali Saalax Al Nabhan oo ay Soomaaliya ka wada hawlgali jireen, laakiin geerida Al Nabhan ka dib waxaa uu hadda la wareegay xilka masuulka Al Qaacida ee Geeska Afrika.

sawirada-cabdalla-fazul


————————————
*Warbixin waxaa shaaciyey bog internet oo ku hadla Afka Al Qaacida.

No comments:

Post a Comment