Tuesday 10 November 2009

SHALAY IYO MAANTA : MAHADHOOYIN KA IYO WEEDHIHII SIYAASADEED EE WASIIRKII HORE EE ARIMAHA GUDAHA UU KA YIDHI MADASHA SIIYASADA

SHALAY IYO MAANTA : MAHADHOOYIN KA IYO WEEDHIHII SIYAASADEED EE WASIIRKII HORE EE ARIMAHA GUDAHA UU KA YIDHI MADASHA SIIYASADA

ISMAACIIL-YARE-A

Qormadeenan 9aad ee shalay iyo maanta oo aynu ku daraasaynaynay weedhaha siyaasiyiinta Somaliland ay xilliyo kala duwan kasoo jeediyeen saxaafada iyo masraxyada siyaasada ee khudbadaha ay jeediyeen ayaa maata qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa weedhihii uu madasha siyaasada ka yidhi, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, muddadii uu xilka wasiirnimo ka hayay xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale oo lagu tilmaami jiray shakhsiyaadkii wasiirada ahaa e sida weyn u difaaci jiray amase ugu jawaabi jiray eedaha axsaabta mucaaridku ay u soo jeediyaan habdhaqanka hogaamineed ee maamulka Rayaale.

Hase yeeshee Mr Ismaaciil yare oo maanta ah siyaasi is bedel weyni ku dhacay mawqifkiisii siyaasadeed ee uu shalay ku difaaci jiray madaxweyne Rayaale, balse aynu soo qadano qaar ka mid ah kelmadihiisii ee uu madasha siyaasada ka yidhi, ka hor intii aanu xilka wasiirnimo Rayaale ka qaadin iyo ka dib intii xilka laga qaaday.

Mar uu Ismaaciil yae khudbad ka jeedinayay dabayaaqadii bishii November 2003-dii degmada Faraweyne xilligii doorashadii madaxtooyada natiijadeedii lagu dhawaaqayey ayaa waxa ka mid ahaa weedhihiisii:

1“lixdii bilood ee madaxweyne Rayaale xilka hayay wixii dalka laga qabtay lama qabanin sagaalkii sanadood ee madaxweyne Cigaal dalka hogaaminayay.

2. “Axmed Siilaanyo ina Kaahin iyo qayrkood toona Hargeysa waxba kama samayn karaan.

3. “Habeenkii ay komishanka doorashooyinku ay ku dhawaaqeen natiijadii doorashada madaxtooyada ee madaxweyne Rayaale ku guulaystay aniga C/llaahi dirawal iyo Cabdi wadaad midkaayana muu seexan oo xarunta komishanka ayaanu heegan ku ahayn.

4. haddii ay mucaaridku aqlabyada kuraasida aqalka golaha wakiilada nagaga heleen doorashadii baarlamaanka waxba ma qaban karaan anaguun baa mushaharka ay qaadanayaan gacanta ugu haynee mar hadaanu mushaharka siinayno way iska fadhiyi doonaan oo wax ay xukkumada yeeli karaan ma jirto.

5.”wadaadada Burco dagaal baa naga dhexeeya.

6. “madaxweyne Rayaale ayaa doorkan labada musharax noo ah.

Mr Ismaaciil yare oo khudbad ka jeediyay madashii xilka wasiirnimo ee wasaarada daakhiliga lagaga fadhiisiyey oo lagu qabtay xurunta wasaaradaasi, ayaa waxa ka mid ahaa weedhihii uu madashaa ka jeediyay:

7. “anigu sida raga qaarkii ee marka xilka laga qaado caytama u dhaqmi maayo, Udub baan ahay sir badana waan hayaayo rag doonaya inaan sheego sirahaasina sheegi maayee sirahaasi waaweyn ee aan hayo waan la dhimanayaa, waana ceeb masuul xil qaran soo qabtay uu ceebeeyo shaqadii uu shalay ka shaqaynayey.

Muddadii xilka wasiirnimo ee wasaarada daakhiliga laga casilay Ismaaciil Yare wsxa ka mid ahaa weedhihii uu saxaafada u mariyey ee uu yidhi:

8. madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka xumaa raganimada aan xilka ku gudanayay, waxaanu ka mid ahaa kuwii madaxweynaha culayska ku saaray in xilka layga qaado.

9. siyaasiyinta ururka qaran in la baryo may ahayn ee waa in talaabo adag xabsiga loogu taxaabo, xafiisyada ururka qarana waa in albaada loo laabo, wasaarada arrimaha guduhuna maaha inay habrato ee waa inay talaabo adag qaadato.

10. “madaxweyne Rayaale maaha ninkii aanu dooranay oo wuu is bedelay dalkiina wuu baa’biiyey.

11. madaxweyne Rayaale khayraadkii dalka macdanta, shidaalka waxa uu heshiisyo kula galay dawlado shisheeyo oo lacago lagaga qaatay, waxaanu Jabuuti kula shiray hogaamiyayaasha kooxda Somalia

12 “markii aan ka dhex kacay shirweynaha Udub askari madaxtooyada ah oo laygu balamiyay ayaa igu soo booday oo igu yidhi shirka ka bax, aniguna waxaan diiday inaan askari la murmo waan iskaga soo baxay.

13. “nimaan Hargeysa ku dilo mooyee ma jiro nin aniga igu dili karaa.

14 “ciidankii booliska ee gudoomiyaha Kulmiye rasaasta ku riday waxa ku jiray askar ilaalada madaxtooyada ka tirsan oo dirayskii booliska loo soo galiyey, waxaana ka mid ahaa askari la yidhaahdo Baanbidoo oo ka mid ah askarta beesha madaxweyne Rayaale ka soo jeeda.

No comments:

Post a Comment