Wednesday 4 November 2009

WAAD BAAHAN TAHAY LOOMA BAHALO CUNO!!!

WAAD BAAHAN TAHAY LOOMA BAHALO CUNO!!!

shotaly yarWAAD BAAHAN TAHAY LOOMA BAHALO CUNO!!!

Haddii aad dhimanayso dhareer-kaa layska duwaa, ee la isma dhiibo siddii askri maxbuus ah oo dagaal lagu qabatay, oo raba magan gelyo doon iyo in la badbaadiyo, ee waxa la talaab-sadaa inta aad socon karto, si aad u tusto kuwa raba in wax yar oo ay dhuunta kuu mariyaan ay dad-nimada kaaga saaraan, oo kolba sida cinjirka ay ku kala bixiyaan marna isku kaa celiyaan goorta ay kaa dhamays-taan ujeedaddii ay la haayeen, marka ay kuu baahan yihiina ay ku xaluuli-yaan irbad sun ah oo ay kugu suuxiyaan, si aanad u dareemin waabayda laguu raacinaayo waxa ay kuu soo fiiqayaan siddii ay wax ku tarayaan, sidaas awgeed wixii dhibaato iyo qas aan kaala hoos baxayn, kuugu-na soo gabanaaya wax baan ku taraynaa, hadana mijo xaabin hoosta kaaga wada, ka talinaaya burbur-kaaga haddii aanay maskaxda kaa qabsan, si ay kuugu sandulee-yaan dano gaar ah oo ay kaa lee-yihiin, waxa dhaanta laalaabo oo na dhaaf kuuma baahnine, kuwa aan u jeedo ee aan ka hadlayaa waa laamaha ka soo jeeda U.N-ta sida UNISOM,UNDP iyo qayba-heeda kale ee jooga somaliland, waxa laga yaabaa in ay dad badani indhaha taagaan oo yidhaahaan taloow abdi-shotaly miyuu ku degdegay maqaalkan sidee buu xaalku ka noqday, balse in yar i amaanaysii dhegaha iyo indhaha oo akhri waxa aan hoos ku soo qori doono si aad iila fahanto waxa miranaaya oboc-dayda ee igu kelifay waxan aad liqi kari la’dahay.

Waxay tahay aan ku hudh-siiyo’e, caasimada somaliland ee hargaysa waxa shalay ka dhoofay, wax war ah aan laga haynin kuwo xuub caaro isku qarinaayey, oo aan moodaynay in ay inaga tirsan yihiin daacadna u yihiin umada u dooratay in ay ahaadaan xildhi-baano ka talinaaya danaha loo xil saaray, waxase cadaatay oo daaha ka rogmay in ay yihiin awr kiraalayaal wixii dhuunta u qooya uun u adeega, isaga oo aan laga xog qabin isuna sheegin maamulka uu ka tirasan yahay iyo hay’yada laha maamulo, waxa hoosta kala soo xidhiidhay laanata UNDP-da iyada oo ku tidhi shir jabuuti lagu qaban doono oo ka hadlaaya HIV/AIDS ka soo qayb gala, oo ay iman doonaan somaliya iyo puntalnd, iyaka oo og in aan sinaba looga qayb qaadan shirarka noocaas ah, haddii laga maarmi waayo’na lagala tashdo tashado dawlada somaliland iyo hay’yada-heeda sharciga u qaabilsan, laakiinse waxay UNDP-du si toos ah u garab martay xuquuq-ddii ay somaliland u lahayd madax banaani-deeda, oo ku wada kal xad ay ku kala jebinayso umadeeda iyo mansuuli-yiinteeda oo ay shaki ku kala ridaan si aanu u socon maamulka inoo dhisani, oo ay inagu nabayaan waxa ay biyaha hoostada ku qarina-yaan ee ah soamli-weyn, taasina wax la qaadan karo maaha in ay inqilaab kuu maleegaan, weji kale oo kaas ka duwan-na ku tusaan.

Waa sheeko ka socota ina cumar geelaha jabuuti iyo UNDP-da oo ay heshiis ku yihiin si kasta oo xeelado khiyaamo la inoogu samayn karo in ay u laba diblays-taan, si ay u carqala-deeyaan geedi socodka somaliland, oo xadhig ugu xidhmin, dib u dhacna ugu yimaado sumcad iyo ictiraaf ay helaan, mar walba-na ay rebshedi ugu timaado ay ka dhaqaaqi kari waayaan, shaki kuma jiro in ay laba-daasi yihiin cadwga ugu weyn ee aynu lee-nahay, inoona gaysta wax-yeelada ugu xun, hadana ciirada isku qariya, waxa kale oo aan rabaa in aan halkan ku xuso, nimanka sira-daariga u tegayaa, ee sii hulaaba-nayaa go’a si aan loo dhaadin, sheega-naayana xildhi-baano, in ay yihiin kuwo aan mansuul ahayn ee qadhaab doon ah, waxa waajib ah in si toos ah loo geeyo maxakamad degdeg ah oo talaabo culus laga qaado, lagana xayuubiyo xilka ay sidaan, waayo uma qalmaan, lamana ay socod-siin shir-gudoonka xildhi-baanka, ee waa tuuga-nimo sharci daro ah, khlifsan-na distoorka xildhi-baanada iyo ka somaliland-ba, weliba aan kuugu daro’e nimanka la sheegaayo magacya-dooda waa kuwii hor boodaayey iska hor imaadkii sababy geerida iyo dhaawaca ee ay keentay is af-garan waaggii golaha xildhi-baanada ay dawladu ka xidhay gola-hooda markii baastoolada la isula baxay ee dhiig daadan gaadhay, waxa ragaas ka mid ah ninka la yidhaaho DUUR IYO NAC-NAC, inta kale-na waa kuwii la socday bal nin walba ha u fiirsado, waa qas wadayaal, waxa loo haystay in ay mucaaridka riyaale yihiin, waxase maanta cadaan ah in ay yihiin mucaarid ka soo hor jeeda somaliland, oo ay ogaan u kicina-yeen dadka si uu iska hor imaad mar kasta u joogo, oo aan looba deginba ee loogu jiro is dhex yaac iyo muran aan damayn uu nin dan lihi wado sida kuwan aan ka hadlaayo.

* N.B Masalaha nimaan ii dhigayn, oon midigta ii taagin, oo aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho.

abdi-shotaly.

oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment